Komishanka
doorashooyinka oo ka hadlay sawiro Diiwaangelinta ku saabsan oo
Saxaafadda lagu faafiyay
Guddoomiyaha Komishanka
doorashooyinka Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Kaboweyne), aya been-abuur
aan macno lahayn ku tilmaamay sawir lagu faafiyay shabakadda wararka
Internet-ka ee Saylac.com, isla markaana wargeyska dalka qaarkood ka
soo xigteen, kaasoo muujinayay sawirka wiil yar oo ay Shabakaddu
sheegtay inuu ka hooseeyo da’da Xeerku tilmaamay, balse lagu
Diiwaangeliyay goobtii Diiwaangelinta ee Xood oo ka tirsan gobolka
Togdheer.
Mr Kaboweyne oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal,
waxa uu sheegay in la been abuuray sawirka wiilka yar ee lagu
dhajiyay qoraalka lagu faafiyay Shabakadda, isla markaana ay
Komishan ahaan maanta soo bandhigi doonaan sawirka dhabta ah ee
Kaadhkaas.
“Adeer, macno ma laha oo Kambuyuutarkaa lagu samayn karaa inta sawir
la qaado in meel kale lagu dhajiyo. Kaadhka la isticmaalay (la
faafiyay) iyo goobta laga diiwaangeliyay waa Togdheer, laakiin taasi
in aanay macno badan lahayn oo ay fududahay sida looga been abuuri
karaana waxaad ku garan kartaa, kaadhkaa laftiisa ayaa Website kale
ku jira oo inta ilmaha yar laga saaray Ina Rayaale (Madaxweynaha) la
galiyay.
Adigu (weriyaha waraysanayay) bal hadda fur website-ka
Saraarnews.com, waxaad ku arkaysaa sawirkan kale’e. Runtiina wax
sidaas ah maaha oo carruurta yar yar baa samaysa, markaad Saylac.com
furtana waxaad arkaysaa oo calaamad u ah Soomaali-weyn, waana niman
dibadda degen oo doonaya inay khalkhal geliyaan reer Awdal iyo guud
ahaan Somaliland-ba.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Wuxuuna intaa ku daray, in aanay been-abuurkaa uu tilmaamay waxba u
dhimaynin natiijooyinka iyo sumcada Xogta dadka isdiiwaangeliyay.
Maxamed Ismaaciil Kaboweyne waxa uu sheegay inay dabogal ku
samaynayaan shaqsiyaad uu sheegay inay Shabakaddaas Boorame uga
gudbiyaan sawiradaas ay faafisay. Guddoomiyaha Komishanku waxa uu
Saxaafadda u soo jeediyay in aanay faafinin wax dhaawac ku keenaya
Diiwaangelinta iyo geedi-socodkeeda, taasoo uu sheegay inay tahay
arrin qaran.
Ogaal
|