Hambalyo iyo bogaadin Ku Socota  maamulka iyo shaqaalaha Telefiishanka Caalamiga Ah Ee Horn Cable TV

 

 

Marka hore waxaan salaamayaa dhammaan shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaanbba,uguna hamab lyeynayaa  sannad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay maalintii aan Qaranimadeenii la soo noqonay,18  Ma y,1991.

 

Haddaan intaa ka gudbbo,waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karayn aan u dirayaa Mulkiilaha TV ga Caalamiga ah ee Horn Cable TV, walaalkay Farxaan Xaaji Cali Axmed  iyo dhammaan shaqaalaha HCTV , ee ka hawl gala dalka gudihiisa iyo dibadiisba.

 

Sidaan la wada soconno, TV ga Caalamiga ah ee HCTV, wuxuu noqday TV gii ugu horreeyey ee abid  taariikhda Somaliland soo mara , ee toos  caalamka u gaadhsiiyey xuskii  iyo dabaal deggii Calankeenna ee 18 May,2011 . HCTV ,wuxuu  baal dahaba ka galay taariikhda iyo horumarka Somaliland maalinba maalinta ka danbeysa ku tal laabsanayso,  waxaanay noqotay arrin idi diilo galisay,soona jiidatay dhammaan Qurba joogga Somaliland,aad na loogu diirsaday hawshaa Qiimaha iyo Karaamada badan ee HCTV ku guulaystay. Waa wax Ilaahay loogu ma had celiyo horumarka Somaliland  ku tallaabsatay iyo guusha ay gaadhay dhinaca Mediyaha, hormoodna u ya hay  TVga Caalamiga ah ee HCTV .

 

Waxaan mar labaad ,hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karayn u dirayaa ,maamulka iyo ma daalayaasha ka hawl gala TV ga Caalamaiga ah ee HCTV,waxaanan Rabbi idiinka  baryayaa inaad hawshaa aad umadda iyo Qarankeenna u haysaan idinka jasaa'i siiyo , kuna tallaabsataan horumar laxaad leh oo joogta ah.

 

Hambalyo Somaliland , Hambalyo HCTV , Hambalyo Farxaan Xaaji Cali Axmed

 

 

 


 

Cabdirisaaq Cali Muse (Shiine)
Birmingham  UK