Hay’ada HAVOYOCO ayaa maanta u qaybisay qalab xafiisyada dawladaha hoose ee Faraweyne, Salaxley, Baligubadle, Duruqsi, Alaybaday, Balidhiig iyo Darasalaam
.

 


Hargeysa (TNN)-Xog waraysi ay Hay’adu ka qaaday in kabadan toban degmo ayaa waxa lagu ogaad ay baahiyaha kajira qaar kamidaha xafiisyada dawlada ee degmooyaankasi inay yihiin qalab la’aanta sida Computerada, Printerska, Kuraasta, Miisaska iyo Kabadhada keyda waraaqaha. Xafiisyadan oo u aad ugu shaqeeya qaybaha kala duwan ee bulshada isla markaasina xafiis u ah meeyarka degmo kasta ayaa waxa loo darsa culays kaga yimaad qalab la’aanta.


Kadib xogwaraysigii, si arintaasi wax looga qabto hay’ada HAVOYOCO waxay qalab u qaybisay xafiisy adaasi.


Qalabkaasi loo qaybiyay xafiisyadu waxay ahaayeen sidan:-


1. Dell PC, Dual Core Processor, 2GB RAM, 500 GB HDD with 17” LCD
2. HP Laserjet Printer
3. Office Desk
4. Office Executive Chair
5. Shelf
6. File Boxes (3pcs)
7. Box of white papers (1pc)
8. Register Book


Waxa qalabkan Hay’ada Havoyoco ka gudoomay meeyarada degmooyaankaasi oo maanta kulan ku yeeshay xafiiska shirarka ee HAVOYOCO.


Meeyarka degmada Baligubadle Ibrahim Cumar Jamaac oo ka hadlay qalab wareejintii ayaa yidhi “ Waxa lana siiyay qalab aan aad ugu baahnayn runtii, HAVOYOCO aadbaan ugu mahadnaqaynaa, wax ay had iyo jeer ka tarjuntaa baahidayada, waxa lana siiyey qalab xafiis oo dhamaystiran oo isugu jira computerkii, miiskii, fileboxyadii. Runtii tani waxay naga caawin doontaa hawlaha aanu u qabano bulsh ada waxaanay fududeyn doontaa hawl maalmeedkayaga”.
 

 


24/01/2012
HAVOYOCO, Hargeisa Office.