Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Aanay Doorashada Soo Socota Geli Doonin Hadii Aan La Badalin Komishanka Doorashooyinka

 

Hargeisa (Longlivesomaliland News)- Guddoomiyaha xisbiga cadaalada iyo  dary ee lka UCID mudane, Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta ku dhawaaqay in xisbigoodu aanu ka qayb  galay nin tartanka doorashada Madaxtinimo ee dhawaan dalka ka qa bsoomi doonta, mar hadii-buu yidhi, aan la soo saaraynin tirada rasmiga ah ee ka qayb galaysa tartanka doorashada.



Waxa uu guddoomiyiyuhu si ba’an u weeraray go’aankii komishanka  doorashooyi nku ay soo saareen isaga oo masuuliyiinta komishanka ku tilmaamay kuwo qayrul masuul ah oo aan ka soo bixin wixii ummadu ay u igmatay.



Faysal cali waraabe, guddoomiyaha xisbiga ucid, waxa uu ku adkaystay in uu la  q abo mawqifka xisbiga kulmiye uu ka taagan yahay go’aanka ay ku dhawaaqeen  k omishanka doorashooyinku maalintii shallay.

Mudane faysal cali wareebe, waxa uu sidaa sheegay mar uu maanta ka soo dagay gegida  diya araduhu ay ka haadaan ee cigaal international airport, ka dib markii uu soo dhamaystay  socda al qaatay muddo bil iyo badh ah oo uu ugu maqnaa qaar ka mid ah wadamada yurub iyo  amer ika. Iyada oo ay taageerayaasha xisbigu ay  gud doomiyaha u soo galbiyeen xafiiskiisa oo ku yaala xaafada new Hargeisa ee caasimada Hargeisa.

Waxa guddoomiyaha si weyn halkaasi ugu soo dhaweeyey masuuliyiin sar sare oo ka tirsan  xis bigiisa iyo dadwayne aad u tiro badan.

Faysal cali wareebe, waxa uu sheegay in masuuliyiinta komishanka ilaa la bedelo aanay xisbi  ah aan doorashada galaynin, isaga oo ku eedeeyay in ay yihiin kuwo aan la tashan axsaabta  qara nka.

Waxa uu tilmaamay in xisbi ahaan aanay doorasho ku gali doonin lacag ay  leedah ay  xukuum ada iyo xisbiga udub.



Waxaan mar labaad ku adkaysanayaa inaan doorasho loo dareeri doonin, la isna dili doono, nin kii roonina reerka u hadhi doono, dulqaadkii iyo xishoodkii la inagu yaqaanayna doorkan ma jiri doono ayuu yidhi, faysal cali waraabe.

Geesta kale, Guddoomiyuhu Waxa uu sheegay in aanu ilaa imika garanaynin sababta ay xisbiga udub u leeyihiin waanu galaynaa doorasho aan diiwaan gelin lahayn iyada oo aynu muddo  san ad ah ku hawlanayn in la galo doorasho diiwaan gelin leh.


Ugu danbayntii, guddomiyuhu waxa uu xusay in hadii deeq bixiyayaasha iyo  hay’a daha  caala miga ahi ay iskaga yimaadaan arintan ay komishanku ku dhawaaqeen ay xisbi ahaan diyaar u yihiin in doorashadu ay qabsoonto waqtigii loogu talo  gal ay ee ahayd 27-ka September  daba yaaqada sannadkan aynu ku jirno.





Mustafe Future

Longlivesomaliland News Desk
Mccfuture@longlivesomaliland.com
Hargeisa Office