Duur: Wasiir U Taagan Tacadiga Saxaafada Oo Moog Seeftooda Afka Badan

 


Inkasta oo ay Mandaqada Geeska Afrika tahay meesha loogu tacadiga badan tahay Saxaafada, hadana Somaliland oo ah wadan wali Qariib ku ah dunida saddexaad iyo Caalamka intiisa kaleba hirgelinta Dimuquraadiyad ku dhisan tix-gelinta Afkaarta Mawaadiniinta dalka u dhashay ee arima ha siyaasada gudaha iyo Warbaahinta madaxbanaan ee udub dhexaadka u ah gudbinta fariimaha cusub iyo codka bulshada ee saxda ah, ayaa labadii sanadood ee ugu dambeeyay si isdaba jooga ugu talaabsatay hawl-galo guracan oo lagu bartilmaameedsanayo Saxaafada madaxabanaan ee dalka ka shaqaysa iyo ashkhaasta fikirkooda siyaasasiga ahi ka horimanayo rabitaanka xukuumad da talada haysa ee madaxweyne Siilaanyo.

Howl-galadaasoo wer-wer iyo walaac badan ku abuuray qaybo badan oo ka mida Beesha caalamk a, gaar ahaana wadamada Somaliland taageerada Dhaqaale ku siiya Taabo-gelinta nidaam dawlad eed oo ku dhisan hanaan dimuquraadiya oo ay Astaantiisu tahay in Doorashooyin asxaab badani ku tartantay lagu soo doorto hay'adaha Xukuumiga ah ee madaxweynuhu ugu sareeyo, kuwa sha rci dejinta, Golayaasha deegaanka ee horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada magaaloo yinka iyo in Xoriyatul-qawlka saxaafada iyo mawaadiniintu inay lama taabtaan noqdaan, kuwaasoo dhinaca kalena ka caawiya dhismaha Hay'adaha Garsoorka dawliga ah oo ka madaxbanaan hadba xukuumadda talada haysa inay si caadalada ka baxsan ugu xukunto cida ay ciqaabayso.

Somaliland waxay leedahay Dastuurka dhaqan gal ah oo 97% ka mida shacbiga wadanku codkooda ku meel mariyeen iyo Xeer si waadax ah u damaanad qaadaya xoriyada saxaafada iyo gudbinta af kaarta bulshada oo ay shan sanadood ka hor Hay'adaha Xeer dejintu ansixiyeen, kaasoo dhaqan-galkiisa uu sanadkan qabyo tiray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo, hase yeeshee shuruucdaasi maaha kuwo sida ay yihiin loogu dhaqmo ee waxa meesha ka saaray awoodaha ay sida khaldan u istcmaalaan madaxda dawladu ee ay hadba qofka ay rabaan handida ada ugu gaystaan, kuwaasoo mudooyinkan dambe si gaara loogu adeegsanayo Xadhiga Warfi diye enada madaxbanaan.

Hay'adaha amniga iyo kuwa Cadaalada Somaliland waxa ay Labadii sanadood ee ugu dambeeyay Xukunka Qar-qoosh ah, Xadhig, Garaacis iyo Cago juglayn u geysteen in ka badan 106 wariye, ku waasoo dhibaatooyinka loo geystay iyagoo gudanaya waajibaadkoodii shaqo ee War gudbinta iyo raadinta xogo caam ah oo ay umadda u soo bandhigaan, waxaana qaarkood lagu xukumay Xabsi dheer iyo Ganaax lacageed, qaarna waxa mudo xabsiga loogu hayay Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan oo si gaara u xidhay iyagoo isticmaalaya Shaadhka dawlada, kuwaasoo ay ka mid yihiin Wasi ir Duur, Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Maayirka Degmada Caynaba oo saddexdooduba Wariyay aal u xidhay arimo khaasa oo ay Qabiilnimo ku jirto.

Inta badan Wariyayaashaasi waxa xadhigooda amray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxa med Nuur Caraale Duur oo tan iyo Markii xilka loo magacaabay ku sifoobay bixinta awaamiir Khald an oo uu marka dambe fulintooda ka dhaxlo fadeexado cul-culus oo saamayn ku yeesha Qaranka, Hanjabaad iyo Tacadiyada ka dhanka ah Saxaafada oo ilaa maalintii uu Xilka la wareegayay xadka ka sii baxaya.

Wasiirka Daakhliga Somaliland Mr Duur oo markii Xilka loo magacaabay ahaa shakhsi si aad loogu soo dhaweeyay Saaxada Siyaasada, gaar ahaana ka mid noqoshada xukuumadda Siilaanyo, ayaa noqday masuul hab-dhaqankiisa maamul dibada uga soo saaray quluubta dad badan oo u han-we ynaa xiligii uu Xildhibaanka ahaa, isla markaana kashka iyo laabta ku qaabilay dharaartii Madaxwe ynuhu Wasiirka Wasaaradda Daakhiliga u doortay.

Mr Duur waxa uu si badheedha u xidhay 24 Wariye oo aan waxba galabsan, kuwasoo saddex ka mida uu u xidhay Reernimo, isla markaana laba ka mid ahi ay todobaad u xidhnaayeen, Maxamed Cabdi Curad oo ah Tafaftirihii Wargeyska Yool-na maalintii shanaad u xidhan yahay, halka uu 21 kale maalin kaliya Xabsiga ku uruuriyay, ka dib markii ay ka dhiidhiyeen amar ka soo baxay isaga oo albaabada loogu laabayay TV-ga Caalamiga ah ee Horn-cable xaruntiisa magaalada Hargeysa, kuwaasoo iyaguna Saldhiga dhexe ugu xidhnaa in ka badan 40 Saacadood oo isku bixis ah.

Sidoo kale waxa uu afkiisa uga hanjabay Wariyayaal kale oo uu ku guul-daraystay inuu Dambi la' aan ku xidh-xidho, kuwaasoo uu ku haysto warar ku salaysan Dhaliilaha ka muuqda shaqadiisa oo ay qoreen, waxaanay gabood-falada noocaas ahi meesha ka saareen xidhiidhkii ka dhexeeya isaga iyo saaxafada dalka oo hada meel xun maraya , inkasta oo uu mar isku dayay inuu saaxiib dhaw la noqdo Wariyayaasha, isla markaana heshiis afka ah la galay in ka badan 30 Wariye oo ay ku jireen kuwo markaas uun xabsiga lagaga soo daayay raalin gelin la siiyay.

Marka laga yimaado Xad-gudubyada Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ku hayo Warfidiyeena da dalka, waxa uu sidoo kale dhibaatooyin lama ilaawaana u geystay shacbi badan oo rayida, kuwa asoo waxyeelo nafeed, Dhaawacyo jidh ahaaneed iyo Dhaqaale bur-bur xoogani ka soo gaadhay hawl-galo uu gadhwadeen ka yahay oo ay hay'adaha amnigu qaadeen lixdii bilood ee ugu dambee yay.

Hawl-galadaasoo inta badan sabab iska hor-imaadyo dhimasho iyo dhaawac keena oo dhex mara Ciidamada amarkiisa ku socda iyo Bulshada lagu waajaho oo naftu u geyso inay isdifaacaan, waxa ana laga xusi karaa dhacdadii todobaadkii hore ka dhacday Beriga Hargeysa shanta qof ku dhinte en, iska kale oo isna bishii hore kaq dhacay suuqa Injida ee Hargeysa oo todoba qof ku dhaawac meen, hawl-gal jidadka Caasimada lagaga rarayay xoogsatada danyarta ah oo isagana laba qof ku dhinteen iyo hujuumkii qoysaska danyarta ah lagaga raray Cisbitaalkii Jajabka oo uu ku dhintay Wiil Jaamici oo uu ku soo tabcay Aabe Curyaana oo dadkii xaafadaasi degenaa ka mida.

Wasiir Duur xilka uu hayo ku noqday sida Awr Layliya oo Haamaha Korkiisa saaran ka didaya. Isla markana inta uu buuq iyo qas abuurto marka dambe ceebaha ka raaca ugu cadhooda saxaafada xaqiijisa runta biyo kama dhibcaanka ah ee Bulshada loo gudbinayo, ayaa geesta kale bil ka hor si qaawan ugu Hanjabay Madaxdhaqameedyada wadanka, gaar ahaana cuqaasha, waxaanay ku dooday inuu Aqoonsiga kala noqonayo, Mushaharkana ka jarayo Caaqilka Warbaahinta ka dhaliila xukuumadda uu ka tirsanyahay, dhawaaqaasoo amakaag iyo af-kala qaad ku noqday qaybo badan oo ka mida Bulshada wadanka, isla markaana utun siyaasadeed kala dhex dhigay dawlada iyo hoga anka dhaqanka ee dhinaca nabad gelyada kala shaqeeya.

Siyaasad xumadda iyo qalafsanaanta Wasiir Duur
waxay sidoo kale todobaadkii hore Mugdi geliye en nabad-gelyada wadanka iyo kala dambaynta ka jirta, ka dib markii uu hadh cad ku dhawaaqay in Maleeshiyo beeleed hubaysani soo weerartay Saldhig Ciidamada Qaranku ku leeyihiin Xaafada New Hargeysa, halkaasoo todobaadkii hore goor subaxa Iska hor-imaad ku dhex maray Dhalin yaro cadhaysan iyo Ciidan Milateri ah oo uu isagu dalbaday in lagu xoojiyo Bilayska ka hortaga Rabshad a oo halkaasi loo geeyay si ay uga hortagaan dibad baxyo salka ku hayay Muran dhul oo xaafadaa si ka taagnaa, iyadoo hadalkiisa uu raaciyay weedho kale oo sumcad xumo ku ah Nidaamka dawliga ah iyo amaanka ay Somaliland ku faanto.

Waxaana Hadalkan ka soo yeedhay Wasiirka Layliga ku ah xilka uu hayo, si isku mida u saluugay qo fkasta oo maqlay lexejeclo wadanka ka hayso, waxaanu ahaa dhawaaqii ugu dambeeyay ee afkiisa ka soo baxa ee u qaadan waa ku noqda shacbiga, isla markaana walaac amni ku abuuray dadka aj aanibka ah ee Somaliland daneeya oo si weyn uga walaacay falalka amni daro ee dalka ka dhacay iyo Hubka uu sheegay inay wateen meeshiyaadkii Milateriga soo weeraray oo aanay qaarkood filayn inay dadka rayidka ahi haystaan.

Dhinaca kalena isla dhacdadaasi arinta kale ee la yaabka noqotay ee aanu Wasiirku ka madhnayn waxay ahayd xukunkii lagu riday 22 Eedaysane ee lagu soo qab-qabtay iska hor-imaadkaasi, kuwa asoo sida la sheegay uu isagu dalbaday in xukun lama ilaawaan ah lagu rido si shacbiga loogu cabsi geliyo.

taasoo dhegaha dadka caalamka iyo Bulshada reer Somaliland ku noqotay arin ugub ku ah hanaan ka Garsoorka dawlada Somaliland , kuna abuurtay dareen muujinaya in talada wadanku isu bedes hay xukun Milateri cidii dambi gasha Maxkamada milateri la saarayo.

Wasiir Maxamed ayaa Sidoo kale Door muhiima ku leh Xadhiga Boqor Buur-madow ee Dhaliilaha da wlada u xidhan, kana qayb qaatay falkii foosha xumaa ee Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga Kulmiye dhaawacyada iyo dhabar-jebinta siyaasadeed loogu geystay shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye, kaa soo markii uu isku dayay inuu ka doodo xil ka qaadis lagu sameeyay mid ka mida Ilaaladiisa gaarka ahi laba dibble Kursigii ugu soo tuuray, taasoo ku keentay Dhaawac ka soo gaadhay Dhabarka.

Si kasta ha ahaatee intii Wasaaradda Daakhiliga Somaliland loo magacaabay Maxamed Nuur Caraa le Duur, waxa isa soo taraya gabood-falada lagula kacayo Warfidiyeenada dalka iyo Faashil ku yimi jawiga nabad-gelyada dalka ee gudaha oo maraya meel u baahan in wax laga bedelo hogaanka wa saaradaasi, iyadda daneeyayaasha siyaasada Somaliland ay walaac ka qabaan hab-dhaqanka xuk uumadda Siilaanyo ee saxaafada Madax-banaan, kuwaasoo wadnaha farta ku haya halka ay ku da mbeyn doonaan dhacdooyinka aan fiicnayn ee ka soo bu'aya gudaha dalka ee Cabudhinta Saxaaf ada iyo xadhiga Ra'yi qabayaasha ee xukuumaddani kaga duwan tahay xukuumadihii ka horeeyay.



Faalo: Wariye Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)