Hambalyo  Hambalyo Dr. Moha Farah Jire

 

 

Ottawa,Canada ,18 Jan 2012 (TNN)-Anigoo ku hadlaya magacayga,Eng. Mohamed Ali Muse iyo ka dhammaan Bahweynta Timacade News Network (TNN), ee ka hawl gala dunida dacaladeeda , waxa anu dhammaantayo hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u diraynaa, walaashayo,Dr. Moha Fara h Jire,oo ah Weriye Caalami ah, una dhalatay Dalkeenna Somaliland,muddo saddex sanno ahna Gu domiye u ahayd Ururka Saxaafadda Qaarada Afrika , Journalists for African Renaissance (JAR).

 

Dr. Moha Farah Jire,waxay ku mutaysatay shahaado sharaftan Qaaliga ah ee la guddoonsiiyey,a qoon, dadaal , karti iyo atkeysi ay u dhabar adaygtay hawsha baaxaddaa leh ee loo xil saaray iyo masuuliyadii loo igmaday oo ay ka soo dhalaashay.

 

Waxay magac , sharaf , qadarin iyo maamuusbba ay u soo hoysay Dalkeena Hooyo & guud ahaan shacabka Somalilandba .... Waxaan Allaha awooda leh kaaga baryeynaa, inuu kuu fududeeyo,kug u garab galo , kuna guulaysato hankaaga iyo hiigsigaaga ,  ee  mustaqbalka dhaw iyo ka fogba, In sha Allaah.

 

Mar labaad ,Hambalyo , Hambalyo, Dr. Moha Faarah Jire.

 

 

 


Tafatiraha Guud & Webmaster

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
Timacade News Network (TNN )
Long Live SomaliLand News Media (LLSL)