Garnaqsi iyo Duco

 



Waxaan salaamayaa Dhamaan Reer Soomaaliland sida dulqaadka leh ee ay u ilaashadaan Dalko oda anoo og in culays badani oo is daba joog ahi saaranyahay...Halkan waxaan idiinku soo gud binayaa Weedho la yidhaa Garnaqsi iyo Duco.



 


Dhibaatada Aduunyadu

Midhaa sida dhimbiilbay

Dhac dhac iyo ur badantoo

Dhaxan iyo Kulayl iyo

Dhado iyo dabayl iyo

Dhulka iyo Cirkoo kale

Amba dhuubni iyo xoog

Dhabta Ubad mid saaroo

Dhacdhasada Caruurtiyo

Midaan abid wax dhalinoo

Dhegihiisu Aabiyo

Waalidnimo ka dheertoo

Dhunkashu la ceeb tahay

Naxariisna meel dhigay

Iyaguba dhismaha guud

Dhererkiyo laxaadkiyo

Dhalashada sidoodaba

Dhabtii waa ragee garo.

*****

Kawnkuna dhamaantii

Waa laba is dhinac yaal

Dheeli kama fogaatoo
Ma dhamaato abidkeed

Dhan markaad ka eegtana

Nin dhur sugay Aduunyada

Toban dhawri jiray beri

Marna uma dhamaatee

Sagaal baa la dhiiboo

Kii kale ma soo dhicin

Waa la kala dhantaaloo

Kolay dhaawac weeyoo

Waanay dhimantahee garo.

*****

Dharaar kii ku saaciday

Marbuu Gacanta dhiibtaa

Dhamal Reerka wada yaal

Marbuu dhinac barwaaqada

Dhabar lala arooriyo

Dhalintoo cawaysiyo

Daantada Habeenkii

Cadalool la dheelaa
Dhanka kalena waayaha

Dhallaankoo haraadiyo

Dhulkoo wada abaariyo

Xoolohoo dhamaadiyo

Qaylo dhaantu badataa

Waana sheeko dheeroo

Lagu dhigay Quraankoo

Dhab loo wada arkee garo.

*****

Nin macaan dhadhamiyoo

Hadba dharag la seexdoo

Dhacadiid u jiifoo

Waxa dhacay aduunyada

Dheel dheel la yaab iyo

Dhallanteed la tahayoo

Dhiishaa dhaansanaayiyo

Ninka gaajo dhacayee

Sunta dhuuni moodee

Inuu cuno dhunkaal iyo

Intu geed qadhaadh dhalo

Dhadhamana ka maqantoo

Dhabarkiyo xanjaadkiyo

Mergiyadu is dhaafeen

Iyagaba Rag wada dhaha.

*****

Ninka dhaqay Horweynkee

Geela kiisa dhalay iyo

Inta keentay dhaystiyo

Dhaqayadiyo gaankiyo

Aarankuba is dhaafeen

Iyo kaan dhalaalkaba

Dhalaankiisu aragbee

Dhiilkii ka madhanyee

Qaraamaad in loo dhigo

Dhegtu taagantahayee

Dhawaqeeda raagsaday

Hada wada dhashee garo.

*****

Dhacdadeed Aduunyadu

Meela kuma dhamaatoo

Nimco lama dhamaystoo

Kolay waa habeen dhaxe
Ninka dhawrsan waayee

Lugba meel intuu dhigay

Sheekada is dhaafshee

Dhayal mooday noloshoow

Intay kaa dhabacatee

Kaa dheeryay waayuhu

Qaar kalay dhankoodii

Dhabarkeeda saartoo

La daalaa dhacaayoo

U dhamaatayee garo.

Bal aan soo dhaweeyoo
Soo dhameeyo weedhiyo

Dhambaalkiyo warkeedee

Dharaartii dagaalkii

Dhibicdiyo rasaastii

Markii laysu soo dhacay

Maalintii la dhaatee

Raggii dheenta shubi jiray

Dhudi yaa lahaa iyo

Caanaheeda yaa dhamay

Nin dhegaystay Heesaha

Amba dheehday Gabayada

Raggu sibiq dhaqaaqee

Wacdaraha la dhigayee

La deg dhabay Cadaawaha

Taasuba dhacdee garo.

*****

Inkastooy dhibteediyo

Dhimashada Nin doorkiyo

Ragga kii dhaqaaqiyo

Halyeeyada dhab iyo sooc

Tolkay uga dhamaadeen

Dhirbaaxadu halkeedii

Dhabanada ka muuqdaan

Dhulkii waa xorooboo

Gobanimo dhadhaminoo

Faqash waa dhamaatee

Maxaa looga dhaadhacy?

*****

Wax dhintiyo wax dhaawaca

Dhallaan wada agooma ah

Waayeel la dhaafoo

Dhibta iyo xumaantiyo

Dheef waxy ku nooshay

Barray dhaami doontaa

Rajadeed la wada dhigay

Dhibanaha ninkii dhibay

Intuu dhoosha ka cadayn

Dariiqyada ku dhaafaan

Iyo qaar dhan iyo maan

Intuu dheeman iyo luul

Dhigtayee shisheeyaha

Dhaqashada fogaystee

Wax dhegaysi ugu jecel

Dheeshiyo ciyaartiyo

Waxaad tahay Wadani dhab ah.

*****

Ana dheelimaadkiyo

Dhalandhoolka socodkiyo

Dhibanaha warkiisiyo

Dhakafaarka Koosoow

Waxaan meesha ugu dhigay

Amba Gabayga dhiigiyo

Ilmo dhibic ka leedahay

Waxaan dhawrayaa wali

Umaddoo dhamaantood

Dhirbaaxada Cadaawaha

Dhallin iyo waxgaradkii

Iska dhaadi waayeen.

*****

Waxaan dhawrayaa wali

Arrimahan is dhaafiyo

Hawlahan la kala dhigay

Lugta Luqunta dhaaftee

Runtan meel la dhigayee

Laysu dhiibay Beentiyo

Dhaqan wada xumaadiyo

Xaqan layska dhinac maray.

*****

Waxaan dhawrayaa wali

Ciddan dhaanka raacdee

Dhoofka wali ku maqanee

Toban saniyo toban kale

Iyo tiro wax dheertahay

Sahankoodu dheel iyo

Dhalanteed carruur iyo

Sheega ma dhaaftiyo

Dhaqaaq joogsi Koosoow

Misna dhabarku muuqdee

Dhuumaalaysi iyo ceeb

Sheekadii u dhalan rogay.

*****

Allihii dhamayee

Dhidbee aduunyada

Dhab ahaana jirayoow

Adigaan dharaar

Amarkaad dhigtiyo

Dheh waxaad tidhaa

Cidi dhaafi karin

Adigaan wax dhalin

Misna aan la dhalin

Ubad iyo Dhallaan

Adaan dhalin intaba

Dhamays baad tahoo

Wixii aad dhehdana

Dhib yaraan aduu

Isha dhibiq sugmaa.

*****

Ragaygii dhintiyo

Dumarkii dhamaan

Intaan ciid la dhigin

Lafuhuna dhamoow

Dhoobantahay cidlada

Intii dhaawacee

Dhaqaaqii ka tagay

Dhamaantood Janada

Dhul barwaaqo iyo

Meel ay dhibtii

Isku dhaafiyaan

Xumaantana ka dhaaf

Wax ku soo dhiciyo

Dhibtii soo martay

wali dheelintaa.

*****

Allihii dhidbee

Dhulkii Hooyaday

Dhalashiyo halkaan

Dhallaanimo ku koray

Dhaqaaq iyo halkaan

Dhacadiid ku gama’

Dhaadashada lahaa

Waxaan ogay Dhamoow

Dhibta haysatiyo

Dhaqaalaha yaroo

Ka dhaqaaq yidhaa

Wax la dhaafsadee

Adaa dhawrayoo

Waxa dhacay arkee

Naga Qabo Dhunkaal.

*****


 

Axmed Cali
KSA