Dr.maxamed C/laahi Cumar oo ka Qayb galay Xaflad Lagu war eejinayay Maamulka Gabiley Furayaasha Cusbitaalka Guud ee Laga Dhisay Gabiley.
 


Gabiley (TNN):-Munaasibad ay furaha kula kala wareegayeen maamuulka Gobalka Gabiley,Gudida horu marinta Gobalka Gabiley iyo shirkada dhismaha ee Almis oo iyadu dhistay cisbitaalkan guud ee  maga alada Gabiley,iyada oo maanta munaasibadaasi lagu qabtay gudaha cisbitaalka.

Munaasibadani oo ahayd mid si heersara ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay dad  wa yne aad tira badan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bushada .kuwaasoo is kugu jiray  siyaa siyiin, aqoonyahano,salaadiin,cuqaal,boqoro,.dhakhaatiir,ganacsato,qurbo joog,dhalinyaro,haween, iyo dad wayne kale oo lagu soo casuumay Xafladaasi

Gudoomiyaha gobalka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(xabiib) oo munaasibadaasi furaha lagula  ka la wareegaayay hadal kajeediyay ayaa ka waramay guud ahaanba xaalada uu kusuganyahay gobalka Gabiley iyo muhiimada wayn ee uu cusbitalkani u yeelan doono magaalada Gabiley iyada oo  magaalad ni mudo sanado ah aano shaqaynaynin cusbitalkii guud ee magaaladani..

Badhasaabka gobalka Gabiley ayaa waxa ugu horayn ka war bixiyay xaalada guud ee gobalka isaga  o o sheegay in gobalkani gabiley ay dhawaan ku soo biireen dag-mooyin iyo tuulooyin cusub oo ay  haa tan dagmooyinku yihiin lix dagmo iyo tuulooyinkoodii,.

Waxa kale oo gudoomiye xabiib ka hadlay cusbitaalkani guud ee cusub kaasi oo uu gudoomiyuhu  tima amay in gobalkani Gabiley wax wayn uga tari doono xaga caafimaadka..

Isagoo arimahaasi faah-faahinaayana waxa uu yidhi “marka hore aad ayaan ugu mahad naqayaa  qur bojooga gobalkani Gabiley oo iyagu maalgaliyay cusbitaalkani iyo cid kasta oo gacan ka gaysatayba, in kasta oo qurbo jooga reer Gabiley ay lahabsaameen howshani sobobta oo ah waxaanu ka war  qab naa dhakhtarada ka shaqeeya gobalada kale ee dalka sida burco, boorama iyo magaaloyinkalaba  wa xa dhisay qurbo joogooda, dadka qurbo joogta ahi waa xoogii kaydka ahaa ee bulshada, dadka  gudu hu iyagu mahaystaan awood sidaa u siibadan, laakiin gobolkeenan Gabiley waxaynu leenahay  ganac sato waawayn, aqoonyahano, kuwaasoo aan leeyahay u soojeesta dadkiina oo wax gashada” , ayuu yidhi gudoomiye xabiib ; isagoo hadalkiisa siiwatana waxa uu yidhi (cusbitaalkani cusub gudi baanu u samayn doonaa taasi oo isugu jiri doonta ganacsato, aqoonyahano, culimodiin, iyo cidii kale ee looga maarmi waayo,maanta inaga ayaa la ina sugayaa waxaana la inooga baahanyahay in aynu wax  dhis no dhaliisha hala daayo oo ha loo soo jeesto wax dhisid iyo ka shaqayn aynu ka shaqayno horumarka gobalka )


Sidoo kale waxa isna munaasibadaasi hadal ka soo jeediyay xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga  K ULMIYE Dr. Maxamed C/laahi cumar isaga oo ugu horayn u mahad naqay ururka haweenka Gabiley ee MAANDEEQ, qurbajoogii dhisay dhakhtarkan sidii wanaagsanayd ee ay u bilaabeen hawshan isaga oo sheegay xoghayuhu in gobolkani Gabiley uu muujiyay horumar uu kula tartamaayo gobolada kale

Isaga oo xoghayuhu arimahaasi faah-faahinayana waxa uu yidhi “waxaan ugu horayn u mahad  naqa yaa ururka haweenka ee MAANDEEQ kaalintii waynayd ee ay ka qaateen dibu dhiska cusbitalka, taas ina waxay muujinaysaa kaalinta ay haweenku kaga jiraan dalka, waxaan kale oo aan u mahad  naqay aa qurbojooga,gudida horumarinta gobalka kuwaasi oo ay tahay in lagala shaqeeyo hosha ay u hayaa gobalka, waxaana loo baahanyahay gudi maamusha dhakhtarka waa laga ma maar maan  taasi,waxa n an filayaa in ay tahay mid lagaga bad-baadi doono waxyaabo badan,gobolkan Gabiley waxa uu  muu jiyay hor u mar aad u balaadhan,taasina waxa ay ku timid iskaashi,dhakhtarkani waxa uu ku yimid  is kaashi dhexmaray shacabka iyo maamulka gobolka Gabiley” ayuu yidhi xoghayuhu..isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “ waxaan uga mahad naqayaa shacbi waynaha Gobolka gabiley sidii  wanaag sanayd ee ay uga qayb qaateen codayntii doorashadii madaxtooyada ee ay ku muujiyeen sida ay u doonayaan isbedel iyo hor umar” ayuu hadalkiis ku soo geba-gebeeyay Dr.Maxamed C/laahi.

Marwo Safiya Aw Aadan Meecaad oo ah gudoomiyaha ururka haweenka MAADEEQ ee gobalka  Gabil ey, urrurkaasi oo lahaa fikradii dib u dhiska cusbitaalkani,iyada oo marwo Safiya ugu horayn u mahad naqday jaaliyada reer Gabiley ee wadanka finland oo iyagu maal geliyay dayactirka cusbitalkan,waxa kale oo ay safiya ka waran tay dhibaatada ay dhakhtar la,aantu ku hayso guud ahaan gobolkan gaar ahaan magaaladan Gabiley iyada oo sheegtay in marka ay hooyadu umalayso ama ay dhiig baxdo  loo la cararo hargaysa taasina ay tahay mid dhibaatadeeda leh..

Guddoomiyaha jaamacad Tima-cadde ee gobolka Gabiley Dr Cismaan Aw Yuusuf Magan oo isna  halka asi ka hadlay ayaa uga mahad celiyay jaaliyada reer Gabiley ee hirgeliyay dhakhtarkani iyo cidkasta oo gacan ka geysatayba,waxa kale oo uu Dr Cisman sheegay in ay xidhiidh la yeelan doonaaan  jaam acad ahaan dhakhtarkani isaga oo xusay in ardayda jaamacada ee barata caafimaadku ay tababar ahaan kula shaqayn doonaan inta ay ku gudo jiraan waxbaraashada.

Sidoo kale waxaa munaasibadani maanta furaha lagaga wareegayay shirkada ALMIS ee iyadu dhistay dhakhtarkan hadalo ka soo jeediyay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Boqor Muxumed Geele seed,gudoomiyaha guddida hor u marinta gobolka Gabiley Maxamuud Yuusuf X cabdi,Dr  maxam ed Yuusuf Aw cali Culimo,C/samad daahir oo ku hadlayay magaca qurba jooga reer Gabiley ee dalka Finland iyaga oo dhamaanba masuuliyiintaasi si aad ah ugu mahad naqay cidkasta oo gacan ka  gaysa tay dayactirka iyo dib u dhiska cusbitalkani,iyo muhiimada uu u leeyahay bulsho waynta reer  Gabile y, iyaga oo xubno ka mid ah masuuliyiintanai ay soo jeediyeen in dhakhtarkan loo sameeyo guddi  maa musha hawlihiisa taasina ay tahay mida keliya ee uu ku har mari karo dhakhtarkani.



Mustafe Future

Timacade News Reporter
Gabiley/somaliland.