Dr. Maxamed Cabdilahi Cumar oo u quus gooyay Cadawga Somaliland: Dood ka dhacday Al-jazeera TV.
 

 


Xoghayaha Khaarajiga ee Xisbiga Kulmiye Dr.Maxamed A. Cumar ayaa si adag u difaacay  Qaranima da iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland ka dib markii uu ka qayb galay Dood ay qaban-qaabisay Telefishanka Al-Jazeera ee Af-ka Ingiriiska.

Doodan oo uu Dr. Maxamed ku matalayay Somaliland waxaa kala qaybgalay Dr.Cabdi Ismaaciil  Sam ater oo jooga Dalka Maraykanka iyo Dr. Afyare Cilmi oo jooga Dalka Qadar oo labadooduba ka soo horjeeda Jiritaanka Somaliland.

Waxay labadan Aqoonyahan gaar ahaan Dr. Cabdi Samater ku dooday in jiritaanka Somaliland oo uu isagu ugu yeedhay “Gobolada Waqooyi” uu khasab iyo jujuub ku yimid oo aan lagu wada  qana csanayn, waxaa kale oo uu sheegay in aan dunidu diyaar u ahayn soona dhawaynayn in ay  asqoo nsato Somaliland sidaa awgeed loo baahan yahay in ay ku noqdaan soomaaliya.

Afyare Cilmina wuxuu soo jeediyay in Somaliland ay wax ka qabato arrimaha Somaliya oo ay ka  ba dbaadiso Hogaamiye kooxeedyada ku fashilmay nabadaynta iyo dejinta Soomaliya.

Haseyeeshee, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa soo bandhigay dood u Quus-goysay labada nin ee la dooday iyo cadowga Somalilandba. Wuxuu Dr. Maxamed tilmaamay in midowga soomaliya iyo Somaliland ku dhisnaa rabitaanka Shacabka Somaliland oo doonayay in la sameeyo Soomaliwayn ay ka mid noqdaan deegaamada Soomaalidu ku nooshahay ee geeska Afrika oo dhan, aragtidaana ay noqotay mid lagu fashilmay, colaad badana abuuray, wuxuuna sheegay in 19 sanadood ee ay jirtay Somaliland ay ku guulaysatay Guulo faro-badan oo leh dhinacyo siyaasadeed, dhaqaalaha iyo  Bul sho.

Wuxuuna intaa ku daray in Qaranimada iyo la-soo-noqoshada Xornimada ay Somaliland u martay wada-tashi iyo Afti laga qaaday Muwaadiniinta Somaliland, dawladnimada Somalilandna ay  buuxis ay shuruudaha Xagga Sharciga, Ururka Midowga Afrika na uu ka soo saaray 2005kii warbixin  taag eeraysa Madaxbanaanida Somaliland. Wuxuuna sheegay in Somaliland ku xidhan tahay dunida, xid hiidh iskaashina la leedahay Bulshada Caalamka.

Wuxuu Dr. Cabdi Ismaaciil Samater, oo ku caan-baxay ka soo horjeedka Somaliland ku cawday in  a anu mudo badan arag Somaliland oo laga mamnuucay inuu Dalka yimaado. Dr. Maxamed  Cabdillaa hi oo arintaasi ka jawaabay ayaa u sheegay Cabdi Ismaaciil inuuu isagu kaligii Musaafuris isku soo rogay, ee ay Somaliland ogoshahay xuquuuqda dadku u leeyahay inay fikirkooda si nabadgalyo ugu hadlaan.

Waxay doodani ku soo beegantay laba Maalmood ka hor doorashada Madaxtinimada Somaliland, w axayna muujisay bisaylka Siyaasadeed ee Somaliland, aduunkana waxa ay u muujinaysa horumar ka siyaasadeed ee Somaliland ku taalaabsatay iyo inay mudan tahay ku dayasho.



Dr. Maxamed Cabdilahi oo ka mid ah aqoonyahananda ka difaaca Qadiyadda Somaliland fagaarayaa sha Caalamka ayaa hore doodan mid la mid ah la galay Dr. Axmed Ismaaciil Samater iyo rag kale oo ka soo jeeda madaxbanaanida Somaliland.

 

 

 

 

 

Mohamed M. Awale
mmcawaale@hotmail.com