Maxamed Ibraahim Cigaal oo geeriyooday

 


Waxaa maanta magaalada Pretoria ku geeriyooday, Madaxweynaha Somaliland, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.


London May 3rd,2002 (TNN)- Maxamed Ibraahim Cigaal oo ay da'diisu tahay ku dhowaad siddeetan sano, waxaa uu Soomaaliya ka soo noqday Ra'iisal Wasaare lixdamaadkii.

Cigaal waxaa lagu tilmaami karaa siyaasiyiinta Soomaaliyed ee xilalkiisa oo kale qabtay kii ugu wakhtiga dheeraa nolosha siyaasadda.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu ku dhashay sanadkii 1929- kii degmada Odweyne ee Gobolka Togd heer.

Yaraantiisii waxuu ku barbaaray magaalooyinka Burco, Berbera iyo Sheekh, oo uu ku dhameystay waxbar ashadiisii malcaamadda qur'aanka ilaa iyo dugsiga Sheekh.

Warbarasha sare ayuu u tegay oo la xiriirta xagga ganacsiga magaalada London, ee waddanka Britain, w axaana uu dalka dib ugu laabtay, horaantii sanadihii kontomeeyadii oo xilligaasi ay aloosnayd dabeyshii x ornima-doonka xisbigii SNL.


Sanadkii 1956-dii Allaha U Naxariistee Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal waxaa loo doortay in uu noqdo xoog hayihii guud ee xisbiga SNL, ee u halgamaayey xornimadii Soomaali-Land.


Bishii Feberwari, sanadkii 1960-kii, Allaha U Naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, waxuu gacantiisa ku s oo saxiixay, in Soomaali-Land ay xornimadeeda ka qaadato Dowladda Ingriiska taariikhdu markeey tahay 26-ka Juun ee sanadka 1960-ka.


Markaasi waxaa Cigaal ku wehliyay heshiiskaas, rag ay ka mid ahaayeen Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraa him Nuur, Axmed Keyse Ducaale, iyo Maxamuud Cabdi Carraale.


Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Alaha U naxariistee waxuu noqday hogaamiyihii u horeeyey ee Soomaali-land, kadib markey xornimadeeda gaartay 26-kii Juun sanadkii 1960-kii.


1-dii July 1960-kii markii Gobollaada Koofureed ee Soomaaliya ay iyana xornimadoodii ka qaateen dowlad da Talyaaniga ee ay dhalatay jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo  hogaamina a yey wafdigii ka socday Soomaali-land wuxuu noqday wasiirkii gaashaandhigga ee ugu horeeyey Sooma aliya.
 

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxuu kaluu noqday wasiirka tacliinta ee Soomaaliya 1963-dii ilaa iyo 1964-tii, hase yeeshee wuu iska casilay gollihii wasiirrada ee sanadkaasi, isagoo hogaamiye ka noqday xisbi mucaarad ahaa oo la oran jiray SNC,markii dambena wuxuu ku biiray Cigaal xisbigii SYL.


10-kii July 1967-dii, wuxuu noqday Cigaal ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya, markii Cabdirashiid Cali  Sharm a'arke loo doortay xiligaasi madaxweynihii Soomaaliya.


Cigaal mar kale ayaa loo doortay jagadaasi ra'iisul-wasaaraha doorashooyinkii 1969-kii .


21 Oktoobar 1969-kii markii inqilaabka milatari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyad Barre, uu ka dhacay Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Cigaal waxuu ahaa Ra'iisul wasaarihii ugu dambeeyey ee dowlad  sooma aliyeed oo la doorto, waana la xiray, wuxuuna Cigaal Xabsiga ku jiray ilaa iyo 1981-dii bishii February, mar ka laga reebo muddo sanad ka yarayd oo ahayd 1975-tii ilaa iyo 1976-dii, oo mar loo agacaabay Danjira ha Soomaliya u fadhiya New-Delhi ee dalka Hindiya, kadibna islamarkiiba xabsiga ayaa lagu celiyey.


1985-tii waxaa jirtay mar loo magacaabay Cigaal guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, laakiin kumuu raagin jagadaasi, ee wuu iska casilay markiiba.


Burburkii dowladdii Soomaaliya ka dib, Cigaal wuxuu ka qeyb galay sanadkii 1991-dii, shirkii dib-u-heshiisii nta ee Soomaaliya ee Jabuuti, 1993-dii bishii May 5-teedii ,Cigaal waxaa loo doortay Madaxweynaha Soo maali-land, iyadoo jagadaasi dib hadana loogu doortay sanadkii 1997-dii.


Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu todobaadkii hore daweeyn u tagay dalka Koonfurta Afrika iyadoo ay wehliso marwadiisa Kaltuun Xaaji Daahir iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Soomaali-Land.


Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal Allaha U Naxariistee, wuxuu guursaday intii uu noolaa shan dumar ah, wux uuna dhalay shan caruur ah oo kala ah sadex wiil iyo laba gabdhood, oo intaba ay u dhashay Marwo Caa sha Saciid Caabi.

 

 

Source: Axmed Siciid Cige, BBC