War Deg Deg Ah:Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada Oo Ku Dhawaaqay Urur Siyaasadeedyada Soo Baxay Iyo Kuwa Ay Kala Yihiin.

 



Waxay gudidu ku dhawaaqday 6 urur oo ay shegtay inay ku soo baxeen kala reebista oo u tartami doona doorashada golaha deegaanka ee soo socota...........Daawo Sawirada
 


Hargeysa (TNN) - Guddida diiwaangelinta ururada Siyaasada ayaa maanta ku dhawaaqay Ururadii u soo gudbay tartanka Doorashooyinka Golaha Dhexe.

Ururada hore u tar tamayey wajiga labaad ee kala saarista ayaa tiradoodu ahayd 15 urur Siyasaade ed, kuwaasi oo mid waliba shuruudihii looga baahnaa uu ku dedaalayey in uu noqdo kii ugu horeeyey ee buuxin lahaa, waxaana ka mid ahaa shuruudaha ugu waaweyn ee wejiga labaad ururada lagu xidh ay in ay Gobol walba ka keenaan kun qof oo madax taabasho ah, taasi oo keentay in Ururadu Gobol walba tagaan si ay ugu muujiyaan bulshada taageerada ay ku leeyihiin gobolkaasi ay tageen.

Sidoo kale waxa ka mid ahaa shuruudaha ugu waaweynaa wejiga labaad ee kala saarista Ururada Si yaasada in urur walbaaba uu qabsado shir weynihiisa, isla markaana laga eego sida ay uu u dhacay shir weynihiisu, waxaanay Ururo badan qabsadeen shirweynihoodii oo ay ku soo bandhigeen cududa ay leeyihiin.


Maanta ayaa waxa ay guddida diiwaangelinta Ururada Siyaasadu ku dhawaaqeen Lix urur oo ay she eg een in ay soo gudbeen, waxaanay Lixdaasi urur kala yihiin Wadani, Nasiye, Dalsan, Rays, Xaqsoor iyo Umadda.



Ururada ku hadhay tartanka ayaa kala ah iyaguna:

Nuur , Damal , Horyaal , NDB , Badbaado , UDHIS , Gurmad , Jamhuuriga , SSCD.
 

 


Timacade News Desk
Hargeisa , Somaliland