Taariikhda
Khibradeed ee Gen.Maxamed Faarax Nuur oo Dhawaan loo
Magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Sool.
Taliyaha Cusub ee Gobolka Sool General Maxamed Faarax
Nuur waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii Aasaaska Cii
danka Somaliland ku soo gudo jiray tan iyo intii Dalka
somaliland la soo galay isaga oo ka hor ka mid ahaa
Sar aakiishii Ciidamadadii Dawladii la isku odhon jiray
somaliya wakhtigii Afwayne, Xilal kala duwanna ka soo
Qabt ay Ciidankii Xoogga somaliya.
Hadii aan soo koobo taariikh koobana idiinka iftiimiyo
Taliyihii hore ee Gobolka Gabiley ahna Taliyaha Cusub ee
Gobolka Sool Gen.Maxamed Faarax Waxa uu ka mid ahaa
Dadkii fara ku tiriska ahaa ee soo maray somaliland,
hadii aan ka soo bilaabo wakhtigii dawladii la odhon
jiray somaliya waxa uu ahaa sarkaalka kaliya ee
bad baad iyay Ardaydii wax ka baran jiray dugsigii Qalax
ee ku yaalay Gabiley kuwaasi oo mudaharaad ka sameeyay
isla markaana Afwayne Amray in la laayo balse uu ka hor
istaagay isla markaana dhirbaaxo kaga saaray laba
xidi glihii Watay Ciidanka iyo beebeeyadda lagu xasuuqi
lahaa Ardayda, Badbaadiyayna Boqolaal arday oo qaab
qaabiil loo xasuuqi lahaa, taasi oo taariikh ahaan
ardaydii iyo dadkii reer Gabiley ee Wakhtigaasi ay
sifiican u wada garan karaan dhacdadaasi.
Taliye Maxamed Faarax oo taariikh ahaan xusuus gaar ah
ku lahaa Wakhtigii Dawladii somaliya badbaadinta
iy o illaalinta Dadkiisa gaar ahaana marka ay ciidamadii
Afwayne isku dayaan inay dhac iyo dilal u gaystaan
dad ka reer somaliland oo wakhtigaa ahaa Gobolladda
Woqooyi ee somaliya. Iyada si gaar ah loo soo qaadan
karo dhacdadii uu ka sameeyay tuuladda Agabar oo ay
deganaayeen Qoxooti afwayne dajiyay isla markaana lagu
dhici jiray dadkii dhalasho ahaa Woqooyiga ka soo jeeday
ee halkaasi deganaa, Kuwaasi oo uu dhamaantood qoray
kuna daray Ciidamadii Guulwadeyaasha si ay u
badbaadiyaan Naftooda iyo maalkooda oo lagu dhici jiray
halkaasi isaga oo siiyay Hub ay isku difaacaan, taasi oo
ay ka marag kici karaan Dadkii reer Agabar ee
Dhibaa tadu ka haystadda Goobahaasi oo maanta odayadii
wakhtigaasi uu badbaadiyay ay joogaan.
Gen.Maxamed Faarax oo ka qayb galay Halgankii dib u
Xoraynta Dalka ee SNM, isla markaana ka soo Qabtay Xilka
Taliyaha Guutadda Shanaad wakhtiyadii ay ugu qadhaadhayd,
halganka adagna lagula jiray kalidii taliyihii Maxamed
Siyaad barre, kuna Wareejiyay Xilka guutadda Shanaad
Gen.Maxamed jaamac.
Gen.maxamed Faarax 1990 waxa uu Noqday Taliyaha
Nabadgalyadda Qoxootiyadda SNM oo uu kala Wareegay
Muj.Muuse Biixi Cabdi oo hadda ah Gudoomiyaha Xisibga
Talladda haya ee Kulmiye.
Intaasi kadib Taliye Maxamed Faarax Nuur Waxa uu Tababar
ku soo Qaatay Mandheera oo markii uu ka soo Noqday loo
Magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Gabiley 1994-kii
isaga oo Wata Seddex Boqol oo Askari oo tababar ku soo
qaatay mandheera, halkaasi oo Seeska u dhigay Aasaaskii
Saldhiga Gabiley isla markanaa uu ka fuliyay Hawlgalkii
ugu Balaadhnaa ee lagu furayay jidadka udhexeeya Borama
iyo Hargeisa oo ay Xidheen Day,daygii iyo jidgooyo fara
badan ay u Xanibnaayeen Jidadkaasi.
Wakhtigaasi oo uu taliye ku Xigeen u ahaa Daahir yare,
waxa uu ku Mutaystay Bilad sharaf uu ubalan Qaaday Alle
ha unaxariistee Maxamed X.Ibraahin Cigaal oo ahaa
Madaxwaynihii Dalka somaliland.
General Maxamed Faarax Waxa ka soo shaqeeyayn Lixda
Gobol ee Dalka somaliland oo uu ka noqday Taliye Q
aybeed, dhamaantood Marka lagu darro Gobolka sool oo
dhawaan loo magacaabay oo ah Gobolka dhamays tiray,
isaga oo ka soo bilaabay Taliyaha Gobolka Togdheer oo uu
laba jeer Xilkaasi ku noqday aadna uga soo qayb qaatay
Hanaankii iyo Hirgalintii Nabadgalyo ee Gobolkaasi Dadku
aad u jeclaayeen,waxa aan la ilaawi Ka rin
Wakhtiyadii uu ahaa Taliyaha Ciidanka Nabadgalyadda
Wadooyinka Somalialnd (Traffic) oo uu kaalin laxaa
dle ka qaatay illaalinta taabo galinta Nidaamka
Nabadgalyadda Wadooyinka somalialnd iyo dhismaha
Ciidanka Traffic Police-ka.
Marka laga yimaado Taliye Maxamed Faarax Lixda Gobol ee
Dalka oo uu dhamanatood ka Noqday Taliye Booliis, Waxa
kale oo noqday ku xigeenka Hogaanka Qorshaynta ka dib
markii uu Wareejiyay Xilka Traffic-ga, isaga oo intaasi
ka dib loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Goboka
Gabiley oo uu hayay labadii sanno ee ugu Danbeeyay,
halkaasi oo uu ka ahaa Taliye iyo Nabadoon si
khibradaysan uga qayb qaatay nabadaynta iyo Da
minta Colaada Ceelbardaale ee ay ku dagaalamayaa Beelaha
walaalaha ee jaarka ah.
Taliye Maxamed Waxaa si gaar ah loogu Xasuustaa
Wakhtigii Guurtidu ku gudo jirtay soo saarista Go,aanka
S oo afjaridda Muranka Dhul beereedka Ceel bardaale oo
ay Sugeen Nabadgalyadooda si ay Guurtidu go,aanke
eda u gaadho, isaga oo Xidhiidh Fiican la lahaa Taliyaha
Ciidanka Booliska ee Gobolka Awdal oo ay iska kaashan
jireen Daminta Colaadda Wakhtiyadda Shaqaaqooyinka ka
soo Cusboonaadaan.
Taliye maxamed Faarax oo ah Sarkaal aad u nabad jecel
ayaa Gobolka Gabiley ka dhisay Dhinacyadda Nabad g
alyadda isku soo dhawaanshaha Bulshadda Gobolka Wada
degta, isku xidhka dhalinyaradda iyaga oo la Ciyaari
jiray Kubadda si ay u dhiiri galiyaan dhalinyaradda una
Tusaan Wanaaga Maamulkoodu uqabaan dhalinyarad da
kana Samaysteen Saaxiibtinimo Waarta.
General Maxamed oo khibrad ahaan maanta ka mid ah Dadka
Faro ku tiriska ah ee Ciidamadda somaliland ku ji
ra, kana soo qaatay Billaddo iyo Tababaro Wadanka Kuuba
Wakhtigii dawladii somaliya,Tababaro Milatari oo k
ala duwana ku Qaatay Dalka Somaliland, ayaa dhawaan loo
magacaabay Taliyaha Gobolka Sool, taasi oo Noqo n
doonta Gobolkii ugu danbeeyay goboladda Dalka ee uu Xil
ka qabto, marka loo eego Goboladda kale ee Dalka oo uu
dhamaantood soo maray.
Taliyeyaasha Noocan oo kale ah waxa ay ka mid yihiin Dal
ahaan in kayd loo haysto isla markaana ay illaasha
to Dawladda Somaliland, kana Faa,iidaysto Waayo
Aragnimadda iyo khibradda uu Xambaarsanyahay, Isla mar
kaana ka dhigato janano kayd ah oo u faa,iideeya
Ciidanka Xoogga Dalka Somaliland.
Sciid Cali Daahir (Sacad Guray)
Hargeisa/somaliland
sacadguray@hotmail.com |
|