Munaasibada Ciid al-odxada oo Si Balaadhan Looga Ciiday Magaalada Gabiley
 


Mr. Xabiib, waxa kale oo uu sheegay in bilaha soo socda ay Biyo Macaani soo gaadhi doonaan Gabiley, dhakhtarkiina....(Sawiro)

Gabiley (Timacade News)- Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Gabiley ee xarunta  Go bolka Gabiley ayaa Saaka Salaada Ciida ku tukaday Garoonka Kubada Cagta ee  Gab iley Stadium. Waxana kala qayb galay Tukashada Salaada Ciida Masuuliyiinta Gobolka oo uu Hogaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xaliib), Gu ddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Aaden Muxumed Bade, Ku Xigeenka C/rasaaq Sheekh Aaden Cali, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, Culi maa’udiin iyo Dadwayne kale oo aad u tiro badan.


Qaar ka mid ah Masuuliyiintii ka soo qayb galay Salaadaasi oo markii Salaada laga  b axay ka dib halkaasi ka hadlay ayaa Shucuubta Islaamka gaar ahaan Dadwaynaha Reer Somaliland ILaahay uga baryay in uu ka Aqbalo Gudashada Waajibaadka Xajka iyo kan Salaada Ciida waxaanay ugu duceeyeen in uu Sannadkan Kiisa ay ku  gaad haan Bash Bash iyo Barwaaqo.


Waxaa masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ka mid ahaa badhasaabka Gobolka Gabiley  M axamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) waxaanu aad ugu dheeraaday muhiimada uu  lee yahay Iskaashigu iyo sida loogu baahan yahay in la hor mariyo Jaamacada Cusub ee dhawaan laga dhisay Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.

“Maanta waa maalin wayn oo ciid ah sidaa ay culimada iyo maayarku sheegeen  ilaa hay waxaan ka baryaynaa inuu abaaraha inaga dulqaado. Somaliland waxay ka mid tahay meelaha ugu nabad galyada wanaagsan, Gabileyna kaw ayay ka tahay  mee laha ugu nabadgalyada wanaagsan dalka, sidaa awgeed nabad galyadu waa  daru uri” ayuu yidhi, Badhasaabka Gobolku.

Badhasaabka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xaliib) Waxa uu u mahadnaqay  Da dwaynaha reer gabiley sida ay uga qayb qaateen Hirgalintii Jaamacada iyo in  dhid bada loo taago.


Mr. Xabiib, waxa kale oo uu sheegay in bilaha soo socda ay Biyo Macaani soo gaadhi doonaan Gabiley, dhakhtarkiina dhamaan doono taasi oo uu Xusay in ay ku timid isku duubnaanta, waxaa uu sheegay inay maamul ahaan hiil iyo hooba la garab taagan yihiin jaamacada iyo dhamaan hirgalinta adeegyada bulshada.

Waxaanu Dadwaynaha Reer Somaliland ee ay Abaaruhu Dhibaatooyinka soo  gaadhs iiyeen uu ILaahay uga baryay in Abaaraha ka dul qaado, Sannadkan kiisa kalena uu ku gaadhsiiyo Bash Bash iyo Barwaaqo.

Maayarka Gabiley Aaden Muxumed Bade oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa Hambalyo iyo Salalan Ummada Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan Inta ku dhaqan Gobolka Gabiley.

Aaden Muxumed Bade, Maayarka Gabiley, waxaa uu aad uga hadlay muhiimada  nab adgalyadu ay u leedahay Bani,aadamka mar hadii ay tahay Aas Aaska Nololsha. wax aanu ku booriyay Dadwaynaha gobolku inay ilaaliyaan Nabad galyada cidii khalkhal galinaysana ay iska dhex qabtaan.


Mr. Bade, waxa kale oo uu sheegay in Abaaro ba’ani Gobolka ka jiraan, Deegaanada miyigana ay ka dhamaadeen xoolihii abaarta awgeed. Waxaanu Maayarku uu  ILaah ay uga baryay inuu ka dulqaado abaaraha.

Maayar Bade, waxa uu xusay inay jiraan dad badan oo dhibaataysan oo danyar ah oo ku dhaqan gobolka kuwaasi oo u baahan garab iyo in laga warhayo oo dadka  jaa rka ahi iscaawiyaan oo dadku isa saamaxaan oo isku qalbi furnaadaan.

Maayarka gabiley Waxa uu ka dhawaajiyay in Jaamacada Cusub ee laga Furay  Gab iley, ay Ku timid dadaal badan oo loo soo galay, loona baahan yahay in la garab galo. Dadwaynaha Gobolkuna ka qayb qaataan. waxaa uu xusay in Dugsiga sare ee  gabil ey uu ka mid ahaa Dugsiyadii ugu horeeyay Ardayda Somaliland ka baxdo isaga oo aan haysan jaamacad gobolku leeyahay oo uu ardaygu Galo.

Maayarku Waxa uu ku dhiiri galiyay dadwaynaha muslimiinta ahi inay is caawiyaan kana war hayaan kuwooda tabaalaysan.

waxaa isna munaasibada salaada ciida hadal kooban kasoo jeediyay Wakiilka diinta iyo awqaafta gobolka gabiley Sheikh Cabdiraxmaan oo ku dheeraaday sida ay  nab adgalyada Somaliland u tahay geed ka go,an, dadka ku hanjaba inay waxyeelayn doonaan nabadgalyada somalilandna aanay waxba yeeli doonin. Sheikhu waxaa kale oo uu uga digay ciidamada Al shabaab inaanay Somaliland kusoo dhici Karin oo ay joogaan mujaahidiintii dawladii xooga badnayd ee uu hogaaminayay Siyaad Barre ka xoreeyay waxaanu ilaahay uga baryay dadka shacabka ee ku dhimanaya koonfur in ilaahay ka qaboojiyo colaadaha soo noqnoqonaya.

Garoonka Gabiley ayaa maanta dad ciirayay iyadoo salaadan ciidu salaadihii hore ka dadbadnayd Salaadan ciida odxada ayaa ciidihii hore kaga duwanayd dhinaca dadka oo maanta si balaadhan isku soo baxay.

 



Mustafe C/kariim Cali
(Mustafe Future)
Timacade News Office
Gabiley Somaliland
timacadenewse@hotmail.com