Ma Jirto Murashaxiin Dhacday Ama Faa’istay Ee Xisbiyo Iyo Ururo Ayaa Kuraasida Helaya

 

 

 

Guddoomiyaha Guddida Duiwaangelinta Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq-ciyaale) oo maanta Warbaahinta kula.........

Hargeysa (TNN) - Guddida Diwaangelinta Ururadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ayaa mar k ale ku celiyey loo kala reebayo Axsaabta ku tartamaysa Doorashooyinka Goleyaasha Deegaank a.

Guddoomiyaha Guddida Duiwaangelinta Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq-ciyaale) oo ma anta Warbaahinta kula hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey qodobo uu sheegay in hadhow mur an ka dhalan karo haddii aanay murashaxiinta iyo dadweynuhu sii fahmin.

Gudoomiyaha Gudida diiwaan-gelinta oo arrimahaas ka ka hadlaya, waxa uu yidhi “Horta waxa tartamaya ee kala hadhayaa Ururadda iyo xisbiyadda, ashkhaas tartamaysa oo kala adkaanay saa ma jirto. Nidaamka lagu kala helayaa waana kii saamigii boqolayda ahaa. Haddii aan tafaasiil ka bixiyo masalan Hargeysa ay ka codayso 200 oo kun oo qof oo waxa loo taramayaana yahay 25 Kursi. Markaa waxa la isu qeybinayaa 200 ee kun ee qof ee ka codaysay Hargeysa iyo 25-kii kursi ee loo taramayay. Markaa masalan qiimaha kursigu wuxuu noqonayaa 8 kun oo cod. 8000 in qof gaadho ma aha daruuri. Haddii qof gaadho xisbigii/ururkii wuu helayba. Tusaale ahaan Ururkii/xisbigii hela 40 kun oo cod, waxa tirada codadka uu helay loo qeybinayaa qiimihii kursiga ee 8000 ahaa. Markaa ururkaasi ama xisbigaasi wuxuu helayaa 5 kursi,”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa dhici doonta oo hadhow muran keeni doonta haddii aan la fahmin dhici doonta haddii urur helo kursi qudha oo ninka ugu sareeyaana 700 oo cod yahay oo 25-kii murashax ee ururkaasi ama xisbigaasi ku shuraakoobay ay sidaasi ku buuxiyaan 8000. Ururkaasi markaa waxa uu siin doonaa kursigaasi kii ugu sareeyay.”

Guddoomiyaha Guddida Diwaangelinta Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq-ciyaale) waxa uu intaas ku daray “Markaa ma jiro qof xisbi ama urur ka tartamay oo dhacay iyo mid faa’isay, waxa tartamaya ururo iyo asxaab oo codka saamiga ah ku kala helaya kuraasidda. Mana jirto sida dadku qabo in 25 qof ee Hargeysa ugu codka badani inay soo baxayaan,”ayuu yidhi Gudoo miyaha Gudida diiwaan gelinta ururadda siyaasadda iyo ansxinta axsaabta qaranka"
 



Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland