Hambalyo iyo bogaadin , Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland ,Dr /Professor
Maxamed Cabdillahi Cumar

 

 


Marka hore waxaan salaan qadarin,maamuus iyo sharafbba mudan , aan  hawada u marinayaa dhammaa n shacabka xariirta ah ee Somaliland , meel walbba oo ay adduunka ka joogaanbba. Waxaana Allaha weyn idiinka baryayaa , inuu idinka yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana.


Waxaan iyana aan salaan iyo mahad celin aan la soo koobi karayn aan u gudbinayaa, guud ahaan saxaafa dda Somaliland , oo laf dhabar u ah , horumarka , kobcinta iyo ilaalinta sumacadda iyo karaamada Somalila nd.


Aan u soo gondo noqdo dulucda qormadaydan,oo ku wajahan guusha iyo libinta ay soo hooyeen Madaxwe ynaha Somaliland , Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Dr Maxamed Cabdillahi, ee dib u soo nooleynta xidhiidhka walaaltinimo ee labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland. Anigoo a ad ugu faraxsan guushaasi,waxaan idinku hambalyeynayaa,idinkuna bogaadinayaa,hawsha qiimaha, qada rinta iyo meeqaanka weyn leh , ee aad ka midho dhaliseen.


Waxaa xaqiiqa ah,biyo kama dhibcaana,in warkaasi aad loogu diirsaday,quluubta iyo laabtana culay ,kuna farxeen dhammaan inta jecel Qaranimda,Karaamada,Jirtaanka iyo wanaagga Dalka Somaliland.Sidaan la w ada soconno,Dawladda Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),waxaa xilka loo dhaariyey mudo ka yar 120 Cisho,xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee ay ku tallaabsadeenna waxay ka markhaati kacaysaa  ,ballan qaadk oodii xilligii Doorashada , ee ahaa inay wadamada jaarka ah la yeelan doonaan xidhiidh walaalnimo,wax wa da qabsi,wada shaqayn , wada tashi , ee ku wajahan arrimaha mandaqadda ku geedaaman.


Waxaa hubaal ah inaad cagta saarteen toobiyihii shacabka Somaliland idinku doorteen,waxaanan idinka ra jaynaynaa inaad guullo laxaad leh ka soo hoyn doontaan dhan walbba,waqti aan fogeynna aan geediga ku furi doonno guri barwaaqo,oo aqoonsi caalami ah ku qotoma.


Aan ku soo afjaro qormadan kooban, hambalyo iyo bogaadin , Madaxweynaha Somaliland ,mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland,mudane,Dr / Professor Maxamed Cabdillahi Cumar.


 

 

 

Eng. Mohamed Ali Muse
November 8 , 2010