Weftigii uu Hogaaminayay xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga kulmiye oo si wayn loogu soo dhaweeyay deegaano ka tirsan gobolka gabiley:-

 


Gudoomiye C/Casiis ayaa dadwaynaha reer Tog-Wajaale kula dar daaarmay in ay cod  koo da siiyaan cidii ay iyagu u arkaan in ay dalka iyo dadka wax u qabanayso.


Tog-Wajaale (TNN)-Wefti balaadhan oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ee KULMIYE,isla marka ana uu  hogaamina yay Xoghayaha Arimaha Dibada ee xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed  C/la ahi Cumar ayaa maa nta socdaal ku soo maray deegaano ka tirsan Gobolka  Gabiley,weftig ani uu hogaaminayay xoghayuhu ayaa waxa ka mid ahaa magaalooyinkii ay soo mareen  m agaalada  Arabsiyo, G abiley, Kalabaydh iyo Tog-Wajaale,iyaga oo dhamaanba masuuliyiint ii maanta dadwynaha ku dhqan magaalooyinkaasi kala hadlay meelo fagaareyaal ah.


Weftigan uu xoghayuhu hogaaminayay ayaa waxa uu isugu jiray xubno ka socday qurba  j ooga xisbiga kulmiye ee dalal ka tirsan qaarada yurub,iyo si doo kale xubno uu ka mid ahaa gudoomiye ku xigeen koowaad ee golaha wakiilada Somaliland md C/Casiis Maxamed  Sama ale,Eng. Maxamed xashi cilmi, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee KUL MIYE.

weftigan uu hogaaminayay Xoghayuhu ayaa waxa ay socdaalkooda ka bilaabeen  magaal ada Arabsiyo halkaasi oo weftiga si diiran loogu soo dhaweeyay, iyada oo ay masuuliyiin ka mid ahaa weftiga ayaa meel fagaare ah kala hadleen boqolaal taageerayaaasha xisbiga ku lmiye ah ee ku dhaqan magaalada Arabsiyo,masuuliyiintii dadweynaha reer Arbasiyo  halk aasi kala hadlay ayaa dhamaantoodba u mahad naqay taageerayaashii faraha badnaa ee halkaasi isugu soo baxay isla markaana muujiyay taageerada ay u hayaan xisbiga  mucaari dka ah ee KULMIYE.


Weftigani oo uga sii gudbay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka gabiley halkaasi oo wef tiga si aad u balaadhan loogu soo dhaweeyay iyada oo ay boqolaal teegeerayaal ah oo ku la bisnaa calanka xisbiga KULMIYE, iyo astaamo kale oo ka mid ah kuwa xisbiga ay  taagnaa yeen jidka laga galo magaalada gabiley ilaa fagaaraha khayriyada ee magaalada  Gabiley, halkaasi oo ay masuuliyiintii weftiga ka mid ahaa ay dadwaynahaasi kala hadleen  fagaarah a khayriyada ee magaalada gabiley,iyada oo uu weftigu magaalada gabiley uga sii gudbay magaalooyinka Kalabaydh iyo Wajaale halkaasi oo ay masuuliyiin ka tirsanaa weftigu la  ha d leen dadwaynihii isugu soo baxay magaalooyinkaasi oo weftiga si daad u heer saraysa loogu soo dhaweeyay..


Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland md C/Casiis MaxamedSamaale oo isna halkaasi taageerayaashii maanta isugu soo baxay kula hadlay ayaa si aad ah ugu Mahad naqay dadwaynihii halkaasi isugu soo baxay,isaga oo ku amaanay sida wanaagsan ee ay isku soo abaabuleen iyo taageerada ay muujiyeen.

Md C/Casiis Samaale waxa kale oo uu khudbadiisa ku soo qaaday ama uu kaga jawaabay hadalo uu dhawaan madax waynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ka jeediyay magaal ooyinka Boorama iyo Gabiley, mar uu C/Casiis Samaale la hadlsayay taageerayaashii isugu soo baxay magaalada Tog-Wajaale waxa uu yidhi “ madax waynaha yidhi shan sano oo dan be ha la i doorto bal haba la doortee muxuu idin yidhi waan ka qabanayaa Wajaale,ma idin yidhi wado ayaan idiin samaynayaa, ma idin yidhi garoonkii kubada cagta ee Wajaale ee la wada iibiyay ayaan wax ka qabanayaa,ma idin yidhi dib loo iibin maayo dhulkaasi, inta had hay in uu iibiyo ayuu doonayaa saw ma aha,magaalada Wajaale ee la dhex mari kari laayay gudeheeda wax baan ka qabanayaa ma idin yidhi,laamayda u dhaxaysa Wajaale iyo Kalab aydh ayaan samaynayaa ma idin yidhi,muxuu markaa cod idinkaga doonayaa,wuxuu codk iina kaga doonayaa in uu dhiishiisa inta dhiman buuxsado saw maha,caalamka mala arkay madax wayne yidhaahda yidhaahda weel kaygii in yar baa ka dhimane shan sano oo danbe ha la I doorto wax laga xishoodo miyaanay ahayn wax laga xishoodo arintaasi,walaalayaal codkiina ma iibin kartaan oo shan dollar miyaa lagu iib sanayaa,caqligiina miyaad  iibinaysa an,qofna damiirkiisa ma iibinayaa,madaxyhii aan shan sano dooranay in uu yidhaahdo  cod kiina ayaan idinka iibsanayaa miyaanay ahayn wax laga xishoodo halkii uu idiinka abaal gudi lahaa’

C/Casiis Samaale ayaa madaxwayne Rayaale xisbiga UDUB ku ee deeyay in ay umada rer Somaliland u kala qaybinayaan beelo beelo.waxanu yidhi ‘ bulshada reer Somaliland  dhama antood waa wada walaalo,bulshada reer awdal iyo kuwa gobolka gabiley waa walaalo, xis biga kulmiye taageerayaashiisa ugu badani waxay joogaan gobolka Awdal”

Gudoomiye C/Casiis ayaa dadwaynaha reer Tog-Wajaale kula dar daaarmay in ay cod  koo da siiyaan cidii ay iyagu u arkaan in ay dalka iyo dadka wax u qabanayso.


Xogahayaha Arimaha dibada ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Dr maxamed C/laahi Cumar oo taageeryaashaasi boqolaal ka mid ahaa taageeryaashii reer gabiley ee maanta halkaasi isugu soo baxay khudbad u jeediyay ayaa waxa uu ugu horayn u Mahad naqay taageerayaashan aad u faraha badan ee muujiyay taageerada ay u hayaan xisbiga  KULMI YE, isaga oo Dr Maxamed ugu baaqay dadweynaha reer gabiley in ay codkooda siiyaan  xi sbiga kulmiye,oo ah baa uu yidhi ka keliya ee dalkan isbedel ku samayn karo ee umada reer somalilandna wax u qaban kara.

Xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga KULMIYE Dr Maxamed C/laahi Cumar ,mar uu la  hadl aayay taageerayaasha xisbiga kulmiye ee maanta isugu soo baxay fagaarha khayriyada ee magaalada Tog-Wajaale ayaa si aad ah ugu Mahad naqay bulshada ku dhaqan magaalada Tog-Wajaale oo uu sheegay in yihiin bulsho shucuurtooda laga dheehan karo ama ay ka mu uqato sida ay u doonayaan isbedel ka dhaca dalkan Somaliland,isaga oo xoghayuhu intasi raaciyay in magaalada Wajaale ay tahay magaalo Ganacsiga caan ku ah,balse aanay  xuku umada talada haysaa waxba ugu qabanain cashuurtii ay ka ururinaysay muddadii ay xilka haysay.

Dhamaanba masuuliyiintii kale ee maanta halkaasi kala taageeryaashii aad ka u farha bad naa ee isugu soo baxay magaalooyinka Arabsiyo,Gabiley,Kalabaydh iyo Tog-Wajaale ayaa waxa ay dhamaanba dadwaynaha ku dhaqan magaalooyinkaasi u sheegeen in ay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE oo bay yidhaahdeen ah xisbia kelya ee dalka,dadka ku dhaqi kara cadaalad iyo hor u mar.



Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Reporter (TNN)
Tog-Wajaale/Somaliland