Waxaan Halkan Mahad Naq Balaadhan U marinayaa guud ahaan Shacbiga reer Somaliland ee Sida Diiiran Usoo Dhaweeyey Horn Cable TVee Hambalyada Nasoo Gaadhsiiyey

Gudomiyaha HCTV Farxan Xaji Cali Axmed


 


 


Hargeysa (TNN)-Anigoo Ku Hadlaya Magacayga Kan Shaqaalaha iyo Weriyayaasha HCTV Waxaan  halk an Mahadnaq iyo bogaadin u marinayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland, iyo soomalida kale ee sida diiran usoo dhaweysay Horn Cable TV oo markii u horeysay ka hawlgalay Cariga yurub ama khadka hot bird waxanu u arkaa inta jecel horumarka Somaliland iyo Horumarka Horn Cable TV inay yihiin kuwa aan rajaynayo inay qabtaan hareeraha TV-ga oo si rasmi ah aan xaruntiisa koowaad ee Qaarada  Yur ub ka furi doono Ingiriiska iyadoo ay iminkaba shaqeyso.

Waxaan Markale u mahadnaqayaa guud inta hambalyada noo soo marisay mareegaha internetka iyo khadka telefoonka inta qalbiga ka taageertay waxaan leeyahay aad baad u mahadsan tihiin  jaasaa kumu llaah.

Horn Cable TV waxa uu ka hawlgalaa oo uu ku leeyahay Xarumo dunida dacaladeeda iyadoo xarunta  k oowaad tahay Hargeysa Somaliland gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan, Xarunta Muqdisho  Som alia, Xarunta Garowe Puntland iyo guud ahaan magaalooyinka kala duwan ee somaaliya, Xarunta  jabu uti Djibouti, Jiddeh Saudi Arabia, Nairobi Kenya, Kambala Uganda,

Waxa uu Xaruntii koowaad ee yurub ku leeshay London UK.



Marka aan ka hadlo Siyaasada TV-ga iyo sida looga arko Somaliland waxa uu ahaa TTv-ga kaliya ee ay isticmaalaan jireen Mucaaridku oo aan ka gaban jirin xaqiiqda iyo helida warka sugan meelkasta iyo markasta waxaanu u ahaa bulshada mid dhex ah.



Marka aan ka hadlo siyaasada Somaliya ee Muqdisho oo ah mid cakiran waxanu ku leenahay Studio-ga labaad waxaanu uga hawlgalnaa hab cadaalad iyo dhexdhexaadnimo iyadoo ay adeega TV-gu gaadho guud ahaan kooxaha muranku ka dhexeeyo ee somaliya.



Sidaas si lamid ah TVgu waxa uu kaalin mugleh kaga jira tabinta wararka ee bulshada afka somaliga ku hadasha anagoo xarun ku yeelan doona gobolka somalida ee Itoobiya xiligana ka waran wararkaa halk aasi ka dhaca.

Anigoo Fursadan ka Faaiideysanaya waxaan idiin sheegaya Adeegyada
Warar Sugan, Barnaamijyo  ta yo leh iyo Adeegyada Xayeysiiska oo aanu balan qaadeynaa inaanu idiin fulin doono adeeg qiimihiisu ka jaban yahay guud ahaan TVyada oo dhan kuna raali galinaya oo macquul ah oo aad ku qanci doonto.



Waxaan Markale idiinka mahadnaqayaa Soo dhaweynta aad u muujiseen Horn Cable TV Waxaan rajaynayaa inaad halkaasi kasii wadaan.



Allaa Mahad Leh



Gudoomiyaha Horn Cable TV

Farxaan Xaaji Cali Axmed
 

 



Abdikarim Said Salah.
Journalist For Horn Cable TV,
Sahil Region Area Based
Geeska Afrika Journal,
in sahil region
Berbera Press Editor
website: www.berberapress.com
Regional Journalist

Mobile: +25224441209
Email: clkarim_3@hotmail.com
suldaan14@yahoo.com