February 20,2012, oo ku beegan sannad gurada  maalintii  dh agax tuurka,waxay mudan tahay in loo aqoonsado maalin Qaran

 

 




Waxaan marka hore salaanta islaamka u dirayaa dhammaan shacabka Somaliland , meel walbba oo ay joogaana ba, Asalaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatu.


Feb 20,2012, oo aan xusaynno sannad guuradii  ka soo wareegtay maalintii ardayda  Dugisyada Sare ee magaalada Hargeysa, ay dhagaxa kala hor tageen askartii hubaysnayd ee dhagar qab ihii Siyaad Barre,waa maalin mudan in si weyn loo xuso,taariikhdeeda la qoro,loona aqoonsado m aalin Qaran.


Haddii waqtigu ii saamaxo, waxaan si kooban isku dul taagi doonaa maalintaasi halka aan ku sug naa, jawiga magaalada Hargeysa iyo mashaqadii goobtaa ka dhacday.


Waxaan ka mid ahaa ardaydii Dugsiyada Sare ee joogtay markii maxakamadda la keenay macalli miintii,dhakhaatiirtii,aqoonayahanadii, dhallinyaradii UFFO,ee xaq darrada lagu xidh xidhay,iyado o sabab looga dhigay , maxaad uga damqateen dhibta iyo caddaalad darrada lagu hayey shacabk a.Tusaale ahaan , waxaan u soo qaadan karnaa Cusbitaalka magaalada Hargeysa iyo xaaladda m urugada leh ee uu ku sugnaa 1982 , oo ahayd arrin aad looga  damqado,laga gil gisho,laga murug oodo, waxaanay ka mid ahayd sababaha keenay in dhalinyaradii UFFO , ay u guntadeen sidii ay w ax uga qaban lahaayeen baahida muuqata ee aan indhaha laga  qarsan karin,ee bulshadii laga cu na qabateeyey inay helaan adeegii aasaasiga ahaa ee noloshu u baahnayd… Dawo aad u doonat o dhaafee,nadaafad darrada, tayo xumada &  dayactir la’aanta ka muuqatay ,ayaanay nafiba ku u geyseen, haddii aad waqtigaa Hargeysa  joogi lahayd.


February 20,1982, maaha mid qoraal kaliya lagu soo koobi karo, waxaanay ahayd maalin hugunk a iyo rasaasta dhawaaqeedu magaalada Hargeysa wada gaadhay,dhimashada iyo dhaawucu na tirada ka batay , talana faraha ka haadey .Jaha wareerkaa maalintaa ku dhacay Ciidankii Siyaad Barre, waxay  miciinna u arkeen in Bandoo (Curfew), lagu soo rogo magaalada Hargeysa ,oon gur yaha laga soo bixi karin.....Somalidaa waxay ku maah maahdaa,” Nimaan warankaagu gelin , weed haadu ma gasho,” waana maalintii keligii taliyihii Afweyne Barre ,Basaasiintiisii iyo Qabbaanadiisii ba, ay yiqiin sadeen in aan amar ku taaglayntoodii, hadda ka dib aanay socon doonin,shacabkuna u  dul qaadan doonin Xunkii Xunku dhalay, dhagaxii xaq u dirirkuna , ka dhumuc roonaaday rasaa stoodii !!!


Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkii ,qaraabadii iyo shacabka Somaliland,ee ardaydii ku sh ahiiday  maalintaasi,waxaanan ilahaay uga baryayaa inuu naxariistii janoo Fardwasa ka waraabi yo.Waxaan kale oo aan tacsi gaar ah u dirayaa, ehelkii uu ka geeriyooday, Ilaahay naxariistii jan no fardawsa ha ka waraabiyee , marxuum Barre Xaaji Cilmi Axmed ( Badho),oo aanu aad isu naqa anay ,kana mid ahaa ardaydii dhagax tuurka ,ee u geeriyooday dhaawacii rasaastii askartii dhiig yo cabku sida arxan darrada ah ay ugu furayeen ardayda iyo shacabakaba.



Anigoo fursaddan ka faaiideysanaya, waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan dhalinyarada Som aliland,waxaanan leeyahay mustaqbalka dalkeenu gacantiinna ayuu ku jiraa, u guntada ,u shaqe eya , difaaca , ilaaliya , kuna dadaala inaad  adkaysaan Nabad gelyada,jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland ee lama taabtaanka ah , naf iyo maalnna aynu ku bixinnay.



February 20 ,2012, oo ku began sannad guuradii  dhagax tuurka ee ardaydii Dugsiyada Sare  ee magaalada Hargeysa , ay dhagaxa kala hor tageen askartii dhiigyo cabkii Siyaad Barre, waa maa lin mudan in si weyn loo xuso ,taariikhdeeda la qoro, loona aqoonsado maalin Qaran.




 

 


 

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
February 20 , 2012