Dulqaadkii Rayaale iyo deg dega Siilaanyo,
midkee dan u ahaa Bulshada?.


 



Taariikhdu waa ma guurto, qof kasta oo Xil qabta ama Gacan ka gaysta Dhismaha Qaran ee D awladi leedahay, waxaa lagu xusaa Diiwaan Taariikheed laga milicsan karo, Hawl karnimadiisa, wax qabadkiisa, hagar daamadiisa ,dulqaadkiisa iyo dil dilaaca dawladiisa ku yimaada wakhtiga uu xilka umadda u hayo.


Shaqsiyadda qofka bani aadamka ahi waa mid Illaahay ku abuuro, waana haybad rabaaniya oo illaahay galiyo qof kasta oo bani aadam ah,mana sina dadku qofba in ayuu dulqaadkiisu jiraa. Masuuliyaduna kama maaranto dulqaad, deganaansho iyo karti maskaxi ku jirto, qofka masuulk a ah ee xil qaadaa ,waxa uu leeyahay go'aan ka fiirsi badan oo Saamayntiisa dhinacyo badan laga eegay, waxa uu ka taxadiraa hadal kasta oo dib ugu soo noqon kara, ama go'aan kasta oo si dhib yar looga noqon karo marka ay Awooda bulshadu dhinac kaa noqoto,iyada oo ayaynaan lahayn taariikh kayd ah oo qoran oo la isku waafaqsan yahay haddana waxaad arkaysaa in ay wali masuuliyad wayn iska saaraan Saxaafada Somaliland sidii kayd loo heli lahaa, tan iyo intii dalka dib loogu soo noqday waxaad moodaa in woxogaa la helayo meel wax loogu noqdo.


Hogaamiye kasta oo Dal Madax ka noqdaa, waxa uu ka tagaa laba arimood mid kood kuwaasi oo kala ah Hogaan toosan oo raad ku reebta maskaxda dadka iyo Hogaan xumo Murugo iyo ma hadho xun kaga tagta maanka shicibka. Xusuustu waa ma guurto soo cel celisa wixii dhacay w akhtiyo ka hor, taasi oo qofna amaan ku muto, qofna inkaar ku galabsado xataa haddii uu adu unyada ka tago, ficiladii uu sameeyayna waxay aduunyadda kaga tagaan tilmaamo kala duwan.

Dulucda aragtidaydu waxay ku qotontaa, kala duwanaasha labada shaqsi ee iskaga danbeey ay Hogaanka tallada Dalka Somaliland ,kuwaasi ahaa labadii Madaxwayne ee ugu horeeyay ee si cadaalad ah isku wareejiya Hogaanka Tallada Dalka, ka dib markii doorashooyinkii lagu kala guulaystay.


Madaxwaynihii Hore ee Somaliland ,Daahir Rayaale Kaahin, wax lagu tiriyaa Hogaamiyeyaasha ugu Dulqaadka Badan Africa ,marka aad eegto talaabooyinkii shicibku ku duri jireen Maamulkii sa ,oo mararka qaar lagu Aflagaadayn jiray xataa qoyskiisa, dhinac markaad ka eegto waxa uu lahaa La taliyeyaal been kula shaqaysan jiray ,oo qaarkood dano shaqsi ka lahaayeen, kuwaasi oo siyaasad ahaan dhaawacay kalsoonidii bulshada ee wakhtigaasi, dadkuna Aamineen in Xuku umadu duulaan ku tahay hantida iyo khayraadka dalka.


Markaan ku koobnaado shaqsiyadda qof ahaaneed ee Daahir Rayaale ,waxa uu ahaa  shaqsi go'aan adag, dulqaad badan oo dabeecad wanaagsan, waxa uu ahaa shaqsi ku xidhan Salaadii nta iyo Madax dhaqameedka Dalka, waxa uu ahaa shaqsi talo wadaaga tix galiya, waxaa lagu xasuustaa go'aankii Geesinimada lahaa ee uu Kaga soo hor jeedsaday Calooshooda u shaqayst ayaashii gil gilay Maskaxda iyo maanka shacabka Somaliland ,intaan lagu dhawaaqin Natiijadii Doorashada Madaxtinimo ee Dalka 2010-kii. Waxaa lagu Xasuustaa kalmadihii Siyaasadaysnaa ee uu ka jeediyay xafladii xil wareejinta iyo dulqaadkii uu muujiyay illaa intii uu Xilka Wareejina yay.


Markaan ka hadlayo shaqsiyadda ruux ahaaneed ee shaqsigaasi, uma jeedo inaan ka hadlo Ho gaankiisa iyo wax qabadkiisa kale, balse waxaan jecelahay in aan aragtidayda ku soo ururiyo waxyaabaha la taaban karo ee lagu xasuusan karo shaqsi ahaan labada Madaxwayne ee ku k ala danbeeyay hogaanka Dalka.


Wakhtiga hogaan waliba soo maro taladda ugu saraysa ee uu Dal ka qabto waxaa soo wajaha caqabado kala gedisan oo curyaamin kara Horumarka dalkaasi, waxa jira talaabooyin hogaan waliba qaado markay carqaladi timaado, waxaa jira go'aamo xasaasiya oo mararka qaar lama huraan u ah Hogaanku inuu ku talaabsado, gaar ahaan marka ay xaalada Dalku halis ku jirto, a ma ay dalka ku soo kordhaan caqabado wax yeelayn kara Qaranimada, sida shirarka lagaga so o horjeedo gooni isu taaga iyo jiritaanka Dalka. Daahir Rayaale kaahin, waxa uu ahaa Hogaami ye muddo dheer Talada Dalka hayay, oo khibrad badan ka korodhsaday intii uu joogay, waxa u u ka tagay ereyo dhaxal gal u ah, oo aan wax turxaan ah ku reebin bulshada, gaar ahaana wa khtiyada uu qabanayo Shirarka Jaraaid.


Taariikhdu iyadaa is qoraysa, Alle ha unaxariistee C/raxman Axmed Cali ,waxa uu seeska u dhi gay Aasaaskii Dawladnimo ee Somaliland yeelato, halka Alle ha u Naxariistee Maxamed X. Ibra ahin Cigaal , uu ka sii anba qaaday oo uu sameeyay aftidii Dastuurka iyo Xisbigii ugu horeeyay ee Somaliland yeelato.Waxaa isna dhidibada u taagay ,oo Dalka doorashooyin ka hir galiyay M adaxwayne Daahir Rayaale kaahin ,oo ahaa Madaxwaynihii ugu horeeyay ee xilka talada Dalka ku wareejiya Madaxwayne la soo doortay.


Su'aasha iswaydiinta mudan waxay tahay, maxaa laga Filayaa Madaxwayne Siilaanyo inuu ku soo kordhiyo Taariikhaha lama ilaawaanka ah ee noocaas oo kale ah ee taxanaha u soo martay bulshada Somaliland? se maxay bulshadu ka aaminsan tahay shaqsiyadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) .

Marka la qiimeeyo mudadii koobnayd ee uu hogaanka Dalka hayay, waa Sidee go’aan qaadash adiisu?, Maxaa lagu xasuusan karaa ereyadda dhaxal galka ah ee Bulshada Raadka ku reeba? Maxaa lagala soo dhex bixi karaa isbedalada uu sameeyay wakhtiga uu talada hayay? Se max aa lagu xasuusan karaa tacadiyada iyo tabashooyinka Bulshadu ka tirsanayaan Maamulkiisa?.


Talo xumaantu waxay tirtirtaa taariikhda hogaamineed ee shaqsi fuliyo inta uu xilka hayo, wax ayna abuurtaa kala fogaanshaha xukuumad iyo shicibka, waxay muujisaa shaqsiyadda qof aha aneed ee hogaamiyahaasi iyo go'aanada uu ka qaadan karo marxaladaha xasaasiga ah ee Dalk u soo maro.

 



La soco Qaybta labaad………………


 

 

 

 

 

 

Qalinkii: Wariye Nimco Muxumed Ibraahin
Timacade News Desk
Qaali540@hotmail.com