Maanta oo bishu tahay February 20, oo ku beegan maalintii  dhagax tuurka ardaydii iskuulada  Hargeysa ,waa maalin mudan in  loo aqoonsado maalin qaran

 

Waxaan marka hore salaanta islaamka ku salaamayaa dhammaan shacbiga Somaliland meel  wal bba oo ay joogaanaba, Asalaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatu.

Maanta oo aan xusaynno sannad guuradii 28 aad ee ka soo wareegtay maalintii ardayda iskuul ada magaalada Hargeysa,  ay dhagaxa kala hor tageen askartii hubaysnayd ee dhagar qabihii Siyaad Barre,waa maalin mudan in si weyn loo xuso , taariikhdeeda la xafido , loona aqoonsado maalin Qaran.

Haddii waqtigu ii saamaxo, waxaan jecelahay inaan si kooban uga faalood maalintaasi  halka aan ku sugnaa iyo   jawiga   magaalada Hargeysa sida uu ahaa.

Waxaan ka mid ahaa ardaydii dugsiyada sare ee goob jooga ahayd  markii maxakamadda la keen ay  macallimiintayadii,dhakhaatiirtii,aqoonayahankii, dhagaxana aan  kala hor tagtay askartii hub eysnayd ee dhagar qabihii Siyaad Barre.

Maalintaasi waxay ahayd , maalin  ardaydii iskuuladu , ay ka dhii dhiyeen xaq darradii iyo dulmigii lagu hayey , loona geysanayey dhalinyaraddii UFFO , oo  loo  xidhay  maxaad uga damqateen ba ahidii  muuqatay  ee bulshadu u oomanayd , sida adeegyada  caafimaadka, nadaafadda  cusbita alada ,  iwm !

Maalintaasi , dad badan dhaawac iyo dhimashaba way ka soo gaadhay, waxaanay ahayd maalin tii uu dhiigyo cabkii Siyaad Barre iyo daalimiintii uu adeeg sanayayba,  ay ogaadeen in aan dulmi dan be loo dul qaadan doonin, shacbiguna ay diyaar u yihiin inay naftooda u huraan ,una dhinta an xaqooda.

waxaan ilaahay uga baryayaa intii ku dhimatay inuu Raxamaanku janno fardwasa ka  waraabiyo,  inta maanta noolna waxaan leeyahay Hambalyo.Waxaa mar walbba waajib ah ,in xaqa  loo hiiliyo,  dulmigana  wajiguu doono ha lahaadee ,  laga hor tago.

Waxaan anigoo fursaddan ka faaiideysanaya, aan hambalyo u dirayaa   dhammaan dhalinyarada Somaliland,waxaanan  leeyahay mustaqbalka dalkeenu gacantiinna ayuu ku jiraa, kuna dadaala, una guntada  ,  sidii aad u ilaashan  laheydeyn, horumarna u gaadhsiin lahaydeen dalkeenna ho oyo,Somaliland.

Maanta oo bishu tahay February 20 , 2010 ,  oo ku  beegan maalintii dhagax tuurkii ardayada is kuulada ee magaalada Hargeysa , waa maalin mudan in si weyn loo xuso ,taariikhdeeda la xafido,  loona aqoonsado maalin Qaran.

 

 


Eng:Mohamed Ali Muse (
Farshaxan)
Civil Engineer
Senior Computer Network Specialist

Editor in Chief & Webmaster
Timacade News Network TNN
www.TimacadeNews.com