Wefti Xildhibaano Talyaani Ah Oo Socdaal Ku Yimid Somaliland

 



“Dowladda Talyaaniga xidhiidh badani kama dhaxayn Somliland, haddase waxa is bedel ku yimid siyaasadda wadamada Yurub”


Hargaysa February 4th, 2011 (TNN)- Wefti uu Hoggaaminayay Mr. Gayni Vernetti oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Talyaalinaga horena u ahaan jiray Wasiir Ku Xigeenka arrimaha dibad da ee dalkaasi iyo Wefti uu hoggaaminayay oo ka koobnaa shan xubnood oo isugu jiray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Suxufiyiin, ayaa maanta booqasho ku yimi dalka Somaliland. iyada oo weftigaasi uu xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Socdaalka weftigan ayaa qaadan doona muddo laba cisho ah, waxaanay mudada ay joogaan la  kulm ayaan Wasiirro, Madaxweynaha Somaliland iyo Goleyaasha Baarlamaanka Wakiilada iyo Guurtida.

Mr. Gayni Vernetti, oo u waramayay saxaafadda ayaa sheegay in Dawlada Talyaaniga iyo Midowga Yurub ay wali taageersan yihiin dawlada Ku meel gaadhka ah ee dalka Somalia, isla markaana ay ka dhursugayaan inay dalkaasi qalalaasuhu ka jiro ee Somalia wax ka hagaagaan.

“Labaatankii sanadood ee la soo dhaafay waxay Somaliland noqotay qaran dimuqraadi ah, oo  Naba d gelyo iyo badbaado ka jirto, oo samaystay doorashooyin dimuqraadi ah iyo madaxweyne La soo doortay, arrinta Somaliland waa mid xaqiiqo iyo waaqac ah, oo aan jecalahay inay bulshadu xidhiidh toos ah la yeelato.

Mr. Gayni Vernetti, oo la weydiiyay in Talyaanigu aanu hore xidhiidh ula lahayn Somaliland  socdaalkii sani noqon karo in siyaasaddii dalkiisa wax iska bedeleen, wuxuu sheegay in wada shaqaynta  Somal iland iyo dalkiisu uu bilow fiican u yahay booqashadiisani.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo saxaafadda u waramayay kadib kulan  gaab an oo uu la yeeshay weftigan, ayaa sheegay in ay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan masuulkan iyo weftigiisaba, iyada oo wasiirka arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar weftigan u soo bandhigay Khariirad ay samaysay dowladda Talyaanigu muddo laga boqol sanno ka hor ama hal qar niba. taas oo ka turjumaysa sida ay xudduudihii Somaliland iyo Soomaaliye wakhtigii isticmaarka, taas oo muujinaysa in ay kala ahaayeen laba dal oo kala madax banaan.

Wasiirka oo ka hadlayay weftigan wuxuu yidhi “Farxad ayay inoo tahay guud ahaan qaranka  Somali land inuu maanta halkan inala joogo Mr. Gayni Vernetti oo ka tirsan Baarlamaanka dowladda  Talya aniga, horena u ahaan jiray xubin ka tirsan golaha wasiiradda Talyaaniga, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha dibadda, arrintani waxay markhaati cad u tahay isbedelka xagga fikirka ah ee ku yimi  bee sha caalamka ee ku wajahan Somaliland.”

“Dowladda Talyaaniga xidhiidh badani kama dhaxayn Somliland, haddase waxa is bedel weyni ku  yim id siyaasadda wadamada Yurub ee aad u daneeya arrimaha dimuquraadiyadda, nabadgelyada iyo horumarka xaga dhaqaalaha iyo binu-aadminimadaba. waa arrin farxad leh, waxay ka turjumaysaa in rabitaanka, dedaalka iyo hawl gallada ay bulshada reer Somaliland ay la yimaadeen, in ay soo  dh awyn iyo aqbalaadba ka heleen beesha caalamka, waana arrin aanu aad ugu faraxsanahay.”



Source: Somaliland.Org