Maxaa keenay in gudoomiyihii hore degmada t/wajaale ugu xidh naado in ka badan laba bilood dano shaqsiyadeed oo gaara

 


Sida aynu ognahay mudo laga joogo saddex bilood ku dhawaad,.ayaa Hanti Dhawrka Guud ee Qaranku ayaa ay eedaymo kala dawan u soo jeediyeen dhawr masuul oo ka soo jeeda Gobolka Gabilay, masuula daas oo uu ka mid ahaa Gudoomiyihii hore ee degmada  Tog-Wajaale,  mudane Qawrax Muuse Hussein. Eedaymahaasi oo la xidhiidha lunsi hanti qaran ,mudane Qawrax waxa uu mudo laba bilood iyo saaid ah ku xidhanyahay jeelka Gabilay,  oo uu xukun suge ku yahay iyadoo aan wali cadaalada la hor gayn max kamadina aanay xukumin,  mudanahan jeelka Gabilay maxbuuska ku ah , ayaa ka tirsanaa Xisbigii tala da dalka laga guulaystay ee UDUB.

Mudanahan , oo masuuliyado kala duwan ka soo qabtay Degmada Tog- Wajaale,  isla markaana ahaa G udoomiyihii hore Xisbiga haatan mucaaridka ah , mudo dheerna soo hogaaminayey , waxa kala oo uu m asuuliydo laba jeeroo kala duwan ka soo qabtay maamulka Degmada Tog-Wajaale ,oo uu Gudoomiye ka noqday .Mudanahan aan wali cadaalada helin ayaa ah ka kali ah ee eedaymo noocani ah u xidhan, talaa badani maaha mid dalkoo dhani ka siman yahay,  balse waa mid gaar ku noqotay Gobolka Gabilay, taasi na waa mid cadaallada baal marsan , waayo dalka waxaa ku sugan kumanaan shaqsi oo dawladii hore u soo shaqeeyey,  waxaa wax lala yaabo ah oo nasiib daro ah in masuuliyiinta Gobolka Gabilay, waaran lo o soo qaado,  ayna u xidhanyihiin qaar ka mida , sida Gudoomiyihii hore ee degmada Tog-Wajaale, taas oo ay kala siman yihiin masuuliyiintii dawladii hore u soo shaqeeyey, go;aanka Xisbiga Kulmiyana ahaa inaan la tix raacin khaladaadkii dawladii hore iyo masuuliyiintooduba galeen.

Hadaba markaan eegnay dhamaan arimahaasi , waa mid nagu dhalisay dareen xasaasi ah,  xadhiga ma suulkan lagula kacay iyo sababaha ka takooray kumanaankii shaqsi ee uu la midka ahaa , waana mid ka turjumaysa cadayna u ah in xadhiga masuulkani sharciga baal marsan yahay , uuna u xidhan yahay sha qsiyaad dano gaara leh , oo ay uga fuli wayday markii masuulkani xilka Gudoomiyenimo, taas oo aan u aragno aargoosi shaqsiyadeed.

Guntii iyo gaba gabadii , waxaan maqaal kayagani baaq ugu diraynaa dhamaanba cidii ay khusayso arin kan wax ka qabashadeedu,  gaar ahaana masuuliyiinta dawlada inay hoos u eegaan waxna ka qabtaan arintan isla markaana xornimadiisii u soo celiyaan masuulkan , anagoo wali ka gaabsanayna inaan rabs hado abuurno , anagoo dhawrayna sharciga iyo kala danbaynta Dalka taalla.

Hadaba,  haddii wax ka qabashadeeda laga gaabsadana,  waa mid nagu kalifi doonta inaan anagu jawa ab cad ka bixino.

Dhalinyarada baaqa soo jeedisay:

1-Muxuyadiin Ahmed Karaash

2-C/laahi Ahmed Aw Ramadaan

3-Qaasin Ibraahin Muxumed

4-C/qani Cali Barre

5-Cismaan Aadan Guuleed

6-Mawliid Ahmed Jibriil

7-Naasir Ahmed Awramadaan

8-Cabdi Odowaa Cawaale

9-Maxamed Cabdi Dharaar

10-Badri Maxamed Dhidar

11-Dayib Muuse Xuseen

12-Yaasiin Axmed Cali

13-Axmed Ibraahin Cabdi

14-Guuleed Ibraahin Muuse