Go’aamo Lagu Ansixiyay Shirkii Golaha DHexe Ee KULMIYE Iyo Khudbadii Uu Madaxwaynuhu Ka Jeediyay
 



“Shirka London Kama Qeyb gelayno, danina Uguma Jirto Somaliland,”Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)


Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyay madaxweyne Ku xigeenkiisa Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Say lici), ayaa maanta ka qeyb galay kalfadhi aan caadi ahayn oo ay Golaha dhexe ee xisbiga KUL MIYE ku qabsadeen Huteelka Maansoor ee Caasimadda Hargeysa.

Kalfadhigan aan caadiga ahayn waxa kale oo ka soo qeyb galay Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo xubnaha Golaha dhexe oo tiradoodu dhan tahay 148 xubnood, waxa iyaguna goob joog ka ahaa Salaadiin, cuqaal iyo Taageereyaasha xisbiga tallada haya ee KULMIYE.

Fadhigan waxa lagu ansixiyay ijn shirweynaha xisbiga dib loo dhigo illaa 25-ka Bisha Decem ber ee dabo-yaaqada sanadkan 2013-ka, waxa cod gacan taag ah ku ogolaaday 147 xubnood, cid diiday iyo cid ka aamustay midna may jirin, waxase aan codayn Guddoomiyaha Golaha dhexe.

Sidoo kale, waxa lagu ansixiyay ururadii doorashada ku hadhay ee RAYS, DALSAN Iyo UMMA DDA ee dhawaan ku soo biiray heshiiskana la gaadhay xisbiga KULMIYE, waxa ogolaaday 140 xubnood, laba xubnood way diideen, afar xubnoodna ayaa ka aamusay, halka Guddoomiyu huna aanu codayn, sidaasi ayaanu qodobkaasina ku ansaxay.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad ka jeediyay kalfadhigan aan caadiga ahayn , ayaa ugu horayn dhambaal tacsi ah u diray qoysk ii, qaraabadii uu ka baxeen dadkii dadku qaaday shalay ee uu ku jiray ALLE ha u naxariistee Xildhibaan Aadan Shire Faarax.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa mahad naq balaadhan u soo jeediyay dhamaanba xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE sida qiimaha leh ee ay u soo qaban qaabiyeen xafladaasi shirka aan caadiga ahayn. Waxaanu sheegay in xisbiga KULMIYE uu yahay xisbi fac aad u wayn iyo taariikh ku leh dalka isla markaana aan awoodiisu aad u balaadhan tahay.

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu mar kale ku celiyay inaanay Somaliland ka qe yb geli doonin shirka London, waxaanu yidhi “Shirka London sidii aan hore u sheegnay kama qayb gelayno, oo waxaanu u aragnaa in aanu na khusaynin, danina aanay ugu jirin qaranka Somaliland”.

Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray “Wada hadalada Somaliland iyo soomaaliya waxa ahaayeen barnaamij socda oo ka soo bilaabmay shirkii London 12-kii bishii February ee sana dkii 2012-kii, kaasi oo ay dunidu fagaare ku go’aamisay in Somaliland iyo Soomaaliya ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyaasadeed, intaasi ka dib waxa dhacay labadii kulan ee London iyo Dubia, waxaanan ku kala saxeexanay qodobo dhaxal gal ah hor dhacna u ahaa wada hadaladaa.”

“Mana jiraan wax iska kaaya bedelay diyaarna waanu u nahay in loo wada hadlo si siman, mana jirto cid nagu khasbaysaa wax aanay dani ugu jirin ummadayada,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa kale oo uu sheegay in muddooyinkan danbe ay dalka si aad ah u yimaadeen shirkado iyo ganacsato shisheeye kuwaasi oo maal gashi iyo ganacsi kaleba dalka ka abuuri doona, waxaanu madaxwayne Siilaanyo u soo jeediyay hay’adaha amaanka ee dalka iyo shacbakaba in loo baahan yahay in la ilaaliyo shirkadahaasi iyo ganacsatadaasi.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe Mudane Jaamac Ismaaciil Cigge.

Cumar Maxamed Faarax