Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Difaacay ka Qayb gal k iisii Shirkii WILTON PARK ee Arrimaha Somaliya lagaga Hadlayay

 





"Waxaanu go’aan sanay in ay tahay arrin taariikhi ah, markii ugu horaysayna Qaranka Somaliland lagu casuumo shir caalami ah oo…."
Wasiirka Khaarajiga Somaliland


Hargeysa(TNN)-Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo saxaafadda kula hadlay ayaa ugu horayn ka dhawaajiyay hawlihii uu ku maqnaa waxaanu yidhi “Waxaan hawl qaran ugu  m aqnaa dibadda, waxaan doonayaa in shirkaas aan ka qayb galay iyo dodo kale oo ay arrinaasi  curis ay in aan kalmado kooban ka idhaahdo, Waxaan ka qayb galay shir caalami ah oo ay abaabushay d owladda Ingiriiska oo kamid ah dowladaha saaxiibtinimada iyo wada shaqayntu ka dhaxayso  Somalil and.

Shirkaas waxa uu ahaa shir caalami ah, waxaa ka soo qayb galay dowlado badan, waxaa ka mid  ah aa afar dowladood oo kamid ah shanta dowladood ee golaha Amaanka ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo ay ka mid ahaayeen dowladda Maraykanka, Ingiriiska, Shiinaha iyo Garmalka. Waxa kale oo ka soo qayb galay siddeed dowladood oo ka tirsan wadamada reer Yurub ee deeq  bixiyaya asha ah. Waxa kale oo shirkaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan ururada Jaamacadda  Cara bta iyo Midowga Afrika. Waxaa iyaguna ka soo qayb galay wadamada Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. Waxa kale oo ka soo qayb galay Somaliland iyo Soomaaliya”. Ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Wasiirka Khaarajigu.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu ka hadlay Ujeedada shirkaasi loo qabtay in ay la xidhiidhay arrimaha  am aan darrada ah Soomaaliya iyo sidii Wadamada ay arrintaasi khusayso ee geeska Afrika iyo  wada mada daneeya nabadgelyada adduunkuba ay uga wada tashadaan sidii wax looga qaban lahaa ama loona yarayn lahaa mushkiladdaa daba dheeraatay ee ay ugu horayso amaandaraddu ee ka jira  So omaaliya, waxaan yidhi isagoo arrintaasi ka hadlaya “Shirkan waxa si toosa loogu soo casuumay  do wladda Somaliland oo ay ku soo casuuntay dowladda Ingiriiska oo iyadu qaban qaabisay, guddoom inaysayna, casuumadaa waxa barbar socday in Somaliland ay shirkaas kaga qayb gasho iyada oo matalaysa shacabka iyo qaranka Somaliland oo aanay ka soo qayb galkaas aanay cid kale marti uga noqonayn. Waxa kale oo ka qayb galka Somaliland shirka lagu casuumay ka mid ahaa in Somaliland ay ka hadasho shirka oo sida dowladaha kale ee Geeska Afrika ee ay saamaynta ku leedahay nabad gelyo darada ka jirta Soomaaliya ay shirka uga hadlayaan fakir iyo talana uga soo jeedinayaan in ay Somalilandna uga hadasho.

Ka qayb galka shirkaas caalamiga ah ee Somaliland waxa ay ka dambaysay oo uu salka ku hayay, kadib markii casuumad ay dowladda Somaliland ka tashatay, waxaanu go’aan sanay in ay arrintani tahay arrin taariikhi ah, markii ugu horaysay ee qaranka Somaliland lagu casuumo shir caalami ah oo baaxaddaa leh lagana wada hadlayo sidii arrimo amaan darro ah oo mandaqada ka jira  Somalila ndna saamayn toosa oo gaara ku yaha laga wada hadlayo sidii wax looga qaban lahaa. Ka qayb galka iyo doodiisa iyo go’aan qaadashadiisu waxay ahayd sidaa.

Aniga oo ah wasiirkii arrimaha dibada Somaliland, madaxweynuhuna ii igmaday in aan siyaasadda arrimaha dibada ee dalka ka shaqeeyo, waajibaadka ugu horeeya ee isaaranina uu yahay in aan ictiraaf u raadiyo dalka, in aan xidhiidhka Somaliland ee caalamka ka shaqeeyo, in aanu arrimaha na khuseeya ee khatarta nagu haya ka hadalno ayaa shirkaas ka qayb galay iyada oo ay tahay talo qaran oo xukuumadda Somaliland gaadhay.”

Wasiirku wuxuu si kulul uga jawaabay hadalo ka soo yeedhay Guddoomiyaha UCID oo lagu duray ka qeyb galka Somaliland ee shirkaasi, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Dadka shirkan  do onayay in ay marin habaabiyaan ee xisbiyada mucaaridka ah waxaa ka mid ah oo runtii arrimo aan u arko dheeraadba ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, wax aanu ka hadlay arrimo aan meesha oolin, taasina waa mid nasiib darro ah, waxaanan ugu baaqayaa Faysal in uu arrimahaas iska ilaaliyo.

Eedayntaas waxaan doonayaa in aan jawaab kooban ka bixiyo, sababta oo ah way soo noqnoqotay, inkasta oo ay adagtahay in laga jawaabo hadalada Faysal, oo runtii siyaasaddiisu ay tahay mid  bo od bood badan, meel gaar ah oo loogu hagaagaa aanay jirin. Haddana waxaan doonayaa in aan ka hadlo hab dhaqanka siyaasadda Faysal. Anigu waxaan u aqaanaa ma gudbe siyaasadeed oo  shaca biga Somaliland ay doorasho cad ku diideen laba jeer in ay doortaan. Waxaana ka mid ah  waxyaaba ha lagu diiday boodka boodka badan, fudaydka iyo ka fiirsasho la’aanta badan.”

“Hadaladdii uu Faysal yidhi waxaa ka mid ahaa in shirkaas caalamiga ahaa ee uoo caalamka oo dhami ka qayb galay in uu sababi karo in Somaliland gobol gobol u kala go’do. Arrintaasi waxaanu u  aragn aa mid xaalad abuur ah oo qarankan wax yeeli karta, waxaanu shirkii aan ka qayb galay ku  tilmaam ay khiyaamo qaran. Ma garanayo qof reer Somaliland ah oo khiyaamo qaran galayo oo aan Faysal Cali Waraabe ahayn. Faysal weli meel iskagama muu tiirin eeddii dhowrka jeer ee hore loo soo  jeed iyay oo ku xidhiidhinaysay dhibaatooyinkii loo geystay Ururkii aqoon yahanka ahaa ee UFFO ee dalka u shaqeynayay,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Wasiirku markii uu warbixintiisa uu dhammeeyay wuxuu ka kacay madashii isagoo aan ka cudur daaran su’aalihii ay diyaarka ula ahaayeen Wariyayaashii shirkaasi Jaraa’id goob jooga ka ahaa.

 

Source:Waaheen