Warsaxaafadeed

 


Hargeys (TNN) - Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada, Siciid  Cadaa ni Mo oge, ayaa isaga oo dhamays tiran waxa uu u qornaa sida tan ‘’Golaha Wasiirada  Ja mhuuriyadda Somaliland waxay si wada jir ah u ansixiyeen Miisaniyadii Qaranka ee  sanad kan 2010.

Fadhiga Golaha Wasiiradu ay Maanta Miisaniyadda ku Ansixiyeen oo uu Gudoominayey  Mad axweyne ku Xigeenka JSL. Mudane Ahmed Yuusuf Yaasiin waxay si qoto dheer uga doodeen qaybaha kala duwan ee Miisaniyadu ay ka koobantahay. Waxa isna ka cudur daartay dib u dhaca Miisaniyaddan sanadkan Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cali Ducaale “Cawil” oo Golaha u sheegay in sobobaha Dib u dhaca ay ugu wacantahay arimo farsamo.




Miisaniyada sanadkan oo ka badan tii sanadkii hore iyada oo lagu daray lacagayow loo  kord hiyey adeegyo ku tacaluqa danta guud ee Qaranka, waxaa la filaayaa in loo gudbiyo Golaha Wakiiladda ee Somaliland todobaadkan soo socda si ay u ansixiyaan’’.

 


Afhayeenka Madaxtooyada
Siciid Cadaani Mo oge