| Halyeygii Timacade in jaamacada loogu magac daraa guul iyo farxad bay u tahay reer Gabiley oo dhan
Cabdilaahi Suldaan Timacade, wuxuu ahaa Halyey Wadaniya oo faylasuu fa (philospher). Wuxuu ahaa abwaan wey oo Ilaahay soomalida u soo dir ay inuu uga digo qabyaalada doqoniimada leh ee ay ku meeraysanayaan intaanay soomalidu qeyrkeed ka reebin. Dhibaatadii iyo gunimadii uu Ab waan Timacade soomalida uga digayeyna waata maanta soomalida heys ata, ee dhalinyaradii bada ku dhamaatay, dumarkii soomaliyeed ee gobta ilaahay ka dhigayna, ee guurtidu geedka ku bixin jirtayna sida maamusta leh ,waa kuwa Yurub iyo America ku ah single mother( carmali ama garo ob ninba siduu u yaqaan) intii kale geeska Africa ku bisaaradeysan. In Timacade loogu magac darro Jaamacada laga dhisayo Gobalka Gabilay waa arrin qiimo badan. Magac iyo sharaf ayey u tahay reer gabilay inuu abwaankii soomali ugu weynaa ka dhasho,waana waajib in Jaamacada lo o bixiyo Timacade, halyey taariikhiya oo kasta waxa loo magac daraa Jaa macado ama magaalooyin. Tusaale ahaan caasimada maraykanka waxaa loogu magac darray George Washington, Jaamacada weyn ee ku taalana waata la yiraah Washington university, jaamacada weyn ee kale ee Mar aykanka ku taalana waata la yiraahdo George Mason University, waxaa loogu magac daray nin caana oo la oran jiray Mason oo faylasuuf weyn ahaan jiray. Timacade , wuxuu mudan yahay in loo xuso taariikhdiisa sida Ingiriiska iyo Maraykanku u xusaan Shakespeare. Reer Gabilay farxad iyo faan bay u tahay in Timacade University Gobalka Gabiley laga dhiso. Waxa kale oo fiican in mujaahidiintii reer Gabiley sida Mahdi Cali, Yaxye xaaji Ibraahin, Xasan Yoonis, Haybe Cumar, Muuse Nad iif, Captain Daa,uud iyo Mujaahid Dhuxul, loogu magac darro dugsiyada sare iyo kuwa hoose dhexe ee gobalka Gabiley ku yaala.
Iska ilaaliya cidkasta oo tolka kala qaybinaysa waatii hore loo yiri: "TALO XUME TOL MA BADIYO"
|