Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE oo la kulmay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka

 

Washington (Longlivesomaliland News)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KU LMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar,oo booqasho hawlood ku yimi  magaal ada Washington ayaa shalay 30 kii July kulan kula yeeshay Wasaaradda  Arr imaha Dibadda ee Maraykanka masuuliyiin ka tirsan wasaaraddaasi.

Kulankani wuxuu qayb ka ahaa hawlgallada diblomaasiyadeed ee xisbiga  KU LMIYE ku adkaynayo xidhiidhka Somaliland la leedahay bulshada caalamka gaar ahaan dalka Maraykan, ka dib markii ay soo baxeen dareemo muujinaya in xidhiidhkii Somaliland la lahayd Maraykanka uu hoos u dhacay.

Kulankan waxaa lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha mawqifka xisbiga  KU LMIYE ee diidmada Daahir Rayaale ee natiijada cod-bixiyayaasha, diidmada Daahir Rayale uu ka qaban waayay telephone dawlada Maraykanka, jawaa bta ay ka bixinayaan arrintan dawladda Maraykanku iyo deeqbixiyayaashu, eryidii Interpeace, cabudhinta saxaafadda sida Cable TV iyo wariyayaasha Radio Horyaal iyo taageerada Maraykanku siiyo Somaliland.

Dr. Maxamed wuxuu dawladda Maraykanka u sheegay in Xisbiga KULMIYE  aa d ugu xun yahay sida meel ka dhaca ah ee Daahir Rayaale ula dhaqmay  xis biyada mucaaradka iyo saaxiibada caalamaka ee Somaliland ka taakuleeya hawlaha doorshada isagoo adeegsanaya Guddiga Doorshada Qaranka, waxa kale oo KULMIYE aad uga xunyahay in dawladii metelaysay shicibka  Somalil and diiday inay telephoneka kula hadasho dawlada Maraykanka. Wuxuu  kal oo tilmaamay in tallaabooyinakani ay muujinayaan damac kalitalisnimo ah.

Waxaanu sheegay in xisbiga KULMIYE ka werwersan yahay in talaabooyinka uu qaaday Daahir Rayaale ay waxyeelaan nabadgalayada dalka, waayo  dad ku uma dulqaadan doonaan xukun maroorsi, wadatashiga oo la diido iyo in saaxiibadii Somaliland oo Maraykanku ka mid yahay loola dhaqmo sida fuusha xun ee dawlada Dahir Rayale samaysay, ama ha ahaato Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulankii kaga baxay Kongaresska Maraykana ama ha ahaato  Daa hir Rayale oo telephonekii ka qaban waayay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo telephone uga soo dirtay Washington DC.

Dareenada shirka ka soo baxay waxaa ka mid ah in dawladda Maraykanku aad uga walaacsan tahay talaabooyinka uu qaaday Daahir Rayaale ee la xidhiidha doorashada, cabudhinta saxaafadda, dawladda Maraykankuna ay bilaabtay hawlgallo ay arrimahan wax kaga qabanayso. Wuxuu Xoghayuhu ka codsaday in la kordhiyo fariimaha ka soo baxa dawladda Maraykanka ee ku socda shibicka Somaliland iyadoo loo marinayo idaacadda VOA da laanta af Soomaliga. Awoodda maqalka idaacaddana la kordhiyo si meel kasta oo dalka ka mid ah shacabka Somaliland ay uga dhagaysan karaan warar madax banaan iyo mawqifyada iyo taageerada dawladda Maraykanka ee ku  jahay san Somaliland. Waxaa kaloo Xogahayuhu waydiistay dawladda Maraykanka in la helo goobjoogayaal caalami ah oo yimaadda Somaliland doorashada ka hor iyo inta doorashadu socotoba, qaybna ka noqoda guddiga  goob  joogay aasha doorashada iyo soo saaridda natiijada codbixinta si loo kordhiyo  kals oonida lagu qabo natiijada.

Masuuliyiinta dawladda Maraykanku waxay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE u sheegeen in dawladoodu ay ku talo jirto inay kordhiso  mucaawin ada ay siiso Somaliland doorashada ka dib oo lagu soo daro dhinacyada  wax barshada iyo dhaqaalaha, laakiin marka hore loo baahan yahaya in la helo da wladda leh xukun wanaag, ilaalisana sharciga iyo xuquuqda dadka. Dinaca Ma raykanka waxaa shirka uga qaybgalay masuuliyiin uu ka mid yahay Matthew Walsh. Dinaca xisbiga Kulmiye na waxaa uga qayb galay Dr. Maxamed  Cabdi llahi Cumar, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Kulmiye.


 


Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Woqooyiga Ameerika
Xuseen Cabdi Ducaale