Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska oo la tashi gaar ah la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE iyo Daahir Rayaale oo deg deg loogu yeedhay
 

London (Longlivesomaliland News)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULM IYE, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa looga yeedhay Wasaaradda Arrimaha  Di badda ee dalka Britain, waxaanu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda I ngiirika u qaabilsan Afrika, Lord Mallach-Brown, si loola yeesho la tashi ku sahabs an arrimo khuseeya siyaasadda Somaliland ee wakhtigan xaadirka ah iyo  mawqif ka  xi sbiga KULMIYE. Madaxwayne Daahir Rayaale na waxaa si deg deg ah loogu  yeed hay inuu London yimaado si uu uga jawaabo dareenka KULMIYE iyo dib u dh aca do orashada.

La tashiga KULMIYE iyo yeedhitaanka Daahir Rayaale waxay ka danbaysay  war bixin uu xoghayaha arrimha dibadda ee KULMIYE dhawaan uu u gudbiyay  dawla dda Ingiriiska iyo barlamaankaba oo ka turjumaysay dareenka siyaasadeed ee shacabka Somaliland iyo aragtida xisbiga KULMIYE ee ku wajahan sida uu  madax wayne Daahir Rayaale u maamulayo hawlaha diyaargarowga doorashooyinka madaxwaynaha iyo faragalinta sharciga khilaafsan ee uu ku hayo golayaasha qaranka.

Ujeedada kulankan maantuna waxay ahayd in dawaladda Ingiriisku si qoto dheer ugu kuur gasho dareenka haatan ka taagan Somaliland ee la xidhiidha doorashada madaxwaynaha iyo mawqifka xisbiga KULMIYE oo ah xisbiga mucaaradka ugu wayn.

Arrimaha ay laba geesood kulankan ku lafa gureen waxaa ugu waynaa doorashad a madaxwaynaha oo xukuumaddu ay ka shaqaynayso sidii mar kale dib loogu dhigi lahaa. Dr. Maxamed Cabdillahi wuxuu shirkan uu la galay dawladda Ingiriiska ka caddeeyay in haddii doorashadu wakhtigeeda dhici waydo ay masuuliyada dib u dhacaasi leedahay xukuumadda Daahir Rayaale, ee aan eedda dusha laga saari karin Komishinka Doorsshada Qaranka ama hayadaha shisheeye ee Somaliland la shaqeeya. Wuxuu xoghayuhu u sheegay Lord Mallach-Brown in arrinta dib u dhaca doorashadu ay ka turjumayso ujeedo siyaasadeed oo xukuumaddu  leedah ay, ee aan lagu sifayn karin cilad farsamo.

Dr Maxamed wuxuu sharaxaad ka bixiyay mawqifka xisbigiisu ka qaadanayo  arrint an. Wuxuuna sheegay in dawladu ku fashilantay xil-gudashadeedii qabashada doorashada ee ku beegnayd April 2008 kii, markii loo dheereeyay muddo sanad ahna ay haddana muuqato inay ku fashilantay mar labaad in doorashadu  wakhtig eedi dhacdo, sidaa awgeed loo baahan yahay in, iyadoo la raacayo distoorka dalka, ay golayaasha qaranku soo dhisaan maamul ka madax banaan xukuuamada oo dalka si ku meel gaadh ah u maamula kaasi oo xilkiisu ugu wayni yahay inuu dalka doorasho ka hirgaliyo.

Xoghayuhu wuxuu u gudbiyay dawladda Britain qorsha xisbigiisi ee ku aadan  door ashooyinka iyo arrimaha siyaasiga ah ee ka socda dalka iyo gobolkaba, wuxuuna ugu yeedhay xukuumadda Somaliland in aanay u isticmaalin hantida iyo ciidanka qaranka in lagu cabudhiyo xorriyadda iyo rabitaanka shacabka Soomaliland, haddii ay tasi dhacdana ay waxyeeli karto nabadgalyada dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska ee qaabilsan arrimaha Afrika wuxuu shirka ka sheegay in barnaamijka dimuqraadiyada iyo xukunka ku dhisan doorashooyinku ay yihiin guulaha ugu waawayn ee adduunku umadda Somaliland ku ixtiraamo, looguna soo joogsada. Waxaana loo baahan yahay buu yidhi in aan hormarkaasi la dhaawicin.

Doorashoyinka oo la qaban waayaa wakhtigooda ama awooda xukunka dawliga ha la dheeraystaa waxay burburin kartaa horumarka Somaliland gaadhay, ayuu yidhi Lord Mallach-Brown. Waana arrimaha aanu sida wayn ugala hadli doona  madax waynaha Daahir Rayaale marka uu noo yimaado todobaadka. Lord Mallach- Bro wn, wuxuu balan qaaday inuu sii wadi doona wadatashiga KULMIYE iyo dawladda Ingiriiska.

Dr. Maxamed Cabdillahi iyo Lord Mallach-Brown waxay kaloo kawada hadleen  arr imo la xidhiidha kobcinta xidhiidhka Somaliland la leedahaya Ingiriiska iyo  wadam ada Afrika, iyo arrimo la xidhiidha dadalka Somaliland ugu jirto sidii ay aqoonsi siyaasadeed u heli lahayd. Wuxuuna Xoghayuhu ka waramay dadaalka xisbigiisa uu ugu jiro aqoonsiga Somaliland.

Kulanka waxaa labada masuul ku weheliyay saraakiil sare oo ka tirsan  wasraasr adda arrimaha dibadda ee Igiriiska. Kulanka ka dibna, wuxuu xoghayaha arrimaha dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, uu kulan gaar ah la yeeshay diblomaasiyiin ka tirsan qaybta Afrika ee wasarradda arrimaha dibadda ee  Ingir riska oo ku saabsanayd Soomaliland, waxana halkaa lagu waydiiyay su’aalo la  xid hiidha hinisayaasha xisbiga KULMIYE ee ku wajahan Somaliland iyo wadamada jaarka la ah.

Kulankani wuxuu ku soo beegbay xilli ay xukuumadda Somaliland doorbidayso in ay doorashada madaxwaynaha dib u dhigto, xisbiga KULMIYE na uu doonayo inaan dib loo dhigin.

Madaxwyne Daahir Rayaale marka uu yimaado London todobaadkan (jimcaha) waxay xukuumadda Ingiriiska oo u matalayo David Miliban iyo Lord Mallach-Brown ay lagali doonaan kulan adag oo lagu waydiin doono su’aalo la xidhiidha  doorash ada raagtay iyo dareenada ku hareeraysan.

Sanadkii hore, waxaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE kulan la tashi ah ugu yeedhay mudanyaal ka tirsan Aqalka Odayaasha ee Baarlamaanka Ingirrika oo uu ka codsaday in Daahir Rayaale loo yeedho.