HALKANI WAA MASALIHII, WALLAAHI INAY DIB UGA BILAABMI!

 


Waxaan salaamayaa dhammaan Ummadda reer Somaliland iyo bahda saxaafadda.

Waxaan jeclaystay in aan bayaamiyo in aynu jarkasii laalaadno, haddii aan waxyaabaha socday aan si xulkasnimo leh wax looga qaban. Ayaamahan waxa soo baxaya in Masuuliin Ummadda u d haaratay ay fidmo abuuris u ambabaxeen, wax sharci ah oo qabtaana aan loo hayn ilaa hadda ama haddii uu jiro aan la hirgelin, sababo aanan garan dartood. Waa in qofka wuxuun xidhaan [s harci uu ka baqo ama qofnimadiisu]. Jumladda kor ku xusan waxa yidh Xildhibaan metelaya umm adda soo dooratay oo nabad ku naaloonaysa hadh iyo habeen, mana filayo Odayga ama Islaan ta soo doortay ee Dada ihi inay doonayaan in ay qaxaan ama nabada yar ee wax u soo raacaa aanay jirin, inay waayaan oo sidii kuwii horeba ugu madheen darxumada qaxootigii ay iyana ku dambeeyaan. Haddaba, Abdirahman Mohamed {Xoog} yuu metelaa ee uu Golaha Ummadda u fa dhiyaa ee uu huwan yahay sharaftooda, isla markaana ay tahay inuu sharaftooda ilaaliyo?

Isagoo taagan Egal International Airport oo ah wejigii dalka Somaliland oo cid waliba maqlayso ayuu kelmadaha xanafta weyn xanbaarsan ee kor ku xusan ku tiraabay, isagoo aan cidna waxb a iskaga tirinayn. Marka u horaysa waa in Shir guddoonka Goluhu uu ka qaado talaabo anshax marin ah, mar labaadkana waa in Attorney Generalku uu gal dacwadeed u furaa, weydiistaana in Goluhu xasaanadda ka qaado muddada dacwaddu socoto. Waysha gawrac, Sacu ha ku quust ee, taasoo ah in Xildhibaanku uu ogaado xurmada uu huwan yahay ee ah inuu dhawrsanaado iyo waxa ka reeban. Aad iyo aad ayaan uga naxay hadalka ka soo yeedhay nin Dhumucdaa leh, welibana Xildhibaan Ummadeed ah.

Anigu qof ahaan ma aqaano Mudanaha, hase yeeshee waxa ii cuntami waayey, sida uu arinta c irka ugu shareeray iyo hadaladan uu yidhi oo aynaan u baahnayn haba yaraatee. Waxa taas ka sii daran ka saxaafadda metelayey, ee su’aasha weydiiyey oo isna wax laga yaaq yaqsoodo ku hadlay, uguna yeedhay Wasiirka “MOHANAD” oo ka turjumaysa hormoodka ama “leading Actor ka” filimka Turkiga ah ee hadda Horn Cableka ka socday oo ay habluhu isku haystaan, sida shee kada filimka u socoto. Qorigii hadda Afka ayaa laga ridaa ma istidhaahdeen?

Somaliland marbay BEED ahayd haddase way dhaaftay marxaladaas, waxase fiican in laga foog aado haddalada toosinaya Qabyaadda aynu kaga tashanay nabad geyada aynu haysanno had da ee qof wal oo inaga mid ihiba uu dhankiisa ka ilaalinayo, waayo waynu soo aragnay dhibta ay leedahay xumaanta ehligu.

Ilaahay baa ilaalinaya Somaliland,
 

 

 

 

Omer Hussein Dualeh