JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Republic of SOMALILAND
 


Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL Date:012/08/2010



War-Saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu gudoomiyeyaal cusub u magacaabay gobolada Maroodi Jeex,Togdheer,Saaxil, Hawd, Gabiley, Sarsar, halka uu gobollada Sanaag iyo Salal dib ugu magacaabay Badhasaabadii hore u joogay inay hawsha halkaa ka sii wadaan..

Madaxweynuhu, isaga oo tix-raacaya qodobka 90-aad ee dastuurka JSL, isla markaana tix-gelina ya ahmiyada wayn ee ay goboladani u leeyihiin dhismaha Qaranka, tixgaliyayna kartida, aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee ay leeyihiin waxa uu u magacaabay in ay guddoomiyayaal ka kala noqda an
 


1. Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje).

Gudoomiye ku xigeen gobolka Maroodi-jeex:Mawliid Weris Cabdilaahi



2. Gudoomiyaha Gobolka Togdheer. Yaasiin Maxamed Cabdi

Gudoomiye ku xigeen gobolka Togdheer: Cabdi Daahir Caynaanshe



3. Gudoomiyaha Gobolka Saaxil: Maxamuud Cali Hayste (Ramaax)

Gudoomiye Ku xigeen gobolka Saaxil khaddar Cali Cilmi



4. Gudoomiyaha Gabiley Rashiid Cumar Sh. Maxamed

Gudoomiye ku xigeen gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case)



5-Gudoomiyaha Gobolka sool Mudane Cabdilaahi UJaamac Diiriye,

Gudoomiye ku xigeen gobolka Sool Axmed Aadn Carte



6- gudoomiyaha gobolka Hawd: Jamaal Xuseen Hurreh

Gudoomiye ku xigeen gobolka Hawd khaddar Ibraahin Jaamac



7-Gudoomiyaha gobolka Saaraar: Ibraahin Xasan Cali

Gudoomiye xigeen gobolka Saaraar: Ibraahin Jaamac Maxamed



8-Gudoomiyaha gobolka Sallel: Maxamed Muuse Bucul



9-Gudoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurreh (dib-u-magacaabid)



Madaxweynuhu waxa uu gudoomiyeyaashii hore iyo ku xigeenadooda hore ee gobolada Maroodi-jeex. Saaxil, Togdheer, Sool, Saraar, Hawd iyo Gabiley uga mahad-celiyay mudadii ay xilka soo ha yeen, iyada oo ay sunnaha dawladnimo tahay isbedelku awgeedna waxa uu Madaxweynuhu fara y inay sida ugu dhakhsaha badan ugu wareejiyaan masuuliyiinta cusub ee xilalka loo  magacaab ay.

 



ALLAA MAHAD LEH



AF-hayeenka Madaxtooyadda JSL

C/laahi Maxamed Daahir ( Cukuse )