Farriin ku socota: Yusuf Cabdi Gaboobe
Mulkiilaha joornalka Haatuf

 

Waa shirkii guud ee SNM 1983. Sawirkuna waa Guurtidii ugu horreysay oo salaadiin, cuqaal iyo  oda yaal wax garad ah.Waxaa odayaashaa sawirka ku weheliya dhallinyaradii shirka ka qayb galaysay ee dibedaha ka kala yimid. Shirkuna wuxuu ka dhacay magaalada Herer ee dalka Itoobiya



Yusuf Abdi Gaboobow,haddii lagu iibsaday, siday leeyihiin, maxaa adiga markasta kaa fogeeyay koox da maqaaxidu u shidan tahay?



Adigoo da’ yar oon dalkaba arag oo Gadar deggan, goor uu dadka badankiisu hurday, ayaad dulmigii Siyaad Barre ku hayay guudahaan dadka Somaalyeed, gaarahaanna shicibkii gobalddii waqooyi u adkaysan weyday ood ka dhiidhiday. Markii aad ka soo laabatay shirkaas aad qayb gashay, ee aad sawirkiisa dhexda ka muuqato, waxaad adigoo adeegsanaya mihnadaada suxufinimo, afafka qalaad ugu soo bandhigtay reer Gadar iyo Caalmkaba xumaantii iyo dulmigii Afweyne nagu falayay. Dalka iyo dadkaba in yar baad ka taqiin, haseyeeshee waxaad dhab u aaminsanayd in isir ahaan dal iyo dadkan ka soo jeeddo.Waxay taasi ku ogolaysiisay, hadda sandulle kugumay ahayn ogow, in ku  difa acdo qalinka dulmigii faqashtu nagu haysay.a. Waxaanu hiilkaad noo gashay kugu kacay in lagaa  mu stafuriyo dalkii aad iqaamadda ku lahayd eed maamuuska iyo sharafta kaga shaqaysanaysay. Waxaa si weyn uga shaqeeyay mustaafurintaada safaarraddii faqashta u fadhiday Gadar. Waxaad ku sigatay ood ka badbaaday adiga iyo Ahmed Xasan Cigaal’ba , in gacanta la idinka geliyo Faqashtii. Mahad waxa leh Allaha weyn ee idinka ceynaanshe!


Adigoo kuu suurtagal tahay in adduunka kaga noolaato meel kasta oo kale, waxaad doorbidday  ina ad ku biirto Jabhaddii SNM’ta. Iyadoo dad badan oo la dhibay, la dhacay ama la jidhdilay u  dhaqaaji nna, waxaad garatay inaad qaaddo qori aan mihnadaadii ahayn. Waxaad doorbidday inaad ka  halg anto dhul iyo degaan colaadeed oo aanad aqoon u lahayn. Waxaad ka mid ahayd ee kooxdii yareed ee naftood –hurayaasha ahayd ee isku soo shubay Burco iyo Hargeysa, si ay u xoreeyaan  guryaho oda iyo dadkooda. Maqaaxida Inanta markaydun maraysaa, waxaad ku dhadhabaysay : Waar ma Hargaysaa?. Ogow inaad ka joogto koox faro ku tiris maanta ka noolyihiin, oo ay ummaddani u hayso abaalka dhaxal galka ah oo aan duugoobayn! Intii ku hoyatay ILaahay ha u naxariisto, intiina weli noolna Ilaahay cissi iyo sharaf haydinku noolaysiiyo!


Markii aad xorayseen dalkii iyo dadkaad nafta u hurteen, waxaad adigu ku toostay ood isku  xilsaart ay sidii aad mujaahidiintii naafada ahayd iyo agoontii aad u abuuri lahayd xirfadu ay ku shaqaystaan. ( Waa SOOYAAL). Runtii umaad hanqal-taagin xilalka dawladdeed ee wasiirnimada leh, maariiyaha leh ama ciidan ah adigoo intaba u qalamayay. Kumaad cidhiidhyin xukunnadii yimid boosaskan loo wada gablaynayo ee laysku wada seegay, maantana nin raadsaday uu u dudaya ma tihid. ( Walaal kaa Baashe markuu guuddoomiyaha olalaha Maroodijeex ee Kulmiye ahaa, horteedbaa fari kugu gudnayd oo ma tihid mid u cadhooday walaalkaybaa boos la siin waayay. Haddii boos micne leeyahay kuwo badan oo hayb wadaagtaan waxay ka buuxaan dawladda oo meelo sarsare ayay ka hayaan. Nasiib wanaag, nin hayb iyo habrasho midna uga leexda xaqa ma tihid!). Waxaad ku ekkaatay  mihna dii aad aqoonta sare u lahayd, suxufinimada aad jeceshahay! Waxaad heegan u ahyd inaad dadka wacyigood koriso, garaadkooda kor u qaado, tilmaanto galdaloolooyinka shicibka iyo xisbiyada,  was aaradaha iyo madaxtooyada, qalinkana ku difaacdo cadowga dibedda.


Bulshada akhrida wargaysyada aad maaulaha ka tahay waxay qiraan inaad siiso war waafiya. Waxa tusaale kuugu filan ummaddii meel laga maro la waayay,ee gudo iyo debedba kaaga kacday markii lagu dulmiyay. Mamulna qalad kama nasahna, sibiq ama kas iyo maan ha uga dhacee. Waxaad  horta agnayd ood ku muruxday qaladaadkii tirada ka baxay oo ee ka dhacayay maamulkii Riyaale. Waa la wada ogyahay in rjiimkaa hayb nin aad isugu xigteen Wasiirka arrimaha gudaha ka ahaa. Kuma  qaad in qiirada qabyaaldeed oo kamaad duwin weedhaada meel kastoo qallooc ka aragtay! Rijiimyadii soo xukumay dalkan ammaan iyo dhalliil waxay lahaayeen sidaad u aragtay baad uga warrami jirtay. Ammaan kumaad helin wanaagga aad ka sheegto, laakiin dhib, cay iyo xarig laf jab ah oo cadaawad ah ayaad si joogta uga helaysay dhallisha aad tilmaanto.Hadda dadka badankiiso aday kula  socdee en, Hase yeeshee qaar ka mid ah Kuwii sacabka kuu tumayay shalay ee lahaa saxaafadda  xornima deeda ha la ilaasho, maxay maanta kuugu orinayaan ee ay u doonayaan in la xakameeyo? Kuma qabato inaad shariif noqoto markaad wax ka sheegto nimanka ay diidanyihiin, nin waalan oo qayrul-mas’uul ahna ku soo dhacdo haddaad iyaka wax ka sheegto! Taas micnaheeddo waa aan ku lahaado.


Dadku wuu kuu ogyahay dadaalkaagii suxaafinimo halkuu magacii S/land gaadhsiiyay, Madaxda  dalal ka eed u soo bandhigtay kiiska S/land, baasaaboorka S/land ood u bilowday in laga aqbalo  adduun ka, shirarka suxufiyaasha adduunka oo aad ka massishay S/land.

Nin la didsado ka fogid. Cayda laguu miisay iyo colaad laguu muujiyay way ku ruxday, kuma se  riday so. Ku adkow mabda’aaga inaad u adeegto bulshada, wararka naga soo sii wixii waxtar iyo wadeeco ah ee ay ku sugantay bulshado. Shirkadaha dalka ka jira manfaca iyo dibta ay u leeyihiin dalka wax ka qora. Hay’adaha iyo wassaaradaha u kuurgala oo ka faallooda waxqabakooda, baarlamaanka iyo guurtidan ku badiya cagta oo hawshooda iyo waxtarkoodu halkuu maalinba marayo gude iyo  qurb aba la socodsiiya. Madaxtooyada si laxaad le ula socda illeen waa rugtii dalka laga hagayee. Haka nasanina ee soo tabiya kooxdii gasha iyo tii ka soo baxdaba, kuna adkaada karaamada suxufinimo leedahay.

Wabillahi Tawfiiq
 

 

 

 

Mahamed Dirir Burcawi
Jameeco M G