"Dastuurka
Qodobka 38, "
Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu uhii msan arrimahan
soo socda :- Qodobka 38: 4-j Hirgelinta xeerarka u degsan
Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaqii jinta taabbagalka
cadaaladda oo sal u ah xasil oonida guud ee Jamhuuriyadda iyo
isu-kalsamaanta iyo iskaas higa dadweynaha Somaliland". Bal u fiirso
hab-dhaqanka labada gole ee Baarlamaanka Golaha Guurtidu wuxu
go'aamiyay, 28 March 2009inuu mud dada xilka u kordhiyo
Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweyne lix bilo od oo ku egg ilaa
29 Oct. 2009. Suaashu waxa ay tahay, muddo kordh intani
Dastuurka ma waafaqsan tahay? Jawaabtu waa maya. Dastuurka Qodobka
83: 5 wuxu u qoran yahay, sidan: " Haddii ay suurtoobiweydo duruufo
la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada
Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu
dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u
kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo
tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo, doorashaduna ku
qabsoomi karto"
Mudanayaasha u codeeyay, muddo kordhinta xilka ee Madaxweynaha iyo
ku-xigeenka Madaxweynaha waxa ay ku gafeen, Dastuurkii Qaranka iyo
shacbiga reer Somaliland, iyaga oo danahooda gaarka ah ka doorbidaya,
Xilkii loo igmaday iyo Xaaladaha adage ee dalku marayo, Madaxweynaha
iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waxa xilka loo doortay shan sannadood
May 2002, ilaa May 2008kii. Waa mar labaadkii Guurtidu u kordhisay
muddada xilka, oo aan Dastuurka waafaqsanayn. Maanta waxa ay ku
joogaan ma aha sharci iyo doorasho ee waa kumeel-gaadh ( Interim
government), ilaa 6April 2009. Muddo kordhintani, waa mid dadweynaha
xortta ihi ka soo horjeedo. Waa mid aan la qaadan karin oo aan la
yeeleyn. Waa mid dalka u horseedaysa xasilooni darro. Waa mid ka soo
horjeedda rabitaanka dadweynaha danaynaya jiritaanka iyo Qaranimada
JSL. Waa mid caqabad ku ah geedi socodkii doorashaooyinka. Waxa
iyana isweydiin leh, Maxaa u sal ah xidhiidhka iyo kal-gaceylka
odayaasha Guurtida ee goor walba u dhaga-nugul amar qaloocan oo
Madaxweyne? Labadan arrimood baa sabab u ah;
1. Aqoon darro ay xilka culus ee loo xambaariyay, aanay ku gudan
karayn. Mudanayaasha intooda badani, ma gaadh-siisna waxbarasho
dugsi dhexe.
2. Dhaqaale ama dhaameel salka ku haya awooddaa lacageed ee laxaadka
leh ee ku soo ururta Madaxweyne. Awooddaa dhaqaale, ayaa hooyada
xumaha dalka ah. Maalinta loo kordhiyaa maamulkan waa dar-xumo, u
soo koradhay JSL Shaqaalihii iyo ciidamada kala duwan ee Qaranka ee
Mushaharka la siiyaa hadda, uu ka hooseeyo 500 % kii la siin jiray
1994kii.
Shaxda 1: Isu-eegid Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada
Darajada A Mushaharka Hadda $ 68.00 Mushaharka 1994 $ 340.00
Darajada B Mushaharka Hadda $ 56.00 Mushaharka 1994 $ 280.00
Darajada C Mushaharka Hadda $ 42.00 Mushaharka 1994 $ 215.00
Darajada D Mushaharka Hadda $ 24.00 Mushaharka 1994 $ 120.00
Waxa intaa dheer shaqala la'aan, maceeshad qaali ah iyo iskuul-fii
ku culus waalidka ardayda. Waa arrimaha da'yarta ku kalifay
TAHRIIBKA.
Golaha Wakiilada, ayaa isna qayb ka ah dhaliisha iyo dhibaatada
dalka. Wuxu ansixiyaa sannad walba, miisaaniyad ay ka dheregsan
yihiin in adduun badani ka maqan yahay oo aan xisaab-xidhna lahayn.
Waa arrin ah ku xad-gudub Dastuurka Qaranka, waana xil-gudasho
darro.Waa ta
abuurtay in awoodda dhaqaale iyo maamul ku soo ururto Madaxweyne; "Qodobka
55: 6.Waa waajib u soo bandhigidda Golaha Wakiilada xisaab-xidhka
sannad maaliyadeedkii dhammaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo
ka bilaabanta taariikhda dhamaadka sannad-maaliyadeedka,
iyada oo Golaha Wakiiladu ka doodayo, go'aana ka soo saarayaan
Qodobka 7. U soo bandhigidda (G/wakiilada) xisaab-xidhka
miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hanti-dhawrka Guud".
Dhaqaalaha Dalku wuu taag-daran yahay. waxana u sabab ah
musuq-maasuq; Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyaddu si weyn bay ugu
tagrifalaan dhaqaalaha dalka. Dakhliga waxa loo qaybiyaa saddex
meelood:
1-Qaybta libaaxa ( Madaxweyne), oo ah ta ugu badan. Taas oo aan
gelin Miisaaniyadda Qaranka,
2. Qaybta Wasiirka. Qiyaas ahaan
waa 45.5 % dakhligii soo xerooda, laakiin aan gelin Miisaaniyadda
Qaranka. Dul-xaadis baa la odhan karaa.
3. Waxa soo hadhay waa inta
Miisaaniyadda Qaranka lagu qoro, oo wax horumar ihi aan ku jirin, oo
ay u weheliso feenashada wasiiradu.
Toddobadii sannadood ee Xukuumaddan, maalka ka lumay ummaddan
saboolka ah, waxa uu noqon lahaa, in ka badan, shaxda qaybteeda sare
oo ah $ 365,591,849. Waxa ummadda isu raacay, saboolnimo aan
dalkeedu gabin iyo magac-xumo dawarsi. Sida Doorashada caalamku ha
naga gar-gaaro, UNDP Madaxtooyada ha noo dayactirto iwm.
Shaxda 2: Dakhliyada aan Miisaaniyadda 2008 gelin:
Dakhliga la leexsado ee ah 45.5 %. (Eeg SL in Figures) $ 20,593,159
Dakhliga Haamaha Berbera $ 1,742,024 Dakhliga Dekedaha $. 8,000,000
Lacagta adage ee xoolaha dhoofa $ 3,883,356
Inta faro dhexdood ka baxda (15 %) $ 6,788,954
Hadhaaga miisaaniyaddii sannadkii hore (Feenashada wasiirada) $
2,657,143
Dakhliga Maddaarada iyo $ 2.00 ee Waran Cadde $ 1,687,723
Labada qiime ee $ ( marka laga jaray lacagta adag ee raashinka
ciidamada ) $ 6,875,048
Isugeyn $ 52,,227,407
Kaluumaysiga:Waa dakhli ka badan miisaaniyadda Qaranka Joint Venture
Co . Royalty-Fish 15 % Qiimaha ?
Foreign Co. Royalty-Fish 20 % Qiimaha ?
National Co Royalty-Crustacean 15 % Qiimaha ?
Joint Venture Co Royalty-Crustacean 20 % Qiimaha ?
Foreign Co Royalty-Crustacean 20 % Qiimaha ?
National Co. Royalty-Fish 10 % Qiimaha ?
Dhagaxa (Coral reef) ee laga iibiyo Masar iyo UA E ?
Iibka hantida maguurtada ah ?
Deeqda Dawladaha ?
Xil-gudashada G/Wakiilada ee Miisaaniyadda Qaranku, kuma eka dood
iyo falanqeyn oo qudha. Waxa Dastuurku ku waajibiyay, inay
maxkamadda u gudbiyaan ciddii ay hanti ummadeed ku maqan tahay ba.
Waxa soo afjarmi lahaa amar ku
taagleynta iyo dhaameelka aan qarsoo diga lahayn. Guurtida khariban,
af-miishaarka iyo suldaanka xun, baa laga nasan lahaaa, da'yartu
shaqay heli lahayd dalkuna horumar buu gaadhi lahaa Ebbow iimaanka
nagu so dabbaal. Aamiin
F.G:
Soo ururinta Xogtani waxa ay igu qaadatay dhawr bilood. Waxa ka
reeban HAFFAR iyo wax aan la HUBIN.
Ilaha Xogtu (Source) waa
Miisaaniyadaha Qaranka ilaa 2008 iyo buugga Somaliland In Figures ee
Wasaaradda Qorshayntu soo saarto ee UN maal geliso.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Xaashi Cilmi
|