Hamabalyo TVGA  Caalamiga ah ee  Horn Cable tv (HCTV)

 

 


Anigoo ku hadlaya magacayga Cabdirisaaq Cali Muse (Shiine),waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa mulkiilaha TV ga Caalamiga ah , Horn Cable TV (HCTV), Farxaan Xaaji Cali , oo ku guuleys tay in HCTV,   soo gaadho Qaaradda Yurub , lagana daawado Dalkan Ingiriiska.

 

Waxaan aad ugu faraxsan ahay,in maanta aynu  ka maarmi doonno, cid kalena aynaan  u daba fadhiisan doonin , wararka  iyo Barnaamijyada TV yada , ee ku sahabsan Dalkeenii Hooyo,si too sana aynu uga daalacan doono TV geenna barakaysan ee HCTV.

 

Dhamaan Qurba jooga Somaliland,waxaa innala gudboon , inaan soo dhaweynno,la shaqaynno, k orna u qaadnno,  magaca iyo maamuuska TV geenna Caalamiga ah , Horn Cable TV (HCTV).

 



Cabdirisaaq Cali Muse (Shiine)
Mulkiilaha:Mada-Daallo Satellite Services
Birmingham , UK