Warsaxaafadeed

 

Soo Dhawayntii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Jan8/10
 


Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo marwadiisa marwo Amina Sheekh Maxamed Jirdeh ayaa maanta oo Jimce ah saacado markay  aha yd 09:45 subaxnimo ee saacada bariga Maraykan ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Washington-Dulles Airport. Waxaa gudomiyaha iyo marwadisa halkaa ku qaabilay si heer sare ahna ugu soo dhaweeyay xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdillahi Cumar, xubno ka tirsan gudida fulinta xisbiga Kulmiye ee waqooyiga Maraykan, jaaliyadaha reer Somaliland ee gobolka Washington-Virginia iyo jaaliyada la dariska ah ee gobalka Maryland.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Siilaanyo iyo marwadiisa oo safar aad u dheer oo dhowr iyo toban saacadood qaatay diyaarad si toos ah ugu soo jiray ayaa hadana wajigooda ay ka muuqatay xamaasad iyo farxad aad u badane. Gudoomiyaha xisbiga kulmiye md Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo wuxuu mahad naq farabadan u soo jeediyay dadweynihii ka tirsanaa jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan  Wash ington-Virginia iyo gobalada la dariska ah ee sida wanaagsan ugu soo dhawayeen  mad aarka Washington -Dulles Airport.

Dadweyne aad u triro badan oo ka tirsan jaaliyadaha reer Somliland ee agagaarka  Wa shington-Virginia ayaa si xamaasad leh baabuur ugu sii galbiyay gudoomiyaha iyo  mar wadiisa illa iyo intii laga gaadhayay Hoteelkii loogu tala galay inay gudoomiyaha iyo  ma rwadiisu ku degaan.

Wararka gudoomiyaha waxaa kala socon doontaan shabakada xisbiga ee  www.kulmiye.org wixii faafaahina ee ku saabsan safarka gudoomiyahana kala soo xidhiidh webmaster@kulmiye.org


Gudida Fulinta Xisbiga Kulmiye Ee waqooyiga Maraykan