Guddoomiyaha
Golaha Dhexe Ee Kulmiye oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddidii qaban
qaabada Shirka Golaha Dhexe iyo Muuse Biixi oo ku dhawaaqay inaanay
waxba ka jirin Shirkaasi
Hargeysa(TNN) Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil
Cige (Shabeel), ayaa maanta magaca abay guddidii qaban qaabada
Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye oo ku began Lixda bisha Juun,
Xubnahaas oo ka kooban 11 kuwaasoo ah Guddidii hore ee qabatay
Shirweynihii Labaad ee Xisbiga Kulmiye ee Musharaxni mada iyo
Guddoomiyenimadaba loogu wada doortay Madaxweynaha hada talada haya
Axmed Maxamed Maxa mud Siilaanyo
Waxaanu War-saxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha golaha dhexe oo
saxaafadda loogu talagalay u qorn aa sidan:-
Ujeedo: Magacaabid Guddida Qabanqaabada Ee shirka Golaha Dhexe
Iyada oo aynu hore ugu dhawaaqnay qabasshada shirka golaha dhexe ee
Kulmiye oo ku began June 06,2011, waxa lagama maarmaan noqotay si ay
qabsoomida shirku u tabaalo la’aato in aanu magacawno guddi qaban
qaabo oo ka hawlgasha dhamaan hawlaha ku began qabashada shirka
golaha dhexe.
Sidaa darted, manta oo ay taariikhdu tahay 28/05/2011 waxaan u
magacaabay inay noqdaan guddida qaban qaabada ee shirka golaha dhexe
xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:-
1. Axmed Muxumed Madar Guddoomiye
2. C/kariim Axmed Xinif Xoghaye
3. Maxamed Muuse Abees Xubin
4. Nimco Xuseen Qawdhan Xubin
5. Ilhaan Maxamed Jaamac Xubin
6. Axmed Xaashi Oday Xubin
7. Xuseen Axmed Caydiid Xubin
8. Mahdi Xuseen Cadar Xubin
9. C/raxmaan Yuusuf Cartan Xubin
10. Siciid Cilmi Rooble Xubin
11. Axmed Cabdi Dheere Xubin
Xubnaha Guddida qaban qaabada waxaa lagu wargalinayaa inay bisha
31/05/2011 oo ku began maalin Axad ah isugu yimaadaan Xarunta
Xisbiga Kulmiye saacada 9:00 Subaxnimo, halkaas oo Guddoonka Golaha
Dhexe kulan kula yeealn doono.
Mudanayaal waxaan idiin rajaynayaa hawl wacan, Guul iyo Gobanaimo
taam ah
Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel)
Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee xisbiga Kulmiye
Hase yeeshee sida caawa laga
baahiyay Televisionka Horn Cable TV oo waraysi la yeeshay
Guddoomiyaha Xisbi ga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo wax laga
weydiiyay Shirkaasi ayaa ku tilmaamay inaanu waxba ka ogayn, waxa
anu Hogaanka xisbigu ogeyna aanay waxba ka jirin.
Source: Waaheen
|