WAXA LA YIDHI: HADII LAGU SHEEGO WAA LAYS SHEELAA HADII LAGU SHEELANA WAA LAYS SHEEG

 

Waan idin salaamayaa dhamaan dadwaynaha reer somaliland iyo Websiteyad ada ma daaleyaasha ah ASALAMU CALAYKUM salaantaas sharafta le ka dib, Waxa hore loo yidhi DOQONI HADII LA KAFTAMAYO IN LA KALA TAGAYAY  MOO DAA! maahmaahdaasi waxay ku aroortaa qofka run u qaata kaftan iyo  dacaa yado dhex mara dad muslina, oo walalo ah, oo ilmaadeer ah, oo isku dal ah, oo isku diir ah.Sidaa ogtiin ba waxaynu Qaadanay nidaamka Axsaabta oo ah mid horu mar aynu ka gaadhnay.

 Tusaale usoo qaado sadex nin oo walaalo ah ayaa si qoto dheer u kala  taage eraya 3-da xisbi Qaran(UCID,KULMIYE,IYO UDUB).Bal hadaba bulshooy  waxay nu qaadanay inaynu ku shaqayno DEMOCRACY laakiin ma ogtihiin inay jiraan  d ad aan matalikarin Reeraha oo ka dhex kaluumaystay dimoqraadiyadii oo  qaa tay CLAN-BASED DEMOCRACY waana shaqsiyaad wax u fahmay si qaldan.

Markaan usoo noqdo biyo dhacayga Website-ka inoo heelan yaynaan ku  maax dumin hadal bilaa micne ah Ana waxaan shaki la'aan idiin xaqiijinayaa inaan  ah ay nin mudnaanta koobaad iyo ixtiraamka koobaad siiya madaxda dalka ( muca arid iyo muxaafidba) oo aan qabiili ahayn waliba waxaan jeclay bal meelkaleba daayoo halkan iminka aan joogo Gudida iyo Taageerayaashaba cidkastaa way ku jirtaa Haybkasta way leeyiin waanu is jecel nahay mana aha hadaan madax wax ku canaanto wuu neceb yahay cid iiga dhawna ma aaminsani inay jirto oo waa wada madaxdaydii.Somaliland kaligeen ma dagno waar halaysla yaabo oo inaga daaya qoraalka laynagu nacayo waa iga waano. Markii aan fikiray anoo amakaagsan oo la yaaban sida aynaan u fahmin Axsaabta waxan alifay

Heestan la yidhaa AMAKAAG:

 

 

 

Aan inoo bilaabee

Allaheena wayn baan

Amaantiisa Qirayaa

Arligu waa dalkeenii

Waa laynagu amaanoo

Aasaaska nabaduna

Ixtiraam inaga mudan

Intaasi waa Araar iyo

Ulajeedo hadafkayga

Akhristeyaal dhamantiin

******

inyar dhagaa iyara siiya

Aduunyadan layaabka le

Intay Beentii naaxday

Runtii ay Inkirayso!

Anigiyo Naftaydii

Isla shawrnay dhawr goor

Mar is idhi Dadkaa waalan

Mar is idhi ambatayoo

Adigaa habawsane

Isha uun bal maaloo

Iska daa qoraalka
 

******

Sanwaayoow afkaba xidho!!!

Qabiil aayatiin ma le

Axsaabaa la qaatoo

Isma haysan karayee

Markay Niman ilduufaan

Mooshinadu isdhaafaan

Oo siyaasi cadho jiq qi

******

Intuu Urur samaysto

Abaydinka hor boodo

Duufsado Ardaydii

Amnigii khalkhaliyaan

Ayay naftu tidhaahdaa

Inta Rabi ku baray iyo

Afkaartaada dhiibo

Hadiikale ayaamahan

Agoon baa qaxaysa !

Awlaadbaa Rajoobi !

Hooyaa ooyi doonta !

Waxaasoo ishaara ah

Ayaa lay iftiinshaa!

Hadaan Eray ka dhiibto

Eed miyaan ku leeyahay?

Aayadaa quraanka

******

Illaahiyo Rasuulkeenu (SCW)

Way inoo caddeeyeen

Shaydaan Akhbaartiis

Abidkii ma daalo

Shaqsi uurka iga neceb

Mawlahaa arkaaya

Awood malaha bini aadmi

Afka waxay ka leeyiin

Ayuunbay xukumayaan

Kuwa qabiil I mooda

Igu asteeya reernimo

Waligood imay arag

******

Iblaysbaa afuufoo

Way yara asqoobeen

Umaday markhaatiya

Istaqaan isma ilawdo

Inta aan i garanayn

Idilkeed bulshadiyo

Wakhtigaa I bari doona

Inaan ahay muwaadin

Ehelkiisa wada jecel

Eexashadu ka dheertay

Ducaan idinku dhaafee

Allahayoow sidii roon

Umadaada garansii

Oo iskaaya fahansii



Aamiin Aamin


N.B:- waxaan tiriyay Heestan"AMAKAAG" maanta oo salaasa ah Nov 3rd,2009





SANWAA CUMAR YARE
GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com