Gabay: Dhidib Weeyi Taariikhdu!?

 


Gabaygan waxa tiriyay Abwaan C/raxmaan Cawlo oo ah aqoonyahan degan dalka Ingiriiska, waxna ka qoray taariikhadii Ururkii SNM. Gabaygan uu abwaanka Cabdiraxmaan Tiriyay oo La magac baxay Dhanbaal, ayaa Abwaanku ku macneeyay mid ka Turjuumaya xaaladda ka taagan Dalkii Hooyo.


 

Dhidib weeyi taariikhdu iyo waayo soo dhaca e',
Dhalaankiyo caruurtay u tahay dhaxal u meel yaal e',
Dhafoor qiiqlayaal iyo cabdow dhuuncas iyo gaade,
Iyo baado dhalandhoola oo dhagar u soo xaytay,
Dhidar iyo waraabiyo abees diir wax dhilanaysa,
Iyo qaar dhac loo soo diroo shayna dhaafaynin,
Waatii dhufays yaday qoteeen loogu soo dhacye.
 

*********


Markuu soodhku dhaashaday markuu dhiigu shalaxbeelay,
Markuu qumuca dhiilada sidaa laba dhaclaynaayay,
Sida dhool gu’ oo da’ay markuu dhibicu heehaabay,
Dhab markii dagaal loo galiyo dhiidhi dirirreedka,
Dhudi yaa lahaayeey markii lagu dhawaaqaayey,
Dharaartaa ninkii maali jiray dhici xaqiisiiye.

*********

Ragii dhagaxa tuuree cabdow dhiilada afuufay,
Dhacdii ragii loo xidhee jeelka lagu dhaabay,
Ragii dhiigu maalmiyo sanado qooyay dhinacooga,
Waxay dhumuc lahaayeen ragii dogor madoobaaday,
Nimankii dharaariyo habeen dhididku qoynaayay,
Ragay dharabtu hoyga u ahayd dhadada jiilaalku,
Waxay dheeh lahaayeen ragii dhabanku haaraystay.

*********

Dhaxantiyo qabawgiyo ragii dhamacda soo jiidhay,
Cashaday dhanaanayd ragii dhacarta saydhaayay,
Nimankii dhabiiltamay markii dhalasho loo sheegtay,
Kaaraha dhirbaaxada ragii dhawda kaga saaray,
Hubka dhuunta ka onkoda ragii hooga dhaxal siiyay,
Sida aarka dhogorta leh ragii micida dhiigaystay,
Nimankii mashaqaday dhigeen galawgu dheemaalay.

*********

Dhexda weelashii kuu xidhee dhidibka kuu taagay,
Ragii dhaqan gobeed iyo lahaa sharafta duuxeega,
Iyagoon dhadhamin wiilashii adiga kuu dhiibay,
Ragbaa dhaawacii wali bukaa dhiigu da’ayaaye,
Dhay iyo karuur waxay lahayd dheef kamay arage,
Daba dhoonadii baan afurin dharabku saarnaaye,
Way sibiq dhaqaaqeen ragii dhaabadaw xidhaye.

*********

Durya dheer dhabada qaaxo iyo dhinaca Buuhoodle,
Dhoobada togdheer iyo burciyo dhumuca Oodweyne,
Dhubatiyo Hargeysiyo Barbara dheenta lgu faano.


*********

Dhiitacab Gabaylay ka baxay dhabi madaw weynleh,
Weeraarta dhamal iyo hulkiyo shiisha dhacaraarta,
Dhigta waraqa ceelkii bardiyo gacan dhamaadkiisa,
Dhaca xeebta hoosiyo halkay dhaayin miranaysay,
Dhoor ololka goortay sidii fiin u dhololaysay,
Ee laysku soo wada dhacee dhimasho loo xaytay.

*********

Ina Xaashi dhamac waa ogaa jilib dhigeediiye,
Maygaagna dhangaduu u siday dheeho qurux leeye,
Waa kii Hadraawina dhidhigay waayihii dhacaye,
Dheeg iyo Rashiid baan ka hadhin guri dhiskeediiye,
Anna dhobi raacaan ahaa dhinac ka taagnaaye,
Kama dhixin habeen qudha ilaa maqasha loo dhigaye,
Waataan dhanbaalada u diray Urub dhamaandeed.
 

*********

Ayadoo candha dhiibisoo dhays la socon weyday,
Dhacan niman u soo jarin ayaa dhiil la hoos galaye,
Wuxu soo dhabeeya markuu uriyo dheemaale,
Dhadhamadu halkay taalo wey dhugan yaqaaniine,
Dhuuni raacu wuu badan yihiyo dhooba nuug yaduye,
Aragtidu ma dhaafsana waxay dhuunta mariyaane.


*********

Durba wey dhadheen naasihii dhiibsanaan jiray,
Dhumucday lahayd waxa latagay dhuubanaw gorofe,
Dhuug iyo qaniin baa heloo dhiigi ka idlaaye,
Dhugatiyo xanuun baa jidh dilay Kooshinow dhudiye,
Waxa ay la dhimiraysantahy waa dhibiijada e',
Dhag dheeriyo waxay weheshataa waliba dheefaare.

*********

Umadyahay wixii loo dhintay maad dhamays tirine,
Dhaliishuna xagaagay ka timi looga soo dhacaye,
Waxad baal ka dhaafteen halkii dhaanka loo raraye,
Dhabadaad maraysaa ma ah tii dhabta ahayde,
Maad dhaadin wali xaajadaad laba dar dhaafteene,
Maankaagu muu dhugan xagii loo dhanbala rogaye,
Xilkaad dhabarka saarteen marnaba guul kamaad dhalin e',
Wuxuu qaranku dhawraayey baad dhinac u tuurteene.

*********

Dhalandhoolka geediga socdee dhinacna loo diiday,
Salka meel umaad dhigin hurdada lagu dhakoolaye,
Dhismo iyo wuxuu kaa mudnaa dhidib an liicayne,
Intuu dhabar adaygaa ku jiray way gun dheertahaye.

*********

Inta dheraran inta dhuumatiyo dhiilo fidiyaasha,
Inta dhagar usoo faydatee dhacanta hoos jiifta,
Kuwii eesha gudahaaga dhigay maalintaad dhalatay,
Inta soo dhabacanaysa een cidina dhaadaynin,
Inta laba dhuslaynayse ee dhuuntu ololayso,
Iyo dhuxun-kureebkaa ka badan dhiraha waaweyne,
Boqol baa dhufays kugu jira dhuuxa kaa necebe.

*********

Intaan nabada dhawraayay bay soo dhex carareene,
Dhinbiil iyo balay kugu shideen dhuxulo shaydaan,
Dhamac hoos ka nool iyo dabbay kugu dhextuureene,
Dhaaxaan is idh yay ku dhicin boholo dhaadeere,
Dhagahaa u diidaan runtiyo tii dhabta ahayde,
Hadduu dhaqanku sharafweyn lahaa waa dhan qalateene.

*********

Dhud aroorka himiladu hadday kuu dhug bixi weydo,
haddii aad dhafoorkiyo gacmaha dhabanka saar saarto,
Ama laba dhan daymoodta ood dhinacyo eeg eegto,
Waxad dhaaftay waxa dhiman hadaad dheehan garanweydo,
Dhabbaad uga shalaysaa markay dhabaqdo xaajaduye.

*********

Hadduu hoobal dhaantada tumaa dhab ugu luuqeeyo,
Ayadoo dhaclaha xidhan markay dhudi ka boodayso,
Eey dheeman kuu soo martee dhinaca aad saarto,
Hadduu wiil dhalaan ihi dhexgalo dhumucda xoogweynta,
uu kala dhantaaloo codkuna laba dhawaaq leeyo,
markay dhabaqdo jiibtiyo cagtiyo dheesha iyo heestu,
Waa kala dhaqaaqdaan hadaan sacabku dhiibsamine.

*********

Haddii uu dhibaalaha aduun dhaawac kugu reebo,
Oo uu hamigu kaa dhintoo dhaqash kaa guurto,
Oo aad hurdada dhinac la dhigo gama’ ka dheeraato,
Ood caday ka dhuubnaata ood ciil la dhandhoosho,
Dhayalsiga markaad eersatiyo dhago adaygaaga,
Dharaaruhu waxay kugu noqdaan dhamac ku guud taale.

*********

Hadday dhacanto waa kala hadhaan guusha dhigateene,
Waa dhaawac kugu yaal markay talo ku dhaaftaaye,
Dheeldheeli geedaan arkaa dhidib la’aaneed e',
Mar hadday dhiguhu kaa xunyiin waaa dhib mudataaye,
Way kala dhantaalayd ilaa dhalsho deediiye'
Inta dhiman inata u dhiman intaad dhaaftay baa badane,
Kol haddaad dhaqaaq joogsatood dhaadi kariweyday,
Hayaan keedu dheeraa haddaan dhaymo loo heline.

*********

Marna uma dhagtaagtaan habkii loo dhisi lahaaye,
Kii aawadaa dhiman lahaa uma dhawaataane,
Inkastuu il dheeryahay shirkaa lagala dhuuntaaye,
Adaan kaa dursugayaa ilaa iilka lay dhiga e',
Dhaayaha haddmaad furi aduun waa habeen dhacaye.

 

 

 

 

 

Abirahman  Cawlo