Halyeygii Timacade in jaamacada loogu magac daraa guul iyo farxad bay u tahay reer Gabiley oo dhan

 

Cabdilaahi Suldaan Timacade, wuxuu ahaa Halyey Wadaniya oo  faylasuu fa (philospher). Wuxuu ahaa abwaan wey oo Ilaahay soomalida u soo dir ay inuu uga digo qabyaalada doqoniimada leh ee ay ku meeraysanayaan intaanay soomalidu qeyrkeed ka reebin. Dhibaatadii iyo gunimadii uu  Ab waan Timacade soomalida uga digayeyna waata maanta soomalida  heys ata, ee dhalinyaradii bada ku dhamaatay, dumarkii soomaliyeed ee  gob ta ilaahay ka dhigayna, ee guurtidu geedka ku bixin jirtayna sida maamusta leh ,waa  ku wa Yurub iyo America ku ah single mother( carmali ama garo ob ninba siduu u yaqaan) intii kale geeska Africa ku bisaaradeysan.

In Timacade loogu magac darro Jaamacada laga dhisayo Gobalka Gabilay waa arrin qiimo badan. Magac iyo sharaf ayey u tahay reer gabilay inuu abwaankii soomali ugu weynaa ka dhasho,waana waajib in Jaamacada lo o bixiyo Timacade, halyey taariikhiya oo kasta waxa loo magac daraa Jaa macado ama magaalooyin. Tusaale ahaan caasimada  marayk anka waxaa loogu magac darray George Washington, Jaamacada weyn ee ku taalana  w aata la yiraah Washington university, jaamacada weyn ee kale ee Mar aykanka ku  taal ana waata la yiraahdo George  Mason University, waxaa loogu magac daray nin caana oo la oran jiray Mason oo faylasuuf weyn ahaan jiray.

Timacade , wuxuu mudan yahay in loo xuso taariikhdiisa sida Ingiriiska iyo Maraykanku u xusaan Shakespeare.

Reer Gabilay farxad iyo faan bay u tahay in Timacade University Gobalka Gabiley laga  dh iso. Waxa kale oo fiican in mujaahidiintii reer Gabiley sida Mahdi Cali, Yaxye xaaji  Ibraa hin, Xasan Yoonis, Haybe Cumar, Muuse Nadiif, Captain Daa,uud iyo Mujaahid Dhuxul, lo ogu magac darro dugsiyada sare iyo kuwa hoose dhexe ee gobalka Gabiley ku yaala.


Timacade university, dhamaan dadka ku hawlan haday noqoto odoyaal, d halinyaro iyo haweenba, in ilaahay idiin fududeeyo.

Iska ilaaliya cidkasta oo tolka kala qaybinaysa waatii hore loo yiri:

"TALO XUME TOL MA BADIYO"

 

 

 

Suhuur Nuur
Australia