GOGOL AAN GARANAYN GO’OOW HAYGU KALA BIXIN

 

 

Marka hore waxaan salaamayaa Shicibka Reer Somaliland.

Marka xiga waxaan halkan ku iftiiminayaa arrimo aan is leeyahay waxay ka qaldan tahay Gog osha Nabadda ee Xukuumadu sida guracan ugu fidisay Wallaalaheena Bariga.

Waxaynu ognahay in Ciddii ugu horaysay ee arrinkan sixitaankiisa ku dhiiratay ay ahayd Uru rka XAQSOOR iyo Guddoomiyahiisa

Oo cod dheer ku yidhi” Gogosha waxa ka horaysa in Biyaha iyo Baadka looga kaco Dadkeena Bariga iyo Duunyadooda” inkastoo marka had iyo jeer Qof arrin ku guulaysto cid waliba shee gato inuu uurka ka lahaa amba Xafiiskiisa ka lahaa ammurtan.

Waxa iyana bogaadin iyo hambalyo mudan Xukuumadeena oo baaqaa sidiisii amba si waafi a h u hir gelisay soona noolaysay rajadii Nabadda.

Maantana waxaan cod dheer ku odhan lahaa Gogosha Xukuumaddu fidisay yay u ekaan “Nin ku yidhi sinaan mayno adna buri sarayntiisa” oo ah waxaynu nidhi Ehelkeena Bariga Dhulka waynui wada leenahay manfac iyo manaafacaadkiisaba amba dhib iyo dheeftiisaba, waana run marka sidaas loo hir galiyo

Balse eeg tiirarkii iyo rukumadii Xukuumada siday shaxdeedu tahay:-

Madaxeynehii waxa leh Beesha dhexe,
Gudoomiyihii Guurtida waxa leh Beesha dhexe,
Gudoomiyihii Baarlamaanka waxa leh Beesha dhexe,
Gudoomiyihii Maxkamada Sare waxa leh Beesha dhexe,
Wasiirkii Arr. Gudah waxa leh Beesha dhexe,
Wasiirkii Arr. Debedda waxa leh Beesha dhexe,
Wasiirkii Maaliyadda waxa leh Beesha dhexe
Jananka Ciidan Qaranka waxa leh Beesha dhexe,
Jananka Booliska Qaranka waxa leh Beesha dhexe.

Waxa soo raaca Wasiirka Gaashaandhiga oo aan xogogaal u ahay inuu yaha Magac oo waxa Ciidanka ku dhaca laga yaabo anigoo Dalka debadda kaga maqan in aanu mar wada ogaano, ogahayna cidda uu xukumaa intay tiro yihiin.

Sidaa markay arrintu tahay Wallaalkay/Wallaashay akhriste maxaa lawada leeyahay?

Gogosha la fidhiyay ee intani ku fafhido halkee loo baneeyay Wallaalaheena Bariga ee ay kaga fadhiistaan Saliga ?

Arrintani ma ku xusuusinaysaa Gabaygii Abwaan Timacadde ee ahaa”.....Dekadii Xamarbaa leh Berbera Daadku ha qaado”?

Ma qurux badantahay wixii shalay aynu diidnay (Caddaalad darro)inaan Ehelka loola tagin oo ayna arrinteenu noqon “Taqra Aayah wa tansaa Aayah”? Ehelkeenuse (Barigu) soo xaq uma laha inuu yidhaa “Reer Soomaliland Dhako kale keena amba Jiib noom thaani”.

Waxaynu Tvga ka daawanay Wafigii Suleemaan Xaglatoosiye iyo Kii Xukuumadda ee wada socday markay Dadka Wallaalheena la hadlayeen cidda ay ka koobnaayeen qaybta Xukuumaddu oo aan Qosol gariiray.

Bal hada eeg:-

Wasiirkii Madaxtooyada
Wasiirkii Arr. Gudaha
Wasiirkii Maaliyadda
Iyo Daljirka Dahsoon amba Axyaa Xasabo.

Dhamaan waa wada Beesha dhehe oo Wallaalaheen ku leh “Inakoo Reer Soomaliland ah”,ta as oo ahayd inay Mansabyadan qaarkood lahaadaan Ehelkeena Barigu.

Waxaan ku soo koobayaa hadalkan kuna boorinlahaa Xukuumadeen si mug leh inay go’aan waxa ku ool ah oo geesinimo ku dheehantahay u qaado oo si dhakhso ah Dhadhaarada kor ku xusan qaybtooda ugu banayso Ehelkeena Bariga si ay iyagu Gogosha Nabada dhankooda ugu qabtaan kuna hadli karaan Magaca Jamhuuriyadda Soomaaliland.

Waliba waxaan soo jeedin lahaa si dherigu si fiican inoogu karo in seddexda dhadhaar ee ugu mihiimsan Somaaliland sida Guurtida, Baarlamaaanka iyo Fulinta mid ka mid ah Hogaankeeda oo waliba Golaha Guurtida lagu soo dhaweeyo Ehelkeena Bari maadaama ay isku jifo yihiin Madaxweynaha QARANKA.

Taasi haday dhici waydo waxa ina hor yaal”Shil ku dhimo Nin raggi waa gayaa sharfna noolo ow”
 


Wa Bilaahi Tawfiiq,,,,

 

 



Ahmed Mohomed Saeed

Riyadh, KSA
Email. Ahmed_M_Saeed1@yahoo.com