DR
MAXAMED CABDILLAHI CUMAR
SHAKHSIGA SANNADKA EE 2008


Maamulka shabakadda wararka ee
Longlivesomaliland
News Media,
ka dib markuu
daraa sad iyo baadhis qoto dheer sameeyay, waxa uu u doortay
shaqsiga sannadka ee 2008, Inuu yahay
xooghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga mucaaridka ee Kulmiye ,
Dr Maxamed Cabdillahi Cumar.
Haddii aan faalo kooban ka bixinno shakhsiydda
Dr Maxamed Cabdillahi Cumar, waa nin halgan dheer ugu jira danta guud ee dalka iyo maslaxadda
umadda Somaliland,isagoo adeegsanaya aqoontiisa , khibraddiisa iyo
waayo arragnimadiisa balaadhan ee uu u leeyahay
siyaasada caalamka.
Dr Maxamed
,waqtigiisa qaaliga ah kuma lumiyo , inuu xisbiyada kale ee
qaranka masuul liyiintooda iyo taageera yaashooda , af
xumeeyo ama canbaareeyo , laakiin talo iyo tusaale ayuu u
soo jeediyaa , marka uu u arko inuu talo wax
ku oola uu ku biirin
karo.
Dr Maxamed , waa nin rumeysan
in mucaarid , muxaafid iyo shacbiba , meel looga soo wada
jeesto sidii wadankeenna aan :
1-Aqoonsi
ugu raadin lahayn
2-Nabadiisa u adkeyn laheyn
3-Cadawgiisa meel uga soo wada jeedsan
lahayn
4-Horumarkiisa uga wada shaqayn
lahayn
5-Sumcaddiisa kor ugu qaadi
lahayn , iwm
Run ahaantii , iyadoo aanay noo suurto gal ahayn Inaan qoraal keliya
kaga faalloono wax qabadkii iyo halgankii Dr Maxamed Cabdillahi
Cumar uu muujiyey sannadkii 2008 , bal hadd ana waxaan isku dayaynaa
Inaan idiin soo ban dhigno , qaar ka mid ah shirarkii caalamiga ahaa
ee uu ka qayb galay iyo qoraaladiisii uu
saxaafadda u soo
gudbiyey:
1-Xoghayaha Arrimha Dibadda ee Xisbiga
KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa saaka oo Sabti ah,
August 30, u duulay magaalada
Addis-Ababa ee dalka
Itoobiya oo uu kaga qaybgalayo
shirwayne lagaga hadlayo sidii nabad loogu dhammayn lahaa colaadaha
ka dhex aloosan wadamada ku yaalla geeska Afrika.

Warkaas
Oo Faah Faahsan
2-Kulmiye
statement on the Horn of Africa:Drawing on a reputation for
neutrality and commitment to peace, Somalilandīs KULMIYE PARTY is in
favour of a peaceful means for resolving all the disputes in the
Horn of Africa. Our vision for the regionīs stabilisation reflects
on this principle and is anchored around the following five key
priorities:

Warkaas
Oo Faah Faahsan
3-Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee
Kulmiye,oo ka qaybgalaya shirweyne caalami ah oo ka dhacaya
dalka Sweden.Xoghayaha Arrimaha Dibadda
ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa saaka u dhoofay
magaalada Stocklom ee dalka Sweden ka dib markii uu xisbiga KULMIYE
martiqaad rasmi ah ka helay urur waynaha ka dhexeeya xisbiyada
dimuqraadiga ah ee qaaradda Yurub ee loo yaqaano ELDR oo shirwayne
caalami ah ku leh magaalada Stocklom ee dalka Sweden. Gudddoomiyaha
xisbiga KULMIYE, mudane Axmed M. Maxamuud

Warkaas
Oo Faah Faahsan
4-Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga
KULMIYE JSL, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo dhawaan ka qayb galay
shirwayne caalami ah oo ay xisbiyada dimuqraadiga ah ee qaaradda
Yurub ku yeesheen Magaalada Stockholm
ee Dalka Sweden, ayaya u suurta gashay
inuu gaadhsiiyo qaddiyada JSL 22 Dal.


 
Warkaas
Oo Faah Faahsan
5-Aqalka
Odayaasha ee Baarlamanka dalka
Ingiriiska, ayaa shalay ugu yeedhay Xoghayaha Arrimaha
Dibadda ee xisbiga xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE
Dr. Maxamed
Cabdillaahi Cumar kulan xog-warran iyo la-tashi ah oo ku saabsan
xogogaal u noqoshada xaaladda Somaliland iyo xiisadaha siiyasadeed
iyo kuwa colaadeed ee haatan ka aloosan mandaqadda Geeska Afrika.

Warkaas
Oo Faah Faahsan
6-Dr
Maxamed Cabdillahi waxa uu shir caalami ah kaga qayb galay waddanka
waqooyiga Ireland.Shirkaas
oo ah ka qayb galeen wufuud ka socotay ilaa 28 dal.

Warkaas
Oo Faah Faahsan
7-Dr Maxamed
doodo fara badan ayuu ka qayb galay sannadkii inna soo dhaafay ee
2008, isagoo qadiyadda gooni isu taagga Somaliland si cilmi
ahaana u daafacaya.Tusaale ahaan ,waxaan idiin soo gudbinaynaa
mid ka mid ah doodahaas , oo uu Dr Maxamed
, aqoontiisa ,waayo arag nimadiisa,khibradiisa iyo kartdiisaba,
ku daafacay, hadhuudh lahana ku daray , mid ka mid ah
dadka ka soo hor jeeda jiritaanka
, sharafta, karaamada iyo gooni isu taagga
Jamhuuriyadda Somaliland .

Doodii oo
dhameys tiran halkan ka dhageyso:

Dhammaan maamulayaasha,weriyayaasha iyo hawl wadeenada Shabakadda
wararka ee Longlivesomaland
News Media,
waxaanu u aqoonsanay Dr
Maxamed Cabdillahi Cumar Inuu yahay,
shaqsiga Sannadka 2008 ,
Person of the
year , ee Jamhuuriyadda Somaliland.
HAMBALYO DR MAXAMED CABDILLAHI
Maamulka Shabakadda
Longlivesomaliland
News Media
mahadnaq

Waxaan Shabakadda wararka ee
LONGLIVESOMALILAND
uga mahad celi nay aa shahaado sharafta ay i guddoon
siiyeen iyagoo qiimaynaya hawl gallayd ayada ku jahaysan
dhinaca kobcinta qaddiyada Somaliland iyo horumarkeed a.
Waxaan anigoo ku faraxsan, leeyahay aad
iyo aad ayaad ugu mahadsan tihi in waanan idinka
guddoomay shahaadadii aad i siiseen.
Run ahantii shabakada wararka ee LONGLIVESOMALILAND,
waxay ka mid tah ay warsidayaasha Somaliland ee
wararkooda iyo faalooyinkooduba ay yihiin kuwa ka
turjumaya qawaaniinta iyo anshaxa wanaagsan ee
saxaafadda xor ta ah.
Wararka shabakadani waxay ku salaysan
yihiin xaqiiq, madax banaani, danta guud ee ummada iyo
dhex dhexaadnimo, waana calaamadaha lagu yaqaano
saxaafadda wanaagsan ee waxtarka u leh bulshada.
Waxaan ugu hambalyaynayaa
LONGLIVESOMALILAND
horumarka ay ka gaadhay tabinta warar iyo faalooyin tayo
leh, waxaanan u rajaynayaa inay sii wado shaqada
wanaagsan ee ay Shabakadani u qabato akhristayaasheeda.
Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar
|
|