“Cali Khaliif Galaydh Iyo Madaxwayne Siilaanyo Kala Dhexgali Maayo Oo Waa Laba Nin Oo Saaxiib Ah Oo Iskaga Kay Dhaw, Shirkii Taleex Intaanu Dhicin Way Wada Hadleen” Faysal Cali Waraabe

 

 



Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Xuseen ayaa baaq u diray shacbiga deegaanada gobolka Sool iyo Buuhoodle oo ugu baaqay


Hargeysa (TNN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maamul goboleedka Puntland ku eedeeyey inay iyagu daaha dabadiisa ka soo hurinayaan dagaalada ka dhacay Magaaladda Buuhoodle, kaas oo tilmaamay in Cadaawada ay siyaasiyiinta maamulkaasi u hayaan dadka reer Somaliland ay u yagleeleen 1998-kii Maamulka Majeerteeniya ee xaruntiisu tahay Garoowe.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu xalay Wargeyska Haatuf khadka tilifoonka ku siiyey isaga oo Hargeysa ku sugan, ayaa waxa kale oo uu sheegay in ka hor shirkii Taleex ee maamulka ma dhalayska ah lagaga dhawaaqay inay Telefoonka ku wada xidhiidheen Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo hogaamiyaha shirkaasi Cali Khaliif Galaydh, kaas oo tilmaamay inay arimo badan ka wada hadleen.

Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Xuseen ayaa baaq u diray shacbiga deegaanada gobolka Sool iyo Buuhoodle oo ugu baaqay inaanay wax dan ahi ugu jirin gacan haadinta dawladda Sheekh Shariif ee taagta daran.

Ugu horayna isaga oo ka hadlaya dabka ay maamulka Puntland ka hurinayaan deegaanada bari ee Somaliland waxa uu yidhi “Ilaa iyo maalintii lagu dhawaaqay maamulka Garoowe ee 1998-kii, waxa uu badh ka sheeganayey khariirada Somaliland waxaanay ahayd arin inagu lidi ah, laakiin inaga nabad jeclaanteena ayuun bay ahayd iyo dawladihii Somaliland soo maray iyo tan hada oo ka sii daran oo aan mihiimad wayn siinin. Waxaanu maamulka fidmada badan ee Garoowe ee dadka deegaanka Sool iyo Buuhoodle kula dhexjira Qabyaalad iyo wax aan soconayn oo Soomaali isku timaada ah, taas oo hore Soomaali ugu suurta gali wayday”.

“Waxaan u malaynayaa in inaga iyo Maamulka Garoowe aynu is huranahay waayo in badan ayeynu ka meer meernay oo way garanwaayeen, hadii aynu bari hore talaabo ka qaadi lahayna waynu kala meermeeri lahayn. Waayo inta uu maamulkaasi jiro si aynu nabad u helnaa way adkaanaysaa waa in talaabo laga qaado, maamulka Garoowe-na waa maamul cadaawada Somaliland loo sameeyey”.

Faysal Cali Waraabe isaga oo hadalkiis sii wata ayaa waxa uu talo ka dhiibtay sida loo wajihi lahaa shacbiga deegaanka Buuhoodle, waxaanu yidhi “Beesha Dhulbahante waa beel reer Somaliland ah iyaga waa in wax walba nabad lagu waydiiyaa oo nabad lagula hadlaa xili kasta, laakiin waxaan nasiib daro u arkaa in magaaladii Buuhoodle ay noqoto Badhama oo ay isku dileen Ethiopia iyo Erateria inay noqoto, waxaan ugu baaqayaa beesha Dhulbahante oo aan waliba ka codsanayaa inay qaataan gogoshii nabada ee Madaxwayne Siilaanyo hore ugu fidiyey, isla markaana waxaan leeyahay yaan la idinkaga ciyaarin nabada aad haysataan”.

Eng Faysal mar uu ka hadlayey xidhiidhka ka dhaxeeya Madaxwayne Siilaanyo iyo hogaamiyaha Shirkii Taleex Cali Khaliif Galaydh, waxa uu yidhi “Cali Khaliif Galaydh waa nin doonaya Magac uu siyaasada ku galo oo uu ku maxaafsado, laakiin maan jeclayn inuu hogaamiye maleeshiyaad noqdo. Cali Khaliif Galaydh iyo Madaxwayne Siilaanyo kala dhexgali maayo waa laba nin oo saaxiib ah oo iskaga kay dhaw, shirkani markuu dhacayeyna way wada hadleen. Markaa inay Madaxwayne Siilaanyo iyo Cali Khaliif kala noqdaan laba hogaamiye kooxeed ayey malaha doonayaan, taasina waa looga qurux badan yahay ayaan leehay inay dadka walaalaha ah isku diraana ma qurux badna”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata oo baaq u diraya Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa uu yidhi “Ciidamada Qaranka Somaliland ee geesiyada ah waxaan leeyahay iska jira gaadmada maamulka Garoowe, isla markaana ilaaliya nabada iyo amniga shacbigiina lagu dhex dhuumanayo ee reer Buuhoodle, kuwaas oo saar qabiil lagu soo dhextuuray, waxaanan si wayn u rajaynayaa in sida ugu dhakhsaha badan ay xumadan yari u dagi doonto. Waxaanan leeyahay Magaalada Buuhoodle yaan lagu duulin ee wada hadalo ha la bilaabo, halka ay balaayadu ka imanaysaa waa Garoowe ee waa inaynu gaadhnaa xuduudeena Garoowe oo aynu xooga saarnaa nimankaas, waana inaynu tusnaa in dhulkan ay ku hadaaqayaan uu yahay dhul reer Somaliland leeyihiin. Dhulbahante-na waxaan leeyahay waar waa inagu wada foolxumo inaynu maanta isku dilno Xamar-baan tagayaa, labadeenaba Xamar waa la inagu soo dilay oo badhna xiligii Kacaanka ayaa Xamar lagu dilay oo waatii Xeebta Jaziira lagu xasuuqayey, idinkana waatii markii Afwayne dhacay la idin yidhi ninkii Habar Yoonis gadaal ayuu ka Dhulbaahntoobaye toogta, markaa meesha khayr meel uu yaalo maahee ka fiirsada ayaan leeyahay beesha aanu walaalaha nahay”.

 

source:Wargeyska Haatuf