KU:GUDIDA DOORASHADA QARAN (KOMISHANKA)



OG:GOLEYAASHA QARANKA (WAKIILADA IYO GUURTIDA)
OG:XISBIYADA TARTAMAYA (MUCAARID IYO MUXAAFID)
OG:GOLAHA FULINTA (DAWLADDA)


UJEEDO:CABASHO IYO CODSI.


Sida qof kasta oo caqligiisu taam yahay og-yahay,waxaynu la soconaa inta u dhaxaysa  bila ha June iyo October in dhul xeebeedka iyo buuraleyda ku dherersaniba ku jiraan xilligii  kulay laha,heer kulkuna gaadho 40-50 degree celsius.

Sidaa darteed ayna suurto gal ahayn in doorasho ka qabsoonto dhulka gubanka iyo xeeb u jeedkaba,haddaan la helin agabkii iyo gaadiid ku filan.

Haddaba waxaanu talo ahaan u soo jeedinaynaa,cid kasta oo ay khusayso in la helo:

1:Gaadiid iyo Isgaadhsiin
2:Dawo iyo Dhakhaatiir
3:Biyo iyo Cunto nafaqo leh iyo
4:Goobo qabow ama la hadheeyey

Haddii ayna suurto gal ahayna dib loogu dhigo doorashada dhul xeebeedka Somaliland.

FG:Doorashooyinka dambena ha laga fiirsado xilliga kulaylaha iyo Xeebaha.


 


Allaa Mahad leh,



Eng:Ahmed Haji Ali AINABO
Af-hayeenka: RED SEA FOUNDATION
somaliland1@hotmail.com