Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo Addis Ababa Kulamo Kala Duwan La Yeeshay Madaxda Dalkaas

 

Addis Ababa (TNN)-Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ku sug an dalka Ethiopia, isaga oo safar kusii aadan Somaliland ayaa magaaladda Addis Ababa ee  casima da Ethiopia kula kulmay wasiirka arrimaha dibeda Ethiopia iyo masuuliyin ka tirsan Safarada  Ingirii ska. Warsaxaafaded ku saabsan kulamadas oo safaarada Somaliland ee Ethiopia kasoo baxay  aya a u dhignaa sidatan:

Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan:



“Wasiiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillaahi  Cum ar ayaa maanta [shalay] oo ay taarikhtu ahayd 06/09/2010 kulama rasmiya la yeeshay  xukuuma dda Ethiopia iyo qaar ka mid a dublamaasiyiinta Ingiriiska u fadhiya Ethiopia. wasiirku wuxuu  galin kii hore ee maanta [shalay] shir ballaadhan la yeeshay diblomaasiyiin safaaradda Ingiriiska ee  Ad dis Ababa ka tirsan, ku waasi oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka safaaradda Ingiriiska John  Mars hal, waxayna ka wada hadleen labada dhinac sii kobcinta xidhiidhka qotada dheer ee labada dal ee Ingiriiska iyo Somaliland

Wadahadalladaas oo lahaa dhinacyo badan sida horumarka, nabadgelyada, dimuqraadiyadda, ma amul wanaaga iyo diblamaasiyada, isagoo wasiirku diblamaasiyiinta kala hadlay sidii dawladda  Ing iriisku ay u xoojin lahad, waxna uga qaban lahad baahiyaha xaga horumarka ee Somaliland.

Waxa kaloo uu kala hadlay in loo bahan yahay in la joogteeyo wada shaqaynta labada dal ee  midn imada iyo iskaashiga caalamiga ah iyo sidii ay dawladda Ingiriisku uga caawin lahayd Somaliland in bulshada caalamka ka hesho iskaashi caalami aha.

Diblamaasiyiinta Ingiriiska ah, ayaa iyaguna dhinacooda ballanqaaday inay aad ula dhacsan yihiin horumarka, amniga, dimuqraadiyada iyo maamul-wanaagga ka hanaqaaday Somaliland, iyaga oo ballanqaaday sii jogtaynta xidhiidhkii qotada dheer ee ka dhaxeeyay labada dal, isla markaana ay kordhin doonaan doorka muhiimka ah ee ay ka qaadan jireen horumarka Somaliland.

Kulankaas oo qaatay saacad waxa wasiirka ku weheliyey safiir-ku-xigeenka safaaradda Somaliland ee Addis Ababa, isla markaana ah ku-simaha safiirka Mr. Ayaanle Salaad Diriye.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed  Cab dillaahi Cumar qado-sharaf u sameeyey wasiirul-dawlaha arrimaha dibadda ee Ethiopia Dr. Tekeda Alemu, isagoo wasiirku si qoto-dheer dawladda Itoobiya ugala hadlay qorshaha xukuumadda  cus ub ee ku wajahan iskaashiga calamiga ah, nabadgalyada, horumarinta ganacsiga iyo xidhiidhka  siy aasadeed ee labada dal Ethiopia iyo Somaliland iyo guud ahaan arrimaha Gobolka Geeska Afrika, iyaga oo Itoobiyaankuna dhinacooda ballanqaaday in xidhiidhkii walaaltinimo ee labada dal ay aad u sii horumarin doonaan, labada dhinacna waxay ku ballameen inay maanta yeeshaan kulan kale, iyada oo kulankaas ay wasiirul-dawlaha arrimaha dibedda Itoobiya ku wehelinayeen saraakiil ka tirsan dawlada Itoobiya,” ayaa lagu soo gunaanaday warsaxaafadeedka.

 

Source:Somaliland.org