Gabay: Gadood iyo Guul
 

Gabayga soo socda waxaa lagu magacaabaa: Gadood iyo Guul waxaanu ka koobanyahay 102 beyd oo min afarey. Waxaa gabayga sannadkii 1991 curiyay Ibrahim Hassan Gagale oo u dhashay Somaliland.

Gabaygu waxa uu ka hadlayaa af-gembigii uu Siyaad Barre dalka ku qabsaday 1969, ballan-furkii, qabyaaladii iyo dulmigii uu ku kacay, dembiyadii cuslaa ee naf iyo maalba lahaa ee uu Taliskii Siyaad ka galay dadka Isaaqa xilligii dagaalada sokeeye ee sannadhii u dhaxeeyay 1982-1990 iyo Halgankii Hubaysnaa ee Ururkii SNM iyo Shacabka Somaliland ku riday Taliskaas 1991.

Gabaygu waa taariikh murugo leh oo soo martay dalka Somaliland xusuusna u ah dadka jooga iyo jiilasha soo socdaba si aanay marnaba u aqbalin kelitalisnimo dambe oo la mid ah tii Siyaad Barre. Gunaanadka gabaygu waa duudsigii Somalia ku samaysay Somaliland iyo kala noqoshadii labada dal ee 1991 waxaanu uga digayaa ummadda Somaliland inay Somalia u loogto dawladnimadeeda mar kale.

Gabayga: Gadood iyo Guul

 

Dadkoo nabada geyigoo badqaba, loona kala goosho
Naxariista Eebboo godlano, doogga lagu guuro
Gasiinkoo raqiisiyo dharkaad, gadan midkaad dooni
Oo doorashada guud jirtoo, gole la soo doorto


**********

Janan gudaya oo goob kastaba, goosan ku horgooyay
Gar-maqaate waa tuu qabsaday, goor habeen badhahe
Barlamaanki waatu gembiyay, oo dastuur gabaye
Guddiyada watu nagu xukumay, goostay taladiiye

**********
Watu yidhi god dheeriyo qarbaan, idinka soo gaadhay
Dadweynuhu u guuxee waxbadan, ubax guddoonsiiyay
Shacabku godlanayee darxumo, muu gilgilanayne
Kelitaliye gooduu ahaa, raadka gadanaayay

*********

Siyaad wacadki geesbuu ka maray, oo qabiil guraye
Aqoon iyo intii garad lahayd, gees ayuu daraye
Suldaaniyo garaadiyo ergada, waanshay garanwaaye
Gujee talada guurtida garnaqa, garawna siin waaye

**********
Gar-maqaate waa lagu yaqaan, talo gar-diidkaase
Garboweynta duulbaa ka riday, uu tol guud bidaye
Bixisadu ninkay goobaysaa, daawo garanwaaye
Gacan-saydhka taladu ku dilay, gebi bal aan sheego

*********
Garawsaa la yidhi dawladnimo, waw gudboonahaye
Gobollada u daabaa la yidhi, maamulka u gaara
Beelaha gudboonbaa la yidhi, garab hasiin taada
Haw gefin awoodaa la yidhi, godobna yey keenin

*********

Guubaabo daabaa la yidhi, faanka iyo giirka
Gowraca ka daabaa la yidhi Geesi kula dooda
Culimada ha goynbaa la yidhi, Diinta garabkeeda
How adeegsan gaasbaa la yidhi, beeshad garanweydo

*********

Geeljiraha ka daabaa la yidhi, derajo guudkiisa
Nimaan geyin ka daabaa la yidhi jago gef loo siiyo
Gunno maal hasiinbaa la yidhi, gelin nimaan xoogsan
Geyigaba ka daabaa la yidhi, guri colaadeedka

*********
Dawladnimadu hanti weeye guud, gole wadaageede
Waa loo gudboonyahay dhibtiyo, gacanta dheefeede
Gacal looma siiyo qabiil, way ku gubataaye
Danta guud hadduu maamul gabo, waa gadood shacabe

*********

Aayihii markuu madaw galee, xaalku halis gaadhay
Taladiina midho ay gabtee, oo dulmigu giirtay
Garbay noqotay in markaas halgan, guuda lagu qaado
Oo SNM gaashaandhigiyo, gole la asaaso

*********
Qori caaradiis wuu gayee, gulufka uu eedo
Guuraha habeenkii la gudo foore iyo geydhe
Gudguduudka waaberi la galo, cadaw gariiraaya
Gaadmada uu geesigu ku liqo, gaasas iyo guuto

**********

Dulmigi ku gaammuray Isaaq, ciilki lagu gaaxshay
Gebogebo dhulki laga geshiyo, maato lagu goobtay
Gadoodku ka dhigay tacadigii, cadawgi uu gooyay
Guulaha u soo hoo xidhiidh, Eebbe garabsiiye

*********

Geeshkii markii uu jabee, qaybo laga gooyay
Oo Taliski gondihii dhigee, gawrac lala maagay
Sanku neefle wixii Geeska yiil, soo gur nacabkiiye
Galaayuus qaxootigi hubee, uuman kala gaara

*********

Guullow magaaliyo miyiba, dhiillo wada gaadhay
Gudahaa Hargeysiyo Burciyo, Gebiley guudkeeda
Galladweyn Berbera waa naftee, gacaladii Shiikha
Ceerigaabo dhinacaa Gar`adag, Daalo garabkeeda

*********
Balli Gubadle iyo Baalidhaye, guriga Oodweyne
Sallaxley gudaha Caynabiyo, goobta Ballidhiiga
Qorulugudka Barigaa gudbane, Guri Wartii Shiikha
Lug-hayada galbeedkaas jirtiyo, Go`o duleekeeda

*********

Geyigaas hubkii lagu galee, guuxu damiwaayay
Ama raxan gantaalaha riddaa, guudka kaga tuurtay
Daaraha gawaan lala simee, ee madfacu goostay
dadweynaha gumaadki ku dhacay, geeridi badatay

*********

Gawrac wadara inta goor gudcura, ruuxa laga gooyay
Godad weyn dadkii lagu guree, guudka laga duugay
Kontankii Gasiiriyo la dhigay, Koonfur gudaheeda
Hablihii gayaankooda sugi, guun hawada maagay

*********
Guunyo maal wixii layska dhacay, dahab guduudleyda
Xoolaha garnayl lala dhiciyo, gumuca baaruudda
Gurgurshaaga miinadu la kici, geeddi-gibilweynta
Berkadaha gingimane garaac, hoobiyuhu goostay

********

Maatadii geyiga barakacdee, gaajo la hulleeshay
Ee derisku guuraha gasiin, nabad geshee siiyay
Giddigood waxmay galabsaniyo, godob la eedaaye
Abtirsiimo baa lagu galoo, loo gudddoonsadaye

**********

Taangiyada gurguurtiyo ma dumay, gaasas daba jooga
Madaafiicda goobtana duqayn, cadaw ma sii gaabshay
Guutoweyn gantaalaha riddaa, siigo gamid tuurtay
Geerida dhul waa loo huraa, galaw miyuu qayshay

*********

Miig wixii gorfaha laga dhigee, saamku kala gooyay
Wixii taangi suuqyada la gubay, ama hub gaashaaman
Gaadhiyada wixii laga gediyay, ee gurmad u roori
Meydkoodu wuxuu geylanaa , goob kasta Waqooyi

*********

Nabsigay galeenbaa gondaha, gaadhayo dilaye
Ka hulleeshay hambadi geyiga, oo habeen guda`e
Gabbalki u dumay In Siyaad, guure Xamar jiidhye
Afrikada Galbeed magan-galyo, geeri ku haleeshay

*********

Afrikada gumaadbaa ku dhacay, maato garab beeshay
Gobonimo shucuubtii dhashee, Yurub ka guuraysay
Giddigood hungay kala kulmeen, guuldarriyo ciile
Goblamooyin diirkood lehbaa, loogu daw galaye


*********

Lixdankii go`aan lagu degdegay, dawladnimo guurtay
Geedigu hayaan Koonfur degay, garabsi uu doonay
Soddon guuradii kala tagtoo, kala go`doo maagtay
Kala guurka iyagaa kasboo, gabay wanaagiiye

*********

Duudsigii Waqooyiga gilgilay, guushi laga boobay
Dawladnimadi subax laga gayaxay, geeski lagu riixay
Gumaadkii xigee ee arlada, dhiiggu galacleeyay
Bendaradi garbaha loo dhigee, ee madfacu goostay

*********

Dharaar bay midnimo gawraceen, gocosho reebeene
Gobonimo ha loogina markale, laab-la-kaca guursha

Dhammaad

 



 

Curiye: Ibrahim Hassan Gagale
Email: ibrahim_hg@yahoo.com




 


Fiiro Gaar Ah:Gabaygu waa 25 cutub oo min afarey ah iyo hal cutub oo
                     labaale ah.