War-galin : Wargeyska Hubaal mudaharaad cabasha ah ayuu qaybaha kala duwan ee Bulshada ugu baaqayaa

 


Hargeysa (TNN):- Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) Waxa uu ku wer gilanayaa dhammaan qay baha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo kala ah labada Xisbi mucaarad ee Qaranka UCID iyo WA DANI, Xildhibaanada labada Gole Qaran, Wakiilada iyo Guurtida, dhallinyarada ku hana qaaday Dim uqraadiyada iyo xoriyatul-qawlka rag iyo dumar, Aqoonyahanka, wax garadka iyo dhammaan qay baha kala duwan ee bulshada reer Somaliland, gaar ahaan dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Ha rgeysa ee Gobolka Maroodi-Jeex, in maalinta Salaasada 03/12/2013 , ay kalasoo qayb-galaan Mu daharaad Salmi ah oo dareenkooda ay ku muujinayaan , kulana cabirayaan dhacdadii foosha xuma yd ee dilka Qorshaysan lagula beegsaday Hawl-wadeenadii Warbaahinta madaxa bannaan ee Hubaal Media Network  iyo sida sharci darrada ah ee Maxkamadda Ciidanka Qaranku ay u sii days ay Gacan ku dhiiglihii Hoggaaminayay weerarka Hubaal, kaas oo hawl-wadeenada Hubaal ay gacan ta ku dhigeen habeenkii weerarka waxashnimada ah lagu soo qaaday oo ku beegnayd 24/04/2013.

Waxaanu mar labaad idinka codsanaynaa inaad usoo dadaashaan Bannaanbaxaa Salmiga ah ee la gu cabirayo dareenka dhacdooyinkaa foosha xun ee is-daba yaala, wakhtigana aad ilaalisaan,

 

 

Mahadsanidiin