HANBALYO IYO BOGAADIN KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYN AHA
EE DHAQAALAHA, MUDANE AXMED XASAN CARWO XUSKII 52NAAD EE
26KA JUUN, MAALINTA XORRIYADDA SOOMALILAND
The Office of Somaliland Presidential Advisor on:
Economy, Commerce, and Investments.
Mr. Ahmed Hassan Arwo
Eci.advisor@gmail.com
002522 409 64 21
Waa 26kii Juun, waa ayaantii qarannnimada Soomaliland,
waa hooyadii taariikhda, waa hooyadii hal ganka
SNM. Waa
dharaartii aynu noqonay qaran jira, madax banaan oo
dunida laga aqoonsaday. Maalin farxad iyo reynreyn,
maalin guul iyo damaashaad, maalin himmilo wacan iyo
mustaqbal nuur aaya. Waa maalin siyaasiintii xiligaasi ku
hamiyeen mideynta shanta Soomali. Dal weyn iyo dad bada n
oo isu hiloobay.
Waxa hammigaas dhooqeeyey ciddii dhinaca koonfur talada
u qabatay ee ilowday israacu inuu aha a dhabada loo
maraayo mideynta shanta Soomaliyeed. Waxay ka dhigteen
inay xukunka ku qadhaa btaan kana dhigaan dukaan ay
leeyihiin iyo hanti u gaar ah. Isla
1961 kiiba reer
Soomaliland wey ka biyo diideen sida wax u socdaan. Waxa
fashilmay inqilaab lagu soo celinaayey gooni-isu-taaga
Soo maliland. Waxa iyana cod weyn lagu diiday dastuurkii
loo codeeyey 1961 dhinaca Soomaliland. Waxa cadaalad
daradii iyo maamul xumadii keentay ina ay baabaday
himiladii seddexda maqan lagu doonaayey. Waxay seddexdu
arkeen maamulka labadii israacay sida loo xumeeyey,
waxayna noqde en qaar ka fogaada, kana jeesta baaqii
beenta ahaa ee Xamar ka soo birqamaayey.
Waxa xigtay tu ka daran oo askarti xukunkii la wareegtay
deedna xumaniba xumaan sii dhasho. Waxa bilaabmay
diidmadii cadaalad darada, oo noqotay xasuuq, dil, dhac,
burburin, duqayn magaa lo cir iyo dhulba iyo qixii
magaalooyinka looga yaacay ayda iyo bisaaska. Waxa
xoogaystay halkankii hubaysanaa ee SNM guushuna waxay ku
biyo shubatay 18 May 1991 iyo la soo noqooshadii
xorriy adda iyo madaxbanaanida.
Intaas oo dhammi waxay ka dhasheen oo hooyo u aha
26ka Juun 1960 ee aynu hogaanka dalkeena gacanta ku qabanay,
kana saarnay gumeysigii Ingiriiska ee qarni ku dhowaadka
dalkeena haystay wax qabadna ka madhnaa. Waa maalin
xusuus wacan, waa maalin qaranku midnimo ku ciido, waa
maalintii Soomaaliland noqotay dal xor ah oo adduun
weynaha ka m id ah, helayna aqoonsi caalami ah.
Waxaan halkan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa
bulshaweynta Soomaliland, qurbajoog iyo dal-joo gba,
xukuumadda baar ilaa sal, Golayaasha Sharcidejinta,
Ciidamada, Shaqaalaha, Ganacsatada, mu ruqmaalka, xoola
dhaqatada iyo beeraleyda, Soomaliland oo dhan rag iyo
dumar, wiil iyo waayeel, waxaanan leeyahay xusa 26ka
Juun oo qadariya maalinta xorriyadda. Ku waara nabad,
naruuro, bashbash iyo barwaaqo.
Guul iyo
horumar.
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo
Maalgashiga.
Eci.advisor@gmail.com
Temp. Contact: Riyadh, Saudi Arabia ( 054 054 2267)
http://samotalis.blogspot.com/
|