Qaar kamida Madaxdhaqameedka Gabilay Oo Eedaymo Kulul U Jeediyqay Wasiirka Arrimaha Gudaha
 


Waxaanu Madaxweynaha Ugu Baaqaynaa Inuu Wax Ka Qabto Tallaabooyinka qardo-jeexa Ah Ee Uu Wasiirka Daakhiligu la soo galay Gobolka Gabilay… Suldaan Xuseen Muuse Warsame (Cirday)
 


Gebilay Feb 19,2011 (TNN)- Qaar kamid ah Salaadiinta iyo Cuqaasha gobolka Gebilay ayaa wasiirka arrimaha gu daha Dr. Maxamed Cabid Gabboose ku eedeeyay in uu gobolka Gebilay ka abuurayo xaalad nabad geliyo darro iyo khilaaf ka dhex aloosma beelaha walaalaha ah ee wada degan  gobo lka, kaas oo la mid ah ayay yidhaahdeen kii ka abuuray gobolka Awdal.

Xubnahan Salaadiinta iyo Cuqaasha ah ayaa waxa ay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay maa nta ku qabteen magaalada Gebilay, iyaga oo sheegay in Wasiirku uu degmada Gebilay u soo  maga caabay Xoghaye cusub, iyada oo aanay dhamaanin eedaymihii loo haystay hoghayihii hore, taasi oo ay ku tilmaameen in aanu kala tashan odayaasha iyo waxgaradka ay khusaysay, balse uu kala tashaday haween gobolka ka soo jeeda.

Ugu horayn Suldaan Xuseen Muuse Warsame (Cirday) oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Anaga reer ahaan, wasiirka Daakhiligu markii hore faro-gelin ayuu ku sameeyay beeshayada iyo burbur, taasi oo aanu ugu dulqaadanay iskana dhaafnay, waxaanu ka dambaysiiyay oo uu la yimi gobolka Gebilay tii uu ka sameeyay Boorame ee uu beelaha isakaga hor keenay.

Waxaa la wada ogyahay Somaliland, marka xaqiiqada laga hadlayo in aynu u qaybsanahay beelo, taasina ay dowladdu ogoshahay, dawladduna ogoshahay, isla markaana xeerkii dowlad nimada lagu soo dhisay ay tahay.

Haddaanu nahay waxgaradka Beesha Reer Xareed, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay naa in degdeg wax looga qabto tallaabooyinka qardo jeexa ah ee uu wasiirka arrimaha guduhu la soo galay gobolka Gebilay. Waxaanuna madaxweynaha maanta laga bilaabo u sheegaynaa in aanu wasiirka arrimaha guduhu maanta wixii ka dambeeya aanu noogu jirin guddidii dhexdhexaadinta shaqaaqada Ceel-bardaale ee lagu dhexdhexaadinaya labadayada beelood ee walaalaha ah.

Markaanu aragnay in uu wasiirku arrimaha gobolka kala tashanayo dumar, in aanu taana nagu ma talayn anaga, madaxwaynuhuna uu deg deg ugu soo magacaabo qof kale booskii uu ku jiray wasiir ku.”

Sidoo kale Axmed Barkhad Bulaale ayaa isagana sheegay in wasiirku u wado shaqo aanay xukuum addu ogayn, taas oo uu ku waxyeelaynayo xukuumadda uu ka tirsan yahay, waxaanu yidhi “Wax aan kala garan la’ahay wasiirku dhakhtar buu ahaaye in uu garan la’ayahay maamulka oo ay wax uga dhiman yihiin iyo in uu meel kale ku socdo oo uu qorshe kale wato.

Wasiirku hore beesha waxa uu ugu sameeyay faro-gelin, isaga oo laba u kala qaybiyay, waanu is ka dul qaadanay, balse maanta xoghayaha uu haweenka kala tashaday ee uu soo magacaabay w axaanu leenahay wixii ka yimaada isaga ayaa ka masuul ah.”

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Caaqil Nuur Cilmi Samatar, waxaanu wasiirka ku eedeey ay in uu baal marsan yahay qorshihiisa siyaasadeed nidaamka dowladeed, isla markaana tallaab ooyinka uu qaadayaa ay qas ka abuuri karaan gobolka, waxna u dhimi karaan nabadgelyada dalka, waxaanu madaxwaynaha ugu baaqay in uu arrintaasi wax ka qabto.
 

Source:Waaheen