Hambalyo, Hambalyo , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland,Dr / Professor Maxamed Cabdillahi Cu mar, halyey Qaran oo mudan in Ra'iisal Wasaare* loo caleemo saaro
 

 



Geesiga dhulkiisa ,
 guusha u hor seeda, geerida dishaay,  geedkaa ha ba'o ..........



Waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh,aan u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee re er Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan Allaha awoodda leh aan idiinka baryaya, inuu id inka yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaana, xaqa u hiiliya, dulmigana ka fogaada.

Aan ku xigsiiyo,oo aan salaan kal iyo laab ah,hambalyo iyo bogaadin aan abid duugoobin, aan hawada u mariyo walaalkay, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Isakaashaiga Caalamiga Somaliland,Dr / Professor Maxamed Cabdillahi Cumar.Bal aan gudo galo dulucda qoraalkayga iyo halkaan u dan leeyahay, ee ay muhatay laabtaydu.Waxay nu ogsoonahay mudada kooban ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalilan d,Dr /Professor Maxamed Ca bdillahi,uu hogaaminayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalmiga ah, iyo guulaha laxa adka leh ee uu ka soo hooyey dhan walbba.

Waxaa hubaal ah,biyo kama dhibcaana,in tan iyo maalintii Somaliland lagu dhawaaqay,May 18 ,1991, o o ay ka soo wareegaty muddo haatan laga joogo 20 Sanno,in Dr Maxamed Cabdillahi Cumar noqday, W asiirkii Arrimaha Dibadda ee ugu horreeyey, ee isagoo raadinaya xaqa Somaliland u leedahay inay  aq oonsi Caalamiya hesho, garnaqsi jilbaha isugu laabay  Xubnaha Dawladdaha waaweyn ee Joogtada ku ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay , xaruntooda New York.......Geesi Qaran iyo Halyey aan la haybsan karin iga dheh.

Waxaa iyana taariikh lama illaawana ah noqotay, baal Dahabana ka gashay geedi socodka aqoonsi ra adinta qadiyadda Somaliland,wacdarihii iyo qudbadii qiimaha badanayd ee uu ka jeediyey shirkii ay soo qaban qaabisay Machadka Caalamiga ah ee loo yaqaanno ,The International Republican Institut (IRI), iyo aqoontii iyo khibradii uu kaga jawaabay dhammaan su'aalihii madasha lagu weydiiyey....Tanna aan ku xasuusiyee ,miyaanu kaga dhigin "Markaan anigu Hoonka u tumo,ayay haadka bixiyaane," Cabdillahi Suldaan Timacade.

Socdaalka uu Wasiirku ku soo gaalaa bixiyey Carriga Maraykanku,wuxuu noqday mid taariikhi ah,guul ah,midho dhal ah,aadna uga farxiyey,una guuxeen dhammaan shacabka iyo saaxiibada tirada badan e e Somaliland Caalamka ku leedahay.....Cad ceed soo baxday,sacab lagu ma qarin karo, qalin iyo webs ite toonana, laguma soo koobi karo dadaalka iyo wax qabadka muuqda , ee uu ku tallaabsday Wasiirk a Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr /Professor Maxamed Cabdillahi Cumar.


Intaan Qalinka iyo Tawaadu isku idlaan,waxaan qormadan ku soo af meerayaa,Hambalyo,Hambalyo,W asiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland,Dr/Professor Maxamed Cabdillahi Cuma r,waa Halyey Qaran , oo mudan in
Ra'iisal Wasaare* loo caleemo saaro.



Waxaan idinku dhaafayaa dhammaantiinbba,Geesiga dhulkiisa ,guusha u horseeda, geerida dishaay, g eedkaa ha ba'o.


 

 

 

 

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
19 September ,2011

 

 

 





-------------------------------------------------------------------------------------------------------------

* Haddii Distoorka Qaranku ogol yahay