Dr. Gaboose ma Safiir Majeerteeniya u Fadhiya Somaliland Baa?

 

Dhamaan waa salaaman tihiin ummadda Somaliland ee jecel jiritaanka iyo karaamadda dalkeena shan-ka roon. Waxaan xalkan ku qaada dhigeyna Dr. Gaboose oo runtii noqdey wakiilka ama safiirka  Maheertee nya u fadhiya Somaliland, isago waliba aan qarsaneyn ee si cad u difaacaya Bugland.

Waa la ogyahay inuu Dr.Gaboose uu ku dhashey Mudug , se dhalasho ahaan waa nin reer Somaliand ah, se waxaa wax walba ka weyn dhaqanka iyo koriinka, waxaana Dr. Gaboose ku soo baxay dhaqankii Mud ug , ee il adeg iyo damaca ku dhisnaa, taasi waaba aan u ogeyn, Dr. Gaboose ee wuxuu ku darsadey inuu difaaco oo cadeysto inuu BUGLAND wakiil u fadhiya Somaliland yahay.

Dhinaca kale wuxuu hayaa Wasaaradda Arimaha Gudaha, oo ah wadnihii Somaliland, waxayna wasaarad aasi ka gaabisey shaqadeedii ,sababtuna waa maaha Dr. Gaboose shaqadiisi waayo wax buu daweeya oo waa dhaqtar ee dhaqtarku wax ma difaaco oo wax ma dilo, wuxuu u qaatey indho-adagii Mudug iyo xuku n jecel.

An u soo noqdo waxyaalaha uu Dr. Gaboose mar walba uu u difaaco Bugland si uu safiir ama wakiil u yah ay:

1- Isagaa ka shaqeeyey Budhcad badeedii Bugland ee ku xidhneyd Berbera ee la sii dayey,isagoo leh rag baa lagu bedeshey , Qaranimaddii ayuu meel kaga dhacay.

2- Dhacdadii ay Buuhoodle waftiga Bugland ku imanayeen ee sida raganimadda leh uu ugu digey W/Ku-xigeenka wasaaradda Arimaha Gudaha, oo uu Dr.Gaboose ka daba qaatey si aqoondaro iyo nacasnimo, indho-adeeg ku jirto, ha yimaadan ayuu yidhi waftiga Bugland, aad ayey ummadda Somaliland ugu cadoo deen, waana taasi maanta nabadii buucoodle laga wadey lagu kala dareerey, taasina waa waftigii Buglan d ee Dr. Gaboose fasaxey.

3- Tan hadaba aan maqaalkan igu kalifey ,waa dayuuradan saanadda ama qalabka ciidan sida ee sida cad uu u difaacay isagoo leh;

Waxaa jira xeer caalamiya oo hadey dayuurad ay samadda ku baadrool beesho meesha ugu dhow fadhiis ato, Dr. Gaboose miyaanu ogeyn in iney dayuuradu sido qalabkii ciidanka ilaalinaya sharkadda qodeysa m acdanta ku jirta dhulka Somaliand meel ka mid ah, kan laga ilaalinaya uu yahay Somaliland.

Xeerkaasi wuxuu shaqeynayaa markaan adiga dayuuradu dhibaato kuu lahayn,Bal ka waran dayuurad k u rusheeneysa hadey samadda ku baadrool beesho, miyey soo fadhiisaneysa dhulkey rusheeneysey tani waa isku mid.

Waxaa yidhi Gaboose masido hub ,ee waxay sidaa dharka iyo kabaha ciidamadda, taasi waxay la mid tah ay BAQTIGGA MA CUNO FUUDKIISANA WAAN CABAA!

Wax ala wixii qalaba ee ciidan waa isku mid hub,cunto,iyo dharba kol haduu ciidan leeyahay. Dr. Gaboose wuxuu yidhi gudi baa loo saaraya, in kastoo mowduucayadda danbe gudidan la bartey ,ee wax walba loo saaraya aan kaga hadli doono.

Hadana waxaad aragto in gudi loo saaro,  waa shuqol xun oo markey dowladu jilicsan tahay ayey  isticm aasha ,waxaan soo saarey dowaddii jilicsaned ee uu mar xukumi jirey WINSTON CHURCHILL , ayuu arin wa lba gudi u saari jirey. Hadaba arintan dayuuradda si loo baabiyo ayuu yidhi gudi ha loo saaro.

Somaliland , runtii maaha sida siyaasiyiinteedu u haystaan, waa lala xisaabtami ,waxaaba ka sii daran Dr. Gaboose ,sidaasi ayuu waliba ku rabaa inuu Madax Weyne uu ka noqdo. Afartii bilood ee uu wasaaradda qabte ,caabo badan ayaa dhacdey ,nabadiina waa sii daciiftey, waxaana Dr. Gaboose u khayr badnaan la hayd , isagoo ummadda Ugu shaqeeya cilmigiisa caafimaadka.

ILAHAY WANAAGGA HAYNAGU HANUUNIYO

 

 

 

 

Mahdi Ahmed
Email:
mahdi172@hotmail.com