Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo Kulan La Yeeshay M adaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibedda ee Dalka Jabuuti

 

Hargeysa October 19, 2010 (TNN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo booqasho diblomaasiyadeed ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta oo Salaasa -19 October,20 10 qasriga Madaxtooyada ee Jabuuti kulan rasmi ah kula yeeshay Madaxwaynaha Dawladda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Wasiirku wuxuu Madaxwaynaha u gudbiyaya fariin uu ka siday  Madax waynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo nuxurkeedu yahay sida  sh acabka iyo xukuumadda Somaliland ay u danaynayaan horumarinta xidhiidhka walaaltinimo ee ka  dhax eeyay Somaliland iyo Jabuuti, iyo in loo baahan yahay kobcinta xidhiidhkaasi. Wasiirka iyo  madax wayn uhu waxay is waydaarsadeen hadalo ka turjumayay mawqifka labada dal ee siyaasadda mandaqada geeska Afrika iyo ilaalinta xasiloonida oo ah dan guud oo ay wadaagaan labada dal iyo wadamada kale ee gobolkuba. Madaxwayne Ismaaciil Cumar geelle wuxuu dadka Somaliland ugu hambalyeeyay guulaha dhinacyada badan leh ee ay gaadheen.

Isla maanta galinkii hore wuxuu wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi  Cum ar, kulan dheer la yeeshay Safiirka dawladda maraykanka u fadhiya dalka Jabuuti, Ambassador Swan. Waxaa kulankan lagaga wada hadlay siyaasadda cusub ee Maraykanka ee ku wajahan taageerada iyo la shaqaynta Somaliland. waxaa kulanka oo hore loo sii qorsheeyay ujeedadiisu ahayd inay Somaliland talo ka gaysato siyaasad la filayo in dhawaan wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku ka soo saarto magaalada washington oo ku wajahan Somaliya iyo Somaliland. wuxuuna wasiirku u ololaynayay sidii aragtida iyo qorshaha xukuumada Somaliland loogu xisaabtami lahaa ka hor inta aanu  siyaasadda asi soo bixin dabayaaqada todobaabkan.

Waxaa kaloo shalay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf. Waxay labada wasiir kawada hadleen sidii loo  dar dar-galin lahaa cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacayada ganacsiga, nabadgalyada iyo  siy aasadda. waxayna isku raaceen qorshe wax lagaga qabanayo fulinta arrimaha ay kawada hadleen. Shirka ka dib wuxuu wasiirka khaarajiga Jabuuti qado-sharaf u sameeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.

Dhinaca kale , waxaa maanta wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland qada-sharaf ugu sameeyay  hu dheelka uu degen yahay wasiirku ee Kimpenski, xubno ka tirsan xukuumadda dawladda jabuuti, qaar ka mid ah ganacasata waawayn ee reer Jabuuti, jaaliyadda Somaliland iyo hogaamiye dhaqameedyo.

Shalay galinkii danbe waxaa wasiirka khaarjiga ee Somaliland la soo tusay hawlaha horumarinta ee  dal ka Jabuuti ku talaabsaday sanadihii ugu denbeeyay oo ay ka mid tahay balaladhinta dekedda iyo  mash aariicda badan oo nawaaxigeeda laga hirgaliyay.

Waxaa la qorshaynayaa in Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland dhawaan booqasho ku tago  Jam huuriyadda jabuuti, oo qayb ka ah safar madaxwaynuhu dhawaan ku tagi doono wadamo ka mid ah dalalka jaarka.