DUMARKA,
AQOONTA IYO GUURKA
Xasan C. Madar
Inkastoo
sidiisaba guurku yaraaday waayadan, sababo badan oo
yareeyeyna jiraan had dana wuxuu aad u sii taabtay
dumarka, gaar ahaan inta aqoonta sare leh. Dumarka
soom aalida iyo kuwa kale ee muslimiinta ahiba way ka
duwanaayeen kuwa reer galbeedka iyo bulshooyinka kale
marka la eego nolosha guurka iyo qoyska. Sababtu wax
kale maaha, wa xa kala duwan ujeeddada laga leeyahay
nolosha iyo qoyska iyo sida bulsho kastaa u dhis
an tahay.
Markii dunidu isku sii furfurantay waxa isjiidhay
dhaqammadii oo siday u kala awood badn aayeen u
kala adkaaday. Waxa isbeddelay dhaqankii aqoonta, kii
shaqada, kii qoyska iyo guud ahaan hab nololeedkii
markii soohdimihii kala xadaynayey meesha ka baxeen ee
la is ku wada tallaabay. Dhaqankii soomaalidu wuxu
ka mid noqday kuwii markiiba la libdhiyey, weliba markuu
dibedda u baxay. Soomaalida waxa sii wiiqay burburkii
dawladnimo iyo bara kacii ay ku kala baahday
dacallada dunida.
Iyadoo sidaasi jirto oo guurkii guud ahaan hoos u dhacay,
xikmaddiisiina luntay, furriinkiis iina batay ayaa
halista ugu weyni soo food saartay dumarka waxbarta iyo
kuwa aqoonta ku shaqeeya.
Markii waxbarashada casriga ah ee reer galbeedku soo
gaadhay carriga soomaalida, ciddii ugu horraysay ee wax
barataa waxay ahayd ragga. Waxa ku soo biiray dumar tiro
yar. Dumarkaa tirade yari soo dhoweyn kalamay kulmin
bulshada gaar ahaan ragga. Waxay ma rkaa dhinaca saareen
oo la ollog noqdeen ragga markii laga fogeeyey dhinacii
dheddigga. Waxa loo arkay inay ragga si aan loo baahnayn
ugu dhodhow yihiin, tacliintii gaaladana ba ranayaan.
Sidaas oo ay tahay haddana xilligii ingiriiska wiilasha
iyo habluhu dugsiyo kala d uwan bay wax ku baran
jireen. Kacaankii askartu hoggaaminaysay baa wax badan
isku fa ruuray oo wiilashii iyo gabdhihii fasal
isku mid ah geeyey, surwaal iyo shaadhna u wada ge
liyey. Markii dambe waa lala qabsaday oo wax wada
dhigashadii wax iska caadi ah bay no qotay. Hablo
badani may dhammaysan jirin jaamacadaha oo guurka ayaa
ka soo hormari jiray. Intooda wax barasho sare gaadha
way la sii durki jirtay oo fursadda guurku way ka sii
fogaan jirtay kadibna caqabado bulsho aqoontu ku
yartahay baa ka hor iman jiray. Runtii bulshadu way u
ayday dumarkaa waxbartay, iyaguse lafahooda waxa
waxbarasha daasi u soo jiidday waa mid isweydiin leh.
Dumar badani waxay baaqi ku ahaadaan kelinnimo xataa
hadday doonayaan inay guursad aan. Waxay la
yaabaan waxa ay keli u yihiin iyo waxa ay u waayeen nin
u qalma. Dhakafaarkani shaqo kuma leh quruxdooda,
qofnimadooda, heerka noloshooda, iyo helitaa nka
rag. Waxa laga yaabaa inay qurux iyo qofnimoba leeyihiin,
heerka noloshooduna wan aagsan yahay, ragguna
yahay mid la heli karo aan suququl ku ahayn suuqa guurka.
Inta badan arrintu waxay ku xidhantahay halkay arrinta
iska taagaan iyo siday u abbaaraan.
Dumarka aqoonta sare lihi waxa ay isweydiiyaan waxa ay
nin uga baahan yihiin. Waayadii hore waxay ugu
baahnaayeen ilaalin iyo xannaano iyo inuu qabyada
nolosha la dhammay stiro oo ka gufeeyo meelo aanay
awoodi karin. Maanta waxay gabadhu isu aragtaa inay
qabyadaasi meesha ka baxday oo ay isku filan tahay.
Waxay isku aragtaa mar hadday wa xbarasho heer
sare ah gaadhay inay shaqaysan karto, dhaqaale heli
karto, in badan oo ragga ka mid ah ka sarrayso oo ay wax
badan ragga la qaybsan karto. Waxay u aragtaa inay wax
badan oo raggu yahay noqon karto. Weydiinta ah inay nin
u baahan tahay iyo in kale waa mid mar kasta hortaal oo
ku soo noqnoqota. Way ogtahay inay nin u baahan
tah ay laakiin weydiimaheedu waxay ku soo ururaan waxa
ay nin uga baahan tahay. Taas baa war celinteedu ku
adkaataa. Way ogtahay inaanay maanta ninka ugu baahnayn
wixii sha lay loogu baahnaa ee dhaqaale, masruuf ,
ilaalin iyo difaac ahaa. Waa tanoo dhaqaalihii way heli
kartaa, difaaciina meelo kale ayey ka heli kartaa. Waxay
ku wareertaa ka jawaa bidda inay nin ugu baahan
tahay wax dhaafsiisan baahida jinsiga. Tolow ninka ma
waxay ugu baahan tahay inuu u noqdo wehel ay nolosha la
wadaagto? Ma waxay ugu baahan ta hay inay ahaato
marwo guri oo u banbaxda korinta iyo barbaarinta ubad
haddii Eebbe kala siiyo?
Oo ma maanta oo la joogo casrigii furfuranka iyo aqoonta
ayey guri ku baaqi noqon kart aa?, sow dib ugu
dhici mayso gacantii ninka ee dhaqaalaha? Maxaa dhacaya
haddii ay lab aduba wada shaqo tagaan oo kolba
midkood carruurta hayo? Markaas malaha waxa loo
baahanayaa in la raaco nidaamka reer galbeedka ee ah in
dhalmada la yareeyo oo mid iyo labo lagu koobo. Haddii
kale oo ay u dhasho sidii soomaalida yaa u haynaya
carruurta?
Gabadhu inay shaqo tagto oo qoyska dhaqaale ku soo
kordhiso waa loo baahan yahay, we liba marka qoysku
sabool yahay ama ninku aanu shaqayn. Waxa uun muhiim ah
inaan la dayacin noloshii qoyska oo shaqada iyo hawsha
guriga la isku miisaamo.
Waxaba laga yaabaa in intooda badani aanay fikir sidaa u
qoto dheerba arrinta siin balse waqtiga badankiisa ku
qaataan waxbarasho, iyo shaqo oo ay xasuusanba waayaan
ama haleeli waayaan ka fikirka dhisme qoys oo ay
muraayadda waayaha isku eegaan iyagoo afartankii madaxa
la galay-xilliga dumarkuba ku dhalmo daayaan inta badan,
markaas oo ay meelahaa ku kulmaan mid isna sidaa u soo
daalay.
Dhibka kale ee ay la kulmaan dumarka aqoonta lihi waa
guurkooda oo xasili waaya iyo iya ga oo aan in
badan helin rag dhiggooda ah. Haddii gabadhu guursato
nin ka aqoon hoos eeya dhibaato badan bay la
kulantaa, mid xaggiisa ah iyo mid xaggeeda ah. Mid
xaggiisa ah oo ay ugu horrayso qabkii labnimo ee
hoggaanka iyo talada qoyska ninku hayey oo ka horyimaad
habka gabadhu wax u doonayso; mid xaggeeda ah oo u
aragta in ninka ay ka sarrayso oo ay tahay inuu
taladeeda u hoggaansamo mar hadday ka aqoon badan tahay.
Marka gabadhu ninka ka aqoon sarrayso waxa ku abuurma
qab iyo isla weyni, ninkana wax weyn uma aragto oo way
yaraysataa. Halkaa waxa ka dhasha is afgaranwaa murgiya
no loshii qoyska oo ku dambayn kara kala tag.
Haddaba marka halkaa la marayo ma waxa la odhan karaa
aqoontu waa ku khasaare dum arka?
Maya..taasi mid lagu doodi karo maaha. Ilaahay wuu innoo
sheegay innana waynu ognah ay inaan qofka wax
yaqaan iyo ka kale isku mid ahayn, raadinta aqoontuna
tahay mid lagu dhiirriyey rag iyo dumarba oo loo siman
yahay.
Guriga gabadha aqoonta lihi wuu ka wanaagsan yahay kana
tayo sarreeyaa ka ta aan aq oonta lahayn.
Aqoonteedu waxay u fududaysaa inay ubadkeeda si wacan u
barbaariso oo wax u barto. Waxay soo saari kartaa ubad
aayatiin leh. Waxay ninkeeda ka dhigi kartaa mid ragga
ka sarreeya marka uu yahay mid la jaanqaadi kara oo
qudhiisu aqoon leh.
Haddaba mar haddii xaalku sidaa yahay maxaa si ah? Maxaa
guurka gabdhaha waxbartay u yaryahay? Maxaa guurka
gabadha waxbaratay u saldhigi la’ayahay ?
Waxay ila tahay inaynu wax iska weydiinno inay mudan
tahay jaadka aqoonta ee gabadhu helayso. Halkay ka soo
jeeddaa aqoontan ay gabadhu baranaysaa? Marka gabadhu
isku darsato aqoonta maaddiga ah iyo ta diiniga ee
diinteeda iyo dhaqankeeda wax badan ka garanayso, ma
jirto gabadh ka wanaagsani. Aqoonta maaddiga ahi waxay u
fududaynays aa inay yeelato xirfad ay ku shaqaysato iyo
aqoon ay wax ku taransato. Aqoonta diiniga ahi waxay u
fudduaynaysaa inay fahanto nolosha qoysnimo iyo inay
garato xuquuqda nin keedu ku leeyahay iyana ku
leedahay, dadka kalena ku leeyihiin. Dhaqankeeda oo ay
taqa annaana wuxu u fududaynayaa inay garato
hab-nololeedka bulshadeeda, inta ku xil iyo xu rmo leh
iyo sida la kala yahay.
Dunida aqoontu waxay ka fogaysaa gabadha inay waqti u
hesho barashada dhaqanka iyo mararka qaar diinta. Waxay
ku dhex tuurtaa badweyn dhaqan shisheeye iyo bulsho u
nool si ka duwan sida soomaalida . Aqoonta ay hesho
gabadhu aad bay ula qiimo badan tahay, waxay ka
sarraysiisaa dumar oo dhan iyo rag badan. Waxay
jeceshahay inay muujiso inay aqoonyahanad tahay. Ninka
ka aqoon hooseeya way yastaa oo ku jeesjeestaa. Marka
aq oonteedu sii korodhaba waxa sii yaraada xidhiidhka
toosan ee ay rag la yeelato, kagana fikirto dhismaha
qoys. Waxay marka dambe iska noqotaa innama la joog aan
ka qaloon dh exgalka ragga.
Dhibku aqoonta maaha ee waa halka ay salka ku hayso
aqoontaasi ee ay ka soo jeeddo. Waa dhaqanka ay ku
qotonto aqoontaasi. Waxa isweydaartay dhaqankii
soomaaliga iyo dhaqanka aqoontaasi ku taagantahay. Sida
loo aaminsayahay fikradda qoyska ama ay u shaqayso ayaa
kala duwan. Gabadhii soomaaliga ahayd ee muslimadda
ahayd waxay ku dhex wareertaa dhaqankaasi. Waxay in
badan oo waqtigeeda ah ku soo qaadatay goobo waxbarasho
oo manhaj kale ah iyo dad ajaanib ah. Kadib waxay u
gudubtay nolosha shaqo iyadoo degaanka ay ka
shaqaynaysaa yahay mid habka uu u samaysan yahay isna ku
fa dhiyo dhaqan kale. Waa duni ragga iyo dumarku aanay
kala soocnayn oo marar badan la isku dhex milan yahay.
Waa duni uu ka jiro loollan xooggan oo loo yaqaan
feminism- dhe ddignimo u dood. Taas baa waqti badani
kaga lumaa. Waxay isku haysataa inay halgan ku jirto oo
fursadba uma hesho waqti ay kaga fikirto dhismaha qoys
ku fadhiya dhaqan soo maali.
Dhibka kale ee haystaa waa raggii soomaaliyeed ee
geyaanka ahaa oo badanaa ka aqoon hooseeya oo aanay ku
geli karin. Fursadda keliya ee ay heshaa waa inay la
kulanto nin so omaali ah oo isna sideeda oo kale
soo daalay oo ku dawakhay dunida aqoonta iyo shaqa
da. Haddii kale maxaa ka hortaagan inay mid shisheeye
ahba iska raacdo hadday heli kara yso isba waa nine?
Caqabadda kale ee hortaagani waa iyadoo cadow badan
bulshada ku yeelata. Waxa suuqa loo mariyaa inaanay qof
hagaagsan ahayn ama guur diyaar u ahayn. Waxa ku dhaca
dheg xumo iyo cadowgeeda oo bata mid arkay iyo mid
kaleba. Waxa dacaayadaasi dhaawacdaa in la guursado si
kastaba gabadh wanaagsan ha u ahaatee. Gabadh aqoon sare
leh oo yar aan lagu guursadaa way yar tahay. Wax
barashada ay ku raagto iyo qabka ka dhash aa
heerka ay gaadhaan ayaa ka mid ah sababaha. Waxay
xaqiiqsataa markay meel durugs an gaadho, ilaa ay
halkaa gaadhana maskaxdeeda kuma soo dhacdo inay
tallaabo qaa ddo. Maan helin kaan raadinayey bay
odhanaysaa.
Waxay rabtaa nin aqoonteeda oo kale ama mid ka sarraysa
leh oo xilkas ah. Aqoon iyo ma suuliyad rag isku
darsaday waa yar yahay. Ragga aqoonta lihina dumar aqoon
leh ma dan eeyaan. Gabadhu hadday wax qori karto
ama akhiri karto way ugu dhan tahay. Iskaba da aye
waxay ka doorbidaan tu aan waxna qorin waxna akhriyin oo
guriga u joogta. Kuma qa ldana dhinac ahaan oo waxay
ogyihiin marka ninkii iyo gabadhiiba dibedda u wada
bax aan ee shaqo tagaan in gurigii dayacmayo oo
carruurtii aanay helayn barbaarintii ay u baahn aayeen. Raggu waxay yidhaahdaan gabadhu aqoonteeda
iyo fariidnimadeeda gurigee da ayey ku dumisaa.
Runtuse waxay tahay in gabadhu aqoonteeda gurigeeda ku
dhisto. Gabadha fariidda ahi awoodda ninka ayey la
wareegtaa. Heblaayaa xukunta ayaa la odha nayaa
markay ka firfircoonaato, isna uu nin qabow yahay. Waa
halkaas halka raggu fardii dnimada gabadha ku
diidan yahay. Colaad baa ku dhalanaysa markasta qarxi
karta.
Waxa ninka lagu yidhaa gabadh fiican baad qabtaa, iyadaa
sidan kaa dhigtay. Reerkii bay kaga magac weynaataa.
Ninka gabadha jaadkaas ah guriga kula nooli diiqad buu
dareemaa dadka kalena nin nasiibleh bay u arkaan. Wuxu
istusaa in ragannimadiisii hoos u dhacday.
Aqoontii shaqo ayey u keenaysaa gabadhii, way sii
macaansanaysaa, hadii la guursadana shaqadii way sii
wadaysaa. Masuuliyadeeda shaqo markay korodho, waxa
isbeddela higsi geeda. Fikirkeeda ayaa isbeddela.
Waxay la mid noqotaa gabadhii reer galbeed ee aan
iya da guurku mudnaanta koowaad u ahayn. Aqoontii iyo
shaqadii baa la fogaada. Afkaar aan waafaqsanayn
dhaqankii dadkeeda ayaa ku xoogaysta. Afkaartaasi waxay
baajisaa rag b adan oo guur ugu soo dhiirran lahaa. Qaar
badani shaki ay ka qabaan baanay hawaysan ba.
Waa dhab in dumarka waxbartay sii badanayaan, waana loo
baahan yahay. Waxa kale oo dhab ah in aqoontaasi ay
tahay mid dhinac keliya u qormaysa oo miisaankii noloshu
ka ma qan yahay. Waxa barbar socda guurkii oo sii
yaraanaya iyo dhaqammadii bulshooyinka dunida ee kala
qoqobnaa oo intay isku furfurteen kala adkaanaya. Yurub
iyo dunida reer galbeedka inta sharci darro ku wada nool
ayaa ka badan inta isqabta. Xorriyadda aan xud
uudda lahayn ee la haysto ayaa badan. Iyagu, reer
galbeedku, waa bulsho sidaa u sama ysan. Jabku waa
marka gabadha soomaalida ahi u fahanto in xorriyaddaasi
tahay mid la wada leeyahay. Wax dad u gobannimo ah baa
dad kale u gunnimo ah. Marka xidhiidhkii gu urku meesha
ka baxo, baahidii jinsi iyo wehel lala noolaadaana
meesha taal, waxa raggii iyo dumarkii soomaalida iyo
muslinka ahaa halis ugu jiraan inay ku dhacaan dunida
xumo-ku-wada-noolaanshaha ee dhadhanka iyo xikmadda ka
madhan. Kala daadasho bulsho ay aa imanaya, burbur iyo
baaba’ aan laga soo waaqsan baana xigaya.
Haddii uu sidaa yahay xaalka gabadhii soomaaliyeed ee
waxbaratay, maxaa talo ah?
Sideebay iyadoo
aqoonyahanad ah haddana u dhisi kartaa nolol qoys oo
deggenaan iyo x asillooni ay ku hesho? Waa arrin
dooddeeda iyo hadalkeedu u yaal cid kasta oo aqoon u le h
ama wax ka odhan karta.
Si ay jidka ugu xaadho guur waa inay garato oo go'aansato
waxa ay nin uga baahan tah ay. Waa inay fiiro u yeelato
dunida ku xeeran iyo in ummaduhu kala duwan yihiin.Waa
inay garato waxa ay u abuuran tahay iyo cidda ay tahay.
Waa inay isku miisaanto nolosh eeda oo aqoonteedu
noqoto mid u horseedda dawga toosan balse aanay noqon
mid dhan walba seejisa. Waa inay garato in waxa ugu
wanaagsan ee ay noqon kartaa yahay HOOYO aqo on leh oo
hesha Say wanaagsan iyo ubad oo deggenaansho iyo
xasillooni ku hesha si mas kaxdeedu firaaqo ugu hesho
Alle ka cabsi iyo garashada inay jirto nolol tan ka
dambaysaa.
Xasan C.
Madar
nabaadiino@yahoo.com
|
|